Gacantaad GABRE ku SALAANTAY ha kaa GO’DO! Q1AAD Qore; Bashiir M. Xersi

Gabre_Gacantii_Salaaantay_Somalia_Ethiopia_somalia_keydmedia_online-620x330

Gacantaad GABRE ku SALAANTAY ha kaa GO’DO! Q1AAD

 

Markaad halacsato halkudhegga hore ee qormada, hore ha kala soo boodin; Waa maxay habaarku? Habaar, halaag iyo halgaad midna ma ahane, hore ha iga hiifine, si aad u hubsato ujeedka dhabta ah bal jeedaali, oo si miyir iyo maan ha ku aqri arrinta qabsatay Ayeeyo Soomaaliyeed, oo Gobaad la yiraahdo.

 

Ayeeyo Gobaad waxay dalka ka huleeshay intii uu jiray taliskii rajiimka kali taliyaha ahaa, ee dalka u horseeday burburka iyo baaba’a, ee uu hoggaanka u hayey Maxamad Siyaad BarreAABBAHA BURBURKA SOOMAALIYA”. In seygeeda la xiray, oo xabsigii “GODKA JILOCOW” la galiyey jirdil iyo jujuubna loo gaystay ka sokow, waxaa shaqada looga raacdeeyey hayb qabiil iyo qabyaalad awgeed, maadaama aysan ka dhalan beelihii ku dhaqnaa maamulkii milateriga, ee marooqsaday maaraynta dalka. Ayeeyo Gobaad waa aqoonyahanad heerka jaamacadeed ee PHD qaadatay, ku hadasha afaf dhawr ah, bare, agaasime, kaaliso iyo xilal kale ka soo qabatay dalka iyo dibabaddaba.

Gebre - Copy

Sidii ay uga soo huleeshay dalkii, waxay degganeyd kuna nooleed dalka Denmark, oo burburkii dawladda ka dib ay ku noqotay qaxooti iyo magan, halka ay hore uga ahayd mawaadinad iyo dhalad. Laba kala dheer.

Waxay waayuhu is rogaan ba, dalkuna marba marxalad iyo xaalad adag galo, Ayeeyo Gobaad waxay safka hore kaga jirtay mudaharaadyadii looga soo horjeeday XASUUQII XABASHIDA iyo xigaaladoodu ka gaysteen dalka, ee laga dhigay W. Ameerika iyo Yurub, si gaar ah Denmark.

Inay niyadda ka necbeed kuwii xasuuqaa sabab u noqday ama fududeeyey ama ku luglahaa ama gacan ka gaystay ka sokow, ma jeclayn araggooda, muuqooda, la kulankooda iyo la fadhiisigooda, maadaama ay marar badan shirar caalami ah ka qaybgashay oo Soomaaliya looga hadlayey, haddana, mar walba waxay iska diidi jirtay inay wax la wadaagto kuwaa dadkeeda xasuuqey, deegaankeedana burburiyey, ee Soomaali iyo Xabashi isugu jira iyo Kenya oo dib ka soo gashay.

Gebre1

Waxay mar walba la yaabtaa kuwa isla soo sawira, la fadhiista, la kooda, soo dhaweeya gacan ku dhiiglayaashii shalay dadkooda laayey, ee u soo adeegsaday shisheeye iyo Xabashi, dalkana u gacangaliyey! Sidoo kale, waxay la amakaagtaa markey dhegaheedu maqlaan ama ay dhaayaha saarto madaxda iyo hoggaanka dalka oo ku celcelinayaa, walaalaheenna deriska ah (XABASHI), iyadoo niyadda iska weydiineysa; goorma ayaan walaalownnay? Haddiise aanba anagu oggolaanney in walaalo aan la nahay, iyagu ma qirsan yihiin, oggolaasho u kaadiye?.

Ayeeyo Gobaad la yaabkeeda waxay mar walba ku qancin jirtay; laga yaabee inay qaraabo yihiin ama qabyaaladayani u gaysay, haddii aysan ba u arag halyeey iyo haldool mudan in hebed loo adaado, taa oo ay ka sinnaayeen kuwa aqoon leh ama lagu sheego iyo caammada guud, ee aan ba iyagu eedda hal aqoonka oo kale ku lahayn, saa ogaalka iyo garashada marka laga soo tago, kuwaas waxaa u dheer barasho iyo baaritaane, haddana, sida muuqata wax ba kama dheefin. Ayeeyo Gobaad La yaabkeedii la yaab kale ayuu dhalay, oo markan dhakafaar iyo ay ka qaadday dhabanna hays!

Gebre4 - Copy

Maadaama Ayeeyo Gobaad ay deggan tahay dalka Denmark xubin firfircoonna ay ka tahay bulshada dhexdeeda, ayaa waxay qayb ka noqotay dadyow si gaar ah loogu casuumay shirka soomaalida ku saabsan inay goobjoog iyo korjooge ka noqdaan.

Gebre2 - Copy

Ayeeyo Gobaad maadaama ay dalka moogeed sanado badan, si halhaleel ah ayey u aqbashay ka qaybgalka shirka, ka sokowna, waxaaba xiiso gaar ah u lahaa, sida loogu macnayn doono mooshinkan laga geeyey RW iyo sida mar walba uu buuq ugu dhammaado iyo waxa xiga ee tallaabo ah ee la filan karo.

Xiisihii waday wuxuu isu badalay xanan iyo xanuun isu rogay niyad iyo qablijab, ay adkaan doonto inay ka soo kabsato ama ka bogsooto, maxaa yeelay, arrinta ku dhacday ama ay la kulantay ayaa ku noqotay kaaf iyo kala dheeri, qaadan iyo filan waa, haddana, waa la ye; “Dad iyo duur ba wax walba ka filo” Ayeeyo Gobood waxay la kulantay “Afkii baa juuqda gabey!”.

Ayeeyo Gobood waxay aad u adeegsataa agabka xiriirka dadweynaha, sida; Faysbuug, Tuwitter iwm. Hore marar badan ayey aragtay sawirro laga soo qaaday Gabre, oo ama Muqdisho Odayo Soomaaliyeed ku garbinaya ama cududda ku dhaggan ama shirkii Goob weyne ee Barre Hiiraale ku aqbalay inuu qayb ka noqdo maamulka Axmed Madoobe ay aragtay sawirro laga soo qaaday Gabre oo wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil Soomaali ah la dhextaagan Bistoolad, halka ay goobtana joogeen saaraakiil ka socota Ciidanka Afrika ee AMISOM.

Gebre3 - Copy

Intaa hore iyada oo qaadan la’ayd, oo waliba og in Gabre ka mid yahay kuwii xasuuqa ka gaystay Muqdisho iyo koofurta dalka sanadihii na dhaafay, ayey haddana, waxay marar kala duwan aragtay isla ninkii dambiyadaa gaystay oo wali ku dhex laban Soomaalida, haddana, Bistoolad la dhextaagan ee aysan arkin, iyadoo is weydiiysay; “Abboowayaalow, ma cammeeyey mise waa indhasarcaadiyaa?!” Waxay soo xasuusatey  maahmaahdii ahayd “Doqontu 11 Indhood ayay leedahay,  10 gacalkeeda ayay ku aragtaa halna cirkey ku eegta!” ama “Doqoni walaalkeed ayey u daab weyn tahay” taasoo ka dhigan in haddii laba Soomaali ahi mid kale beel deegaankeeda hub ku dhexqaato iney u arkayaan GUNNIMO iyo BAHDILAAD uu iyaga ula jeedo, halka ay Gabrena u mashxaradayaan labada gacmoodna ku salaamayaan.

Ayeeyo Gobood iyadoo la yaabbaneed, marna qaadan la’eed, sida ay ku suuragashay ama lagu aqbalay ninkii shalay ku xasuuqayey in wadaay iyo xabiib laga dhigto, walibana uu isagoo hubaysan adoo sacabbooleey ah ku dhexjooga, kaaga darane, uu la dhexjoogo kuwo madax iyo isku sheegaya hoggaan? Iyadoo weydiintaa warcelin u le’eed ayaa waxaa ku dhacay tii hore mid iyada uga darreed, oyba la fajacday, madaxuna la weynaaday.

gug

Fisha qaybta xigta ee qormada.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

SHEEKOOYIN