Home Qoraallo ISLAAMKU MA CABBURIYO ARAGTIYAHA IYO BAREERAHA DADKA W/D: Abdullahi M. Hussein

ISLAAMKU MA CABBURIYO ARAGTIYAHA IYO BAREERAHA DADKA W/D: Abdullahi M. Hussein

0
SHARE
ISLAAMKU MA CABBURIYO ARAGTIYAHA IYO BAREERAHA DADKA
Ugu horeyntii waxaa in la ogaado mudan haddii Eebbe itaal sheegad iyo awood uu dooni lahaa in uu xaqa ku meel mariyo in uu adeegayaashiisa la soo diri lahaa aarmi iyo ciidan ku filan inay xaqa dadka ku khasbaan,ciidankaas oo haday doonaan ka kooban malaa’ig iyo duul qarsoon iyo makhluuqaad muddo kar ah oo si kasta oga awood badan insaankan daciifka ah.
“وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ ۚ..”
“Cid ogi ma jirto ciidanka rabigaa oon isaga ahayn”
Amaba Alle inta intaasoo dhan iska daayo ayuu dadka u diri lahaa doonistiisa aan lays hortaagi karin ee dad iyo duunyaba ka yeesha siduu dooni isaga oo aayar ayuu ku beeri lahaa barnaamij hanuun iyo hogaansanaan ah oo ay inaba kuwa la cusleeyay meelna ka aadi karin.
“وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَآمَنَ مَن فِي الْأَرْضِ كُلُّهُمْ جَمِيعًا ۚ أَفَأَنتَ تُكْرِهُ النَّاسَ حَتَّىٰ يَكُونُوا مُؤْمِنِينَ”
“Hadii uu rabigaa dooni inta dhulka dulsaaran oo dhan way rumeyn lahaayeen ee adiga dadka miyaad khasbaysaa si ay mu’miniin u wada noqdaan”
Walaal xaqiiqda dhabta ah ee bidhaaminta mudan ayaa ah in xigmadda rabigeen ay ku dureersatay in dunidan tahay daar laysku imtixaamo oo dow la sii maro u ah duni kale oo si daa’im ah ay dadka ugu noolaan doonaan iyada oo uu mid kasta dacalada ku sito tacabkii uu dunidan kala tagay oo laba uun mid ah,inuu ahaa qof suuban oo iimaan iyo camal hagaagsan la tagay oo jano lagu abaal mariyo ama inuu ahaa iimaan laawe shar badan shaqaystay oo cadaab lagu shiilo,rabbi ka magane.
Arinta sidaa ah rabbi uma samaynin awood ku muquunin umana adeegsan itaal ee wuxuu dadka siiyay akhtiyaar iyo xoriyad ay ku doortaan wadada ay doonayaan iftiimin iyo ergo uu xujo ku kabay ka dib,kuwaasoo umadda barayay isaga Alle ah una cadeynayay waxa uu ka doonayo iyaga in yeesha iyo in diidaba.
Rasuul kasta oo uu rabbi u diray aadanaha arintiisu gaarsiin oo kaliya ayay ku koobneyd.
Sida rasuulkeena Muxamad ah scw lagu yiri:-
“فَإِنْ أَعْرَضُوا فَمَا أَرْسَلْنَاكَ عَلَيْهِمْ حَفِيظًا ۖ إِنْ عَلَيْكَ إِلَّا الْبَلَاغُ..”
“Haday xaqa ka jeestaan hadde adiga inaad gaar ka qabato kuuguma aanan dirin,kaliya arintaadu waa gaarsiin”.
Adeegayaasha Alle diro dadku dul bay ulahaayeen way dhagaysan jireen su’aal kastana way oga jawaabi jireen xaqana si cad oo caqli iyo cilmiba leh ayay ugu cadeen jireen,waayo waxay ogaayeen in xaqu xujo ku filan yahay oo uu wax kasta isaga ka adag yahay.
“بَلْ نَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَى الْبَاطِلِ فَيَدْمَغُهُ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ ۚ..”
“Xaqa ayaan baadilka ku ganaynaa markaas ayuu maskaxda ka abaarayaa oo uu burburinayaa oo suulinayaa baadilka ..”.
Walaal wali sheeko iyo shaahid laguma hayo nabi Alle soo diray oo caburiyay bareeraha insaanka oo dadka afka qabtay oo yiri car hadla,taas badalkeed intay waxay doonaan ku hadlaan ayaa loo jawaabayay dadka si xigmad iyo caqli gal ah.
Quraanka aad bay ugu badan tahay tacaaliimta ah waxay yiraahdeen sidaa iyo sidaa…adna waxaad ku tiraahdaa sidaa iyo sidaa…ama haday sidaa iyo sidaa ku yiraahdaan…adna ugu jawaab sidaa…iyo didaa….
وقالو…..فقل.
Iwm ayaan in badan quraanka ku aragnaa.
“وَقَالُوا لَن نُّؤْمِنَ لَكَ حَتَّىٰ تَفْجُرَ لَنَا مِنَ الْأَرْضِ يَنبُوعًا(90)أَوْ تَكُونَ لَكَ جَنَّةٌ مِّن نَّخِيلٍ وَعِنَبٍ فَتُفَجِّرَ الْأَنْهَارَ خِلَالَهَا تَفْجِيرًا (91) أَوْ تُسْقِطَ السَّمَاءَ كَمَا زَعَمْتَ عَلَيْنَا كِسَفًا أَوْ تَأْتِيَ بِاللَّهِ وَالْمَلَائِكَةِ قَبِيلًا (92)أَوْ يَكُونَ لَكَ بَيْتٌ مِّن زُخْرُفٍ أَوْ تَرْقَىٰ فِي السَّمَاءِ وَلَن نُّؤْمِنَ لِرُقِيِّكَ حَتَّىٰ تُنَزِّلَ عَلَيْنَا كِتَابًا نَّقْرَؤُهُ ۗ قُلْ سُبْحَانَ رَبِّي هَلْ كُنتُ إِلَّا بَشَرًا رَّسُولًا (93).
“Waxay yiraahdeen ku rumeyn mayno ilaa aad dhulka ilo biyo ah ka dillaaciso,ama aad yeelato beero timir iyo canab ah ood dhexdeeda ka dhambashay wabiyaal,ama samada dusheena ku soo riddo sida aad sheegatay iyada oo gaballo ah,ama aad ilaahay iyo malaa’igta oo wada socda noo keento,ama aad yeelato guri qurux badan oo macaadinta qaaliga ah laga sameeyay,ama aad hadda samada fuusho,oo rumeyn mayno waxan aad sheegayso ilaa aad hadda soo dajiso kitaab aan akhrisano.
Waxaad ku tiraahdaa rabigay baa xumo ka nasahane ma wax kale ayaan ahay anigu aan ka ahayn inaad ahay bashar idinla mid ah oo uun farriin side idiin ah”.
Rasuulku scw dulqaad ayuu u lahaa wax kasta oo ay yiraahdaan kuwa aan rumeyn waxyi xagga samada laga siiyayna wuu hagayay,intii uu awoodda yaraa iyo intii uu awoodda helayba si isku mid ah ayuu ugu jawaabayay gaalada iyo munaafiqiinta inta ay afka baarkii arintu ku egtahay oo aysan adyad iyo gacan ka hadal iyagu la imaanin.
Xitaa isagoo awood leh oo madiina jooga ayay caayi jireen ama habaari jireen,rasuulka scw marna ma miciin bidin inuu afka ay ka hadleen gacan ugu badalo ee arintu waxay u dhaxaysay mar uu Alle u jawaabo kuwa anafada u gaysanayay rasuulkiisa ama mar uu suubanuhu isagaba af isaga celin jiray,inta badana waabu isaga aamusi jiray oo cafiska ayuu ka xigsan jiray haddii ay isaga wax ka sheegaan.
“وَمِنْهُمُ الَّذِينَ يُؤْذُونَ النَّبِيَّ وَيَقُولُونَ هُوَ أُذُنٌ قُلْ أُذُنُ خَيْرٍ لَكُمْ …”
“Waxaa ka mid ah munaafaqiinta iyo yahuuddii madiino kuwo nabiga dhibayay oo oranaya waa dhag ween,waxaad ku tiraahdaa dhagweyn idinka khayr badan weeye..”
Yahuuddii madiina intay rasuulka scw u yimaadaan oo ay wax salaamaya iska dhigaan ayay oran jireen mowd kugu dag,rasuulka scw intuu maqlo ayuu oran jiray idinkuna sidoo kale,ama waxaad tiraahdeenba laydin yiri..intaa uma dhaafi jirin isagoo waliba ahaa quwadda ugu weyn ee madiina ka talinaysay marna gacan ulama tagin bal haweentiisa caa’isha oo mar intay maqashay habaarkooda aad u af dhaaftay yahuudii ayuu rasuulka scw canaantay oo yiri caashaay ka joog.
“وعن عايشة رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا ، ” أَنَّ يَهُودًا أَتَوُا النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، فَقَالُوا : السَّامُ عَلَيْكُمْ ، فَقَالَتْ عَائِشَةُ : وَعَلَيْكُمْ ، وَلَعَنَكُمُ اللَّهُ ، وَغَضِبُ اللَّهُ عَلَيْكُمْ ، قَالَ : مَهْلا يَا عَائِشَةُ ! عَلَيْكِ بِالرِّفْقِ ، وَإِيَّاكِ وَالْعُنْفَ وَالْفُحْشَ ، قَالَتْ : أَوَ لَمْ تَسْمَعْ مَا قَالُوا ؟ قَالَ : أَوَ لَمْ تَسْمَعِي مَا قُلْتُ ؟ رَدَدْتُ عَلَيْهِمْ ، فَيُسْتَجَابُ لِي فِيهِمْ ، وَلا يُسْتَجَابُ لَهُمْ فِيَّ ” .متفق عليه.
“Caa’isha rc waxay tiri yahuudda inta nabiga scw u yimaadeen oo wax salaamaya iska dhigeen ayay yiraahdeen mowd kugu dag,kolkaasay caa’isha tiri:-mowd idinku dag oo nacladda Alle iyo caradiisa idinku dhacday..markaas ayuu rasuulka scw yiri caashaay ka joog oo dhimri,waxaan kaaga digayaa cunfi iyo darnaan iyo afxumo,kolkaasay caa’isha tiri: oo rasuulkii Allow miyaadan maqal waxa ay yiraahdeen,markaasuu rasuulka yiri oo miyaadan maqlin waxaan ugu jawaabay:-sow anigii iri idinkuna sidoo kale,waliba aniga waa layga ajiibayaa oo iyaga laga ajiibi maayo”.
Waxyaabaha in la fahmo loo baahan yahay waxaa ka mid ah in islaamku isagu yahay midka doonaya inuu ka guro dadka hadalka oo weydiinaya kuwa wax diidan inay xujadooda la yimaadaan sida marar badan uu Alle quraanka inoogu sheegay.
قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِين.
“Bal keena xujadiina hadaad run sheegaysaan”.
Wuxuu kale oo Alle yiri:-
“قُلْ هَلْ عِندَكُم مِّنْ عِلْمٍ فَتُخْرِجُوهُ لَنَا ۖ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ وَإِنْ أَنتُمْ إِلَّا تَخْرُصُونَ”
“Miyaad haysaan wax cilmi ah oo aad noo soo bandhigaysaan,hadaydaan hayn hade mala awaal ayaad ku socotaan wax uun baadna iska qiyaasaysaan”.
Akhristow waxaa xusid mudan in caburinta iyo handadaad loo gaysto qof afkiisa ka hadlay uusan ahayn wax inta badan ahlul xaqa iyo islaanimada lagu yaqaan bal taa badalkeed waxaa gacan ka hadal af ka hadal laga horgeeyo iyo caburin iyo cago jugleyn lagu yaqaan kuwa xaqa diidan iyo ahlul baadilka sida marar badan ku cad kitaabka quraanka iyo sunada nabigaba scw.
“قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنْ آلِهَتِي يَا إِبْرَاهِيمُ ۖ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ لَأَرْجُمَنَّكَ”.
” Aazara wuxuu yiri: ibraahinow ma waxaad keentay inaad ilaahyadeena nacdo oo aad wax ka sheegto,hadaadan ka joogin dhagax baan kugu dili”.
“قَالُوا يَا شُعَيْبُ مَا نَفْقَهُ كَثِيرًا مِمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَاكَ فِينَا ضَعِيفًا وَلَوْلا رَهْطُكَ لَرَجَمْنَاكَ وَمَا أَنْتَ عَلَيْنَا بِعَزِيزٍ “
“Shucayboow anagu garan mayno wax badan oo ka mid ah waxaan aad sheegayso,waxaanan kuu aragnaa mid dhexdeena daciif ku ah,haddii aanan tolkaa kugu xaq dhowreynina waa hore ayaan dhagax kugu dili lahayn”
“قَالُوا أَوَلَمْ نَنْهَكَ عَنِ الْعَالَمِينَ )
“Waxay yiraahdeen-luudoow-Oo sow taan kaa reebnay inaad dadka la hadasho ood meelaha wax ka sheeg-sheegto”.
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِرُسُلِهِمْ لَنُخْرِجَنَّكُمْ مِنْ أَرْضِنَا أَوْ لَتَعُودُنَّ فِي مِلَّتِنَا.
“Kuwii xaqa diiday waxay ku yiraahdeen rusushii loo diray laba mid soo gala inaan dhulkeena idinka saarno iyo inaad diinteena ku soo noqotaan”.
… إِنَّهُ لَكَبِيرُكُمُ الَّذِي عَلَّمَكُمُ السِّحْرَ فَلَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ مِنْ خِلَافٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ فِي جُذُوعِ النَّخْلِ وَلَتَعْلَمُنَّ أَيُّنَا أَشَدُّ عَذَابًا وَأَبْقَى.
” Muuse waa midka ugu weyn ee sixirka idin baray,waxaan idinka guri gacmaha iyo lugaha markaasaan idinku salbin timirta jirideeda,waxaadna ogaan doontaan bal kaayaga cadaab daran ee baaqi noqda”.
“قَالَ فِرْعَوْنُ آمَنتُم بِهِ قَبْلَ أَنْ آذَنَ لَكُمْ ۖ إِنَّ هَٰذَا لَمَكْرٌ مَّكَرْتُمُوهُ فِي الْمَدِينَةِ لِتُخْرِجُوا مِنْهَا أَهْلَهَا ۖ فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ (123) لَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُم مِّنْ خِلَافٍ ثُمَّ لَأُصَلِّبَنَّكُمْ أَجْمَعِينَ”
“Fircoon wuxuu yiri Oo ma waxaad rumeyseen muuse aniga oon idiin idmin ka hor,arinkan waa dhagar aad magaalada u maleegteen si aad oga barakicisaan dadka ku nool,dhaari waxay iga tahay inaan gacmaha iyo lugaha si isdhaaf ah idiinka jaro oo aan dhamaantiin idin salbiyo oon idin qodbo”.
ugu dambeyntii walaalayaal waxaa muhiim inoo ah hadaynu nahay muslimiinta maanta nool inaynu tixgalin siino xoriyada hadalka oo aynaan ku tuman tacaaliimta diinteena ee tilmaan ku filan inaga siisay sidii aan u tixgalin lahayn xoriyadda hadalka iyo cabirida rayiga.
SHARE