DOOB GAAMURAY Q- 18AAD W/Q:- Bashiir Cali Xuseen

 DOOB GAAMURAY Q – 18aad

 

Arrinku, si kastaba ha u dhacee, markii uu oday Bulxan gabadha ballan qaadka u sameeyay, aadna uu u raja geliyay, ayey wada dareemeen dhawaaq ahaa gaari guuxiis, kaasi oo dhankooda ku soo abbaarnaa, isla markaana ku sii jeeday magaaladii ay Gobaad ku sii socotay.

 Markaa ka dib, oday Bulxan, ayaa isaga oo gabadha niyadda u qaboojinaya ku yiri “Maandhaay aad baad u nasiib badan tahay oo gaarigii aad raaci lahayd waa kaa soo guuxayee qalbiga khayr u sheeg, hadduu Eebbe yiraa waad sama tagi doontaaye”.

Gobaad oo laabta ka faraxday, baa intey dhoolla caddeysay, si weji furnaan ah u tiri “Adeer mahad aan la soo koobi karin baan idiin hayaa, adiga iyo wiilashan kula socdaba, mana illoobi doono gargaarkii aad ii fidiseen iyo wax tarkii jeenan siinta ahaa ee cidladii aan dhex joogay wehelka iiga noqday”.

Intaa markii la is dhaafsaday lana dareemay, in ay Gobaad nolol xayi ah yeelatay, muuqaalkeeduna uu soo if baxay, ayaa la door biday, in kaftan wadaag lala noqdo, waxaana eraygii ugu horreeyay ku soo tuuray wiilkii ugu yimid geedkii ay ku hoos jirtay ee intuu jinka u maleeyay meesha iskaga cararay, ayaa yiri “Walaaleey aan kula kaftamee, horta gabar aad u qurux badan baa tahay, haddii aad na sii raaci lahaydna waanba ku guursan lahaa”.

Qosol wadareed ka dib, oday Bulxan, ayaa ku tala bixiyay “War heedhe, gabadhu waa gayaankaa waana is geysaan ee waxaad iyada ku dhahayso annaga ha na maqashiinine qunyar iyada uun ku qarso gaarna u la faq”.

Gobaad “Maya!, maya!, adeer” intey tiri bay haddana sii raacisay “Adeer ninkan, waxba yuusan ila faqin, waxna ii sheegin, maxaa yeelay haddii ragga oo dhan uu keligii ka soo haro filimaayo, inuu wiilkan xulashadayda noqon karo”.

Mar kale, ayaa si kal iyo laab ah loo wada qoslay, waxaase hadalkii gadaafada ahaa ee ay gabadhu soo tuurtay ka carooday, wiilkii la kaftamayay, wuxuuna si kulul u yiri “Oo aniga ayaaba, adiga oo duur ku jir ah oo bahal lagu moodo dad ahaan kuu calmadaye, sideen kuu gayn waayay adigan qaawane ay gaajadu rifriftay, sow taan goor dhowayd adiga oo liita gasiin iyo biyaba isugu kaa darnay, ma markaad indhaha kala qaadday, baad nagu af lagaadoonaysaa?”.

Oday Bulxan oo aad iyo aad uga carooday, waxa dhegihiisa ku soo dhacay, ayaa intuu baakoortiisa la soo booday wiilkii ku canaantay “War iga aamus afka alle ku gooyee, doqon yahow ahbalka ee aan xumaha iyo samaha kala garan karin, waa maxay waxa aad ku hadashay ee xilka leh nacas yahow dad ceebeyska ah?”.

Wiilkii labaad, ayaa odaygii usha ka qabtay, Gobaadna waxa ay Odayga ku raalli gelisay, inuu dulqaato oo uusan daraddeed cidna wax u yeelin, iyada oo leh “Adeer macaane, dhib ma jiree bal is deji, aniga iyo wiilkana waan iska kaftamaynaa oo dagaal nama dhex yaal ee wiilka faraha ka qaada, anoo gaajeysan, inuu wax i siiyayna waa runtiis oo taasi been kuma uu sheegin, idinkuna marqaati baad ka tihiin”.

“Maya, adeer maya, intuu yiri, buu haddan si kulul oo cara leh u yiri “Gabadheydiyeey, annagu ab iyo isir u ma lihin cunto aan bixinnay inaan ka daba hadalno, waana wax aan weligeedba dhicin, balse, anaa taasi xaal kaa siiyay ee ka raalli ahow” wuxuuna sii weydiiyay, su’aal ahayd “Ma noo sheegi kartaa, wiilkani waxa aad ku dhaliishay ee aad ragga intiisa kale uga soo dhex soocday?”.

Gobaad, waxaa ay ku war celisay “Adeer anigu haddiiba uu xaalku noqon lahaa kala doorasho guur, waxaan xulan lahaa wiilkan aamusan ee sida anshaxa leh kuu la socda ee aan weli juuqba oran, midkan wixii aan ku dhaliilayna waan kuu sheegayaa, waa marka koowaade, waa fulay giiryaale ah, maxaa yeelay, isaga oo aan waxba hubsan buu codkayga ka cararay, isaga oo idiin sheegay, in aan anigu jin ahay. Waa marka labaade, waxaan ka dareemay inuu garaadkiisu sarreynin. Waa marka seddexaade, waxaan ku arkay wax aanan afka soo marin karin oo aan isla ognahay aniga iyo isaga oo kaliya!

Wiilkii aamusnaa ee anshax lagu ammaanay, ayaa kii kale ku yiri “Waryaahee, waa maxay, waxa leynaga qarinayo, ma sir baa lagaa hayaa, gabadha ma ka codsannaa, in ay wax noo sheegto”.

Oday Bulxan baa arrinkii soo dhex galay, wuxuuna si xaalad dejin ah u yiri “Wax sir ah oo naloo sheegayo ma jirto, warkuna wuxuu ku dhan yahay, sida ay gabadhu daaha u saartay” intaa ka dib wuxuu ugu danbaystii odayga doodda ku soo af xiray “Gaarigii aynu sugaynay waa kan soo dhowaadee kaftanka halkaa ku joojiya isna cafiya safar baynu nahaye”

Dhammaan markii leys wada cafiyay ee leysla dardaarmay, ka dib Oday Bulxan, ayaa meeshii ku duceeyay, isaga oo gacanta u sii taagayay gaarigii oo halkii ay taagnaayeen soo hor joogsaday, iyada oo uu Oday Bulxan isu diyaariyay, inuu shufeerka gaariga gabadha kala hadlo gobaadna loo tilmaamay, in ay gaariga dhinac ka fuusho.

              W/Q.

         Barbaariye

     Bashiir Cali Xuseen.

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN