Home Qoraallo Doob Gaamuray Q17AAD W/Q:- Barbaariye Bashiir Cali Xuseen

Doob Gaamuray Q17AAD W/Q:- Barbaariye Bashiir Cali Xuseen

0
SHARE

DOOB GAAMURAY Q17AAD

Oday Bulxan oo ahaa oday gabdho badan aabbe u ah, ayaa intey naxariisi qaadday wiilashii ku yiri “War bal gabadhu jin maaha ee is dejiya arrinkeeda aan hubinnee, teeda kale indhihiinna ka laaba oo halkan igu sii yara suga, aniga ayaa u tagayee” markaa ka dib, intuu dhowr tallaabo gabadha xaggeeda u soo qaaday buu shaal duug ah oo garabka uu ku watay u saaray geed gaaban oo meeshii ay ku jirtay aan ka fogayn, isaga oo ku leh “Maandhaay bal calalka halkaa aan kuu saaray isku astur oo intaad dibadda u soo baxdo halkaa noogu kaalay, bal aan is xaal wareysannee”.

           Gobaad intey soo istaagtay bay shaalkii lagu caawiyay si asturan isugu cawra tirtay, markaa ka dib bay iyada oo tabar darro la luudaysa soo aadday dhankii ay raggu ka xigeen. Gobaad waxaa ka muuqata diif iyo dac darro aad u weyn oo jirkeedii quruxda badnaa qayiraad iyo midab doorsoon gelisay!

Xaaji Bulxan oo ahaa odaygii labada wiil hoggaaminayay, ayaa intuu ka yaabay socodkeeda iyo tabar darrida heysa, isla markiiba Gobaad ku yiri; “Maandhaay miyaad xanuunsanaysaa, maxaase keligaa cidladan bahala galeenka ah ku soo dhex mariyay, miyaadan naftaada u naxaynin?”.

      “Adeerow gacaliye ku mahadsanid, inaad i cawra tirtay oo aad ceebtayda asturtay, balse, marka hore, hadal iyo wareysi ha ii danbeeyee harraad iyo gaajaan la il daranahaye, bal dhuunta ii qooya oo biyo i siiya” ayey tiri Gobaad oo geed u dhowaa sii cuskanaysay tabar li’ida heysa iyo miidaanta oo ka sii lumaysay awgeed!

Bulxan, markii uu gabadha afkeeda intaa ka maqlayba, wuxuu is dareensiiyay, in gabdhihiisuba ay qabsan karto sidan oo kale, wuxuuna si u gurmasho iyo gacan qabad leh u yiri “War bal wiilal yahow dhaqsada oo biyo iyo timirba ila soo gaara aan gabadhan walaashiin ah birmad u fidinnee, illeyn wey asqeysan tahay oo waad arkaysaane”.

       Labadii wiil durba wey fuliyeen dalabkii Oday Bulxan, Gobaadna markii jeenanka yar la soo hor dhigayba, biyihii, ayey si waalli ah afka ugu boobtay iskuna wada qulaambisay, hasa yeeshee markii ay yara miyirsatay oo ay geesaheeda fiir fiirisay, ayey dareentay, in wiilasha indhahoodu ay iyada ku soo maqan yihiin, markaas ayey xishood dareentay timirtiina xagga isaga sikisay, in kasta oo ay gaajo xun heysay haddana waxay ka qajilaysay, in ay ragga hortooda wax ku ruugto, balse, markii ay biyihii ku harraad baxday bay si jilicsan oo miskiinnimo ah u tiri “Mahadsanidin abaal weyn baad igu leedihiin”.

         Bulxan “Adaa mudan, tan oo kalena waa leysku leeyahay ee maandhaay, bal noo warran”, intuu yiri buu haddana sii raaciyay “Dhibka kaa muuqdo waaba aragnaaye, sidee wax u jiraan, ma jirran tahay, ma dhiillaa jirta, mise waad lunsan tahay oo jihadii, ayaa kaa qaldantay, reerkii ku dhalayse xaggee deggan yihiin?, bal wax uun noo sheeg aan ku caawinnee, illeyn halkan cidlada ah kaaga tagi meynee”.
Gabadha su’aalaha la weydiiyay wey ku adkaadeen, in ay si sahal ah uga jawaabto, maxaa yeelay, waxa ay ka welwel iyo walaac ka qabtaa, in la aqoonsado oo dib loogu celiyo tuuladii ahayd “Burdhiig” ee ay maalmo ka hor ka soo carartay, waxayna iyada oo safarkeeda ka been sheegaysa, si fulaynimo ah u tiri “Adeer macaane waxaan ka imid tuulada Diryaamo, waxaanan ku sii socday magaalo la iigu sheegay, hal iyo nirig naga soo baadiyowday, balse jidkii loo marayay baan ka lumay, sidaa darteed baan dhowr casho duurka ugu jiray, haatanna meel aan u socdaba garan maayo ee igu caawiye sidii aan ku gaari lahaa magaalada oo xataa magaceeda aanan garanayn”.

       Oday Bulxan oo gabadha xaaladdeeda si fiican u gartay, ayaa si deggan oo miir dejin ah ugu laab qaboojiyay, “Gabadhaydiyeey is deji oo waxba safarkaada ha ka welwelin, in kasta oo meesha aad u socoto, meel aan ahayn, aan dano ka leennahay, haddana cidlo kaaga tagimayno oo waddo horteenna ah oo ay baabuurtu marto, ayaan kula tagaynee si aad gaari ugu sii raacdid ee wax lacag miyaad wadataa, illeyn baabuurtu waa lacage?”.

Gobaad oo markii hore qalbiga aad uga faraxday, ayaa goortii la weydiiyay “In ay wax lacag ah sidato” jawaabtii laga sugayay ku yara mergatay hoosna u sii jeesatay, waxeyse aamusnaan yar ka dib, ku war celisay “Adeerow, inaan qaawanaa oo aad shaalkaaga igu cowra tirtay waabad aragtaaye, sideen lacag u sidan karaa?”

       Oday Bulxan oo hadalka gabadha uu xishood yara geliyay, ayaa ka garaabayay dan sheegadka gabadha, wuxuuna si deggan u yiri “Dhib ma leh adeer ee laabta khayr u sheeg, annaga, ayaa gaariga ku saarayna ee magaalada aad tagi doonto cid ma ka taqaan?” Gobaad mar kale, ayey jawaabtu ku adkaatay, balse iyada oo aan cidna ka garanayn, bay ku war celisay “Haa adeer”.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo!!

W/Q:- Barbaariye Bashiir Cali Xuseen

SHARE