Xariirka dugsiga, guriga iyo ubadka W/Q:- Cabdirahman Cali Ibraahim

Xariirka dugsiga, guriga iyo ubadka

Waxa ugu weyn ee isku haaya dadka, sida xabagtu ay wax isugu hayso, waa xiriirka ka dhaxeeya dadka. (Badiyaa) Labada qof ee is qaba xiriir dhex maray ayaa sabab u ahaa in xiriirkaas ka dib guur yimaado, ka dibna ay carruur uu Eebbe labadooda ka beero. Haddaba, xiriirkaas ka dhaxeeya labada waalid, waxaa uu u sii gudbaa mid ka dhaxeeya qoyska guriga wada deggan oo ay ka mid yihiin carruurta ku soo biirtay reerka.
Carruurtu, waxa ay aadaan dugsiyada waxaa gacanta ku haaya macallin/miin iyo maamuleyaal. Xiriirka qoyska ka dhaxeeyey mid la mid ah ayaa loo baahanyahay inuu u dhexeeyo dugsiga/macallinka iyo waalidka.
Qoraalkan waxa uu wax ka iftiimin doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya qoyska dhexdiisa iyo kan ka dhexeeya iskuulka iyo waalidka, sidoo kale waxa uu iftiimin doonaa xiriirka qoyska kala taga.

             Xiriirka dugsiga iyo waalidka

Mas’uuliyadda koowaad ee ubadku waxa ay saaran tahay waalidka.Taas oo noqon karta mid barbaarineed iyo mid waxbarasho. Iskuulku waxa uu ka caawiyaa ubadka si ay u gaaraan himmilada uu waalidku ama bulshadu ka leedahay ubadka, saa darteed waa in ay xiriir iyo wadashaqeyni ka dhexaysaa iskuulka iyo waalidka. Danta laga yeelahay xiriirka dugsiga iyo waalidka waa in ubadku ay horumar ka gaaraan waxbarashadooda. Marka la fiiriyo qawaaniinta khuseysa carruurta iyo waxbarashada ee waddanka la deggan yahay, waxaa kala duwan kaallimaha iskuulka iyo waalidka kaga aaddan waxbarashada ubadka.

              Kaallinta waalidka

Sida kor ku xusan, mas’uuliyadda koowaad ee ubadku waxa ay saaran tahay waalidka. Haddaba, waa muhiim in waalidku qeyb wayn ka qaato xiriirka dhex mari kara iskuulka iyo guriga. Waalidku, waa in uu ku xirnaado iskuulka, lana socdaa ubadkiisa, gaar ahaan iyo guud ahaanba waxa ka socda iskuulka. Waxaa jira farriimo ka yimaada iskuulka ama fasalka uu dhigto ubadkaagu. Farriimahaas, qaar waxa ay noqon karaan mid ogeysiin kaliya ah, qaarna waxa ay noqon karaan mid waalidka laga doonayo inuu ka soo jawaabo ama soo saxiixo. Tusaale ahaan, waddamada qaarkood xilliga fasaxa diinta masiixiga, waxaa la soo diraa warqad waalidka laga doonayo inuu soo kala doorto in ilmihiisa kaniisadda la geyn karo ama in iskuulka ay joogayaan si wax kale loo baro. Haddaba waa muhiim inaad ka jawaabtid warqaddaas iyo kuwa kale ee ka yimaada iskuulka.

Si waalidku uu xiriirka kala dhexeeya dugsiga u horamariyo, waa muhiim inuu ilaa xad yaqaanno luuqadda lagu wada xiriirayo. Waa muhiim in waalidku ammin galiyo sidii uu u baran lahaa luqadda lagama maarmaanka u ah xiriirka ka dhaxeeya waalidka iyo iskuulka. Haddii waalidku ku fiican yahay luqadda lagu xiriirayo, taasi waxa ay fududaysaa inuu xiriirku fiicnaado, sidoo kale waxa ay ka hortagaysaa in ay timaado is faham darro dhex marta iskuulka iyo guriga.

Waa lagama maarmaan in aad la socotid waxbarashada ubadkaaga. Waalidku waa in uu waxbarashada ku dhiirri geliyo ubadkiisa, sidoo kalena ka caawiyo waxbarashada. Waalidku waa inuu tagaa shirarka iyo ballammada uu iskuulku soo diro, taas oo looga hadlo waxbarashada ilmaha. Si gaar ahaaneed waa muhiim in labada waalidba ka qeyb qaataan shirarkaas ama ballamahaas oo aan culeyska kaliya la saarin hooyooyinka. Waa muhiim in aabbuhu doorkiisa waalidnimo ka qaato waxbarashada ilmihiisa, kana caawiyo hooyada dhammaan arrimaha la xiriira barbaarinta ubadka.

Si loo gaaro rajada laga qabo in ubadku heer sare ka gaaro waxbarashadiisa, waxaa aad u muhiim ah «in waalidku mas’uuliyada waxbarshada ubadka la wadaago iskuulka». Waxyaabaha laga doonayo inuu waalidku qabto waxaa ka mid ah in waalidku ka caawiyo carruurta shaqo guriga loo soo dhiibo. Sameynta/xallinta shaqo guriga (leylisyada guriga) waa u muhiim ardayga. Waa in loo xaddidaa waqti iyo goob ku habboon xilligga la qabanayo howshaas. Ilmaha fasallada hoose dhigta iskuma filna marka la qabanayo howshaas, saas darteed waa in waalidku si joogta ah carruurta uga caawiyaa howshaas.

              Kaalinta iskuulka/macalinka

Iskuulka ayaa mas’uul ka ah inuu fududeeyo wada shaqeynta iyo xiriirka dhexmaraya iskuulka iyo waalidka. wadashaqeynta waalidkaa la’aantiis macallinku ma gaari karo hadafka waxbarasho ee laga doonayo inuu gaaro ubadku.

Waxaa jira waxyaalo badan oo macallinku kaliya uusan qaban karin oo ay muhiim tahay in waalidku kaalin ku yeesho. Taasi waxay keenaysaa in macallinku waalidka howl geliyo si howshaas loo fuliyo. Tusaale ahaan «haddii loo baahan yahay in howl iskaa wax u qabso ah la doonayo in iskuulka laga fuliyo ama howl gaar ah oo waxbarashada ka baxsan la doonayo in fasalka loo qabto, waa in macallinku kala xiriiraa waalidka ama gudigga waalidka ee fasalka».

Xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya iskuulka iyo waalidka, hadafka laga leeyahay waa in ardaygu heer sare ka gaaro waxbarashadiisa. Sidoo kale xiriirku, waxa uu xoojinayaa jaceylka uu ardaygu u qabo iskuulka. Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya waalidka iyo iskuulka waxa ay keentaa in waalidku iskuulka uu ammaano ama wax fiican ka sheego. Taasi waxa ay ardayda ku dhiirri gelinaysaa inuu jeclaado iskuulka iyo waxbarashada.

             Xiriirka qoyska

Qoyska halkan looga hadlayo waa qoys ku wada nool oo ka koobnaan kara hooyo, aabbe iyo ubad. Xiriirka qoysku waxa uu ka dhaxeyn karaa dhammaan xubnaha qoyska sida labada waalid, waalidka iyo ubadka iyo ubadka dhexdooda. Xiriirka dhammaan xubnaha qoyska waxaa xoojin kara qodobbadan hoos ku qoran:
           Xiriir diirran iyo isdaryeel
Xubnaha qoysku, waa in uu ka dhaxeeyaa xiriir diirran. Xiriirka diirrani, waa mid ay ku lifaaqan tahay kalgaceyl ama jaceyl dhexmaraya labada lammaane dhexdooda iyo jaceyl ay u qabaan ubadkooda. Jaceylka ayaa sabab u noqdo guusha qofku gaaro. Daraasad lagu magacaabo Harvard Grant oo soo billaabatay 1938 oo aan wali la soo gabogabayn waxaa lagu ogaaday in qaddarka jacaylka ee uu qofku helay carruurnimadiisa iyo inta uu sameystay/kasbaday waynaantiisa ay sabab u yihiin guusha qofku gaaro.
Xiriirka diirrani waxaa ka dhalanaya in la is daryeelo. Ubadku, waxa ay u baahan yihiin daryeel iyo in la dhowro, lana kobciyo horumarka jirkooda iyo maskaxdooda. Sidoo kale labada waalid, waa in ay ka dhowraan ubadkooda waxkasta oo dhaawacaya jirkooda iyo maskaxdooda. Qeylada, cayda iyo aflagaaddaynta waxa ay dhaawacaysaa maskaxda ubadka iyo xiriirka waalidka iyo ubadka.

     Is aaminaad:

Xubnaha qoyska gaar ahaan labada waalid waxa xiriirkooda xoojin kara is aaminaad ka dhaxeysa labadooda. Aaminaadda, waxaa ka soo horjeeda khiyaanada. Labada waalid waa in ay kalsooni isku qabaan oo aysan is khiyaanin. Wadajirka iyo wada noolaashaha labada lammaane ayay is aaminiddu xoojinaysaa.

       Isu naxariisasho:

Dhammaan xubnaha qoyska, yar iyo weyn, gaar ahaan labada isqaba, waa in ay isku naxariistaan. Sida Eebbe uu yiri suuratul Ruum, Eebbe oo ka hadlaya lammaanayaasha ….(Waxaan dhexdiinna dhignay kalgaceyl iyo naxariis…). Naxariista labada isqaba ka dhexaysa waxa ay tusaale ay ku daydaan u sii noqon kartaa ubadka.

        Is aqbalid:

Dadka Eebbe abuuray isku si uma abuurna oo waa ay kala duwan yihiin. Qofkasta waxa uu leeyahay abuurid u gaar ah ha noqoto xagga dabeecadda, maskaxda iyo fikirka. Haddaba waa muhiim in labada isqaba uu midba midka kale ku tixgeliyo waxa uu gaar la yahay uuna aqbalaa. Waa in la isla fahmaa in la kala duwan yahay, ka dibna la isku tixgeliyaa oo qofna qofka kale uusan ku qasbin waxa ay isaga/iyada la tahay. Sidoo kale waa in ubadka loo fahmaa in ay ku kala duwan yihiin arrimaha kor lagu soo sheegay. Taasina ay keeni karto in lagu kala duwanaado xagga waxbarashada.

           Wadatashi iyo isku xirnaan:

Qoysku waa in si wadajir ah uga tashtaan arrimahooda. Talada ama go’aammada la qaadanayo waa in ilaa xad wax ku yeeshaan ubadka. Tusaale ahaan, haddii meel fasax loo aadayo waa in taladooda iyo waxa ay la tahay la dhegaystaa. Taasi waxa ay kobcinaysaa fikirka ubadka iyo xiriirka qoyska.

            Xiriirka qoyska kala taga

Waa ay dhici kartaa in uu kala tag/furriin ku yimaado lammaane isqabay. Waa arrin culus in qoys dhisnaa uu kala tago. Kalataggu, waxa uu saameyn ku yeelanayaa labada waalid iyo ubadkaba. Culeyska ugu wayn waxa uu ku dhacaa ubadka. Taas oo uur ku taalo ku noqonaysa noloshooda oo dhan. Haddaba, si loo yareeyo dhibka maskaxeed ee soo gaari kara ubadka kala tagga ka dib, waxaa la gudboon labada waalid ee go’aansaday inay kala tagaan, in ay tixgeliyaan ubadka oo ay ka ilaaliyaan wax kasta oo dhaawici kara xiriirka ay leeyihiin labada waalid. Si taas loo gaaro waa in haddii wada noolaanshihii uu dhammaaday, waa in labada waalid si fiican oo aysan cadaawadi ku jirin ku kala tagaan.
Labada waalid waa in ay u xaqiijiyaan ubadka in wax isbeddel ah uusan ku dhici doonin caawinaaddii ay ka heli jireen labada waalid. Sidoo kale waa in labada waalid aysan carruurta ku abuurin nacayb ay u qaadaan waalidka kale.
Sida caadiga ka ah waddamada reer galbeedka, labada waalid ee kala taga waxaa loo qeybiyaa xilligga uu waalid kasta ubadku ay la joogayaan. Haddii ay sidaasi dhacdo waa muhiim in sida kor lagu soo xusay in waalidku iska ilaaliyo in wax xun uga sheego ubadka xaga waalidka kale.

Haddii ay dhacdo in ubadka barbaarintiisa iyo daryeelkiisa lagu wareejiyo hal waalid, waa muhiim in waalidka carruurta lagu wareejiyey ixtiraamo baahida carruurtu ay u qabaan in ay laxiriiraan waalidkooda kale. Sidoo kale waa in loo oggolaadaa in ay soo booqdaan waalidkooda kale.

         Gunaanad

Si loo xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya guriga iyo iskuulka, waa in mid kasta uu ciyaaraa doorkiisa. Waalidkuna waa in ay ogaadaan in mas’uuliyadda ugu weyn ee xagga barbaaarinta, korinta iyo waxbarashadda carruurtu ay iyaga dusha ka saaran tahay. Haddii ay labada waalid kala tagaan waa in ay xoojiyaan xiriirkooda si ubadku ay u helaan barbaarinta iyo daryeelka ay u baahan yihiin.

W/Q:- Cabdirahman Cali Ibraahim
Bare, dugsiga sare Fredrik II, Fredrikstad, Norway

      Tixraac

• http://smartoppvekst.no/smart-relasjon-fokus-pa-foreldrebarn-relasjonen/
• https://www.icdp.no/lysbildepresentasjoner-fra-nettverkskonferanse-i-drammen/
• https://www.bergen.kommune.no/bk/multimedia/archive/00216/Fagdag_bhg__Samregu_216081a.pdf
• https://raisingchildren.net.au/grown-ups/family-life/routines-rituals-relationships/good-family-relationships
• https://www.kidsmatter.edu.au/mental-health-matters/family-relationships
• https://www.kidsmatter.edu.au/mental-health-matters/family-relationships/suggestions-families-schools-and-early-childhood-services
• http://www.godskole.no/samarbeid-skole-hjem
• https://www.udir.no/kvalitet-og-kompetanse/samarbeid/hjem-skole-samarbeid/samarbeidet-mellom-hjem-og-skole/?depth=0&print=1
• Samoilow, Dimitrij Kielland , Kunsten å elske. Ni nøkler til det gode samlivet(2015) Kagge Forlag AS

SHEEKOOYIN