Maxaa fashiliya Isbedallada Soomaalida Maxaase nala gudboon W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

Maxaa fashiliya Isbedallada Soomaalida Maxaase nala gudboon W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

1960ki Waxa aan hantinay xorriyad iyo calan, ka gadaal kacdoon aan kala hor nimid gumeystayaashii reer yurub kolkaa oo aan ku niri “ha baxo gumeeystuhu” waxaa dalka majaraha u qabtay dowlad rayid ah balse waxaa durbadiiba hareeyey musuq iyo jufeeysi,

1969ki waxa ay Militarigu afganbiyeen dowladdii Rayidka aheyd, waxaa durba dalka ka curtay (Kacaan) ay bulshadu Kusoo dhaweeysay farxad iyo yididiilo, inaga oo dowladii rayidka aheyd Ku sagootinay “ha dhaco musuqmaasuqu” Walow isbedalkaasi laga dhaxlay horumarkii ugu macquulsanaa inta ay jirtay dowladnimada soomaalida, misana macangagnimada Kalitaliska oo ay wehlineysay eex, sadbursi iyo qabyaalad ayaa sababay in ay markale soomaalidu Ku dhaqaaqaan Kacdoon Jabhado 1991ki, inaga oo Markale Ku mudaharaadeyna “Ha dhaco Rajiimku” kolkaasi oo uu dalku dib u galay Colaad, burbur iyo macluul.

2006 waxa ay bulshadu Kacdoon kala hortimid hogaamiyayaashii dagaalka ee kala qoqobay koofurta iyo bartamaha dalka, inaga oo Ku celcelineyna “qabqable dooni meyno”

sanado kadib waxa ay bulshadu gurteen miro aad u qaraar oo noqday (Argagaxiso),

February 2017 waxa ay Markale bulshadu Ku hamiyeen isbedal siyaasadeed oo dalka ka samata bixiya dhibaatada raagtay, inaga oo ku muduharaadnay “ha dhaco musuqu, ha curato maandeeq” balse waxa ay Markale bulshadu dhaxleen mowjad kale oo niyad jab iyo muraal dillaac ah.

Hadaba sababta marwaliba fashilineysa Isbedelladeena ayaa ah in aynaan dhidibada u taagin aragtidii badalka u noqon laheyd kacdoon walba, kolkaas oo aan marwalba Ku dhacno silsilad wareeg ah oo u qaabeysan Sidatan

(kacdoon Shacab___Isbadel___marxalad kala guur ah__Maamul lagu dhiso degdeg __Fashil maamul___khilaaf___niyad jab __Kacdoon kale ….. ) sidaas iyo silsilad wareeg ah oo maalin walba nagu celineysa halkii Aynu shalay joognay.

Mudadaasi 59ka sano ah, waxaa jiray ummado Ku gaaray horumar ballaaran sida Singapore, South Korea iyo Malaysia, waxaa mudadaasi nagu dhaafay ummadihii aan soo wada marnay xaaladaha isku midka ah sida Ethiopia iyo Ruwanda.

Hadaba waxaa jira qaabab aan ku wajihi karno mustaqbalka isla markaana aan Ku tiigsan karno isbedal horumar leh kaasi oo ka fog caadifadda iyo iska dhaadhicinta mala’awaalka, hababkaasi oo dhalin kara bulsho maskax fiyoow iyo dal ka badbaada dib u dhacyo kale.

1. In aan ka gudubno fekradaha soo jireenka ah ee aan ku wajaheyno Isbedellada sida xamaasadda, Qudbadaha kicinta ah, habar wacashada iyo wax isugu gudbinta hababka borobogaandada.

2. In aan ka gudubno fekradaha Ku dhisan kala soocitaanka qaldan (Qabiilka, jamaacooyinka), kuna bedelno hababka casriga ah ee la isugu abtirsado Aragtiyada iyo afkaarta Ku dhisan cilmiga.

3. In aan xoogga saarno saddexda fure ee noo hogaamin doona dhanka Horumarka:

* Aqoonta: dhiirragelinta waxbarashada, aqriska, qoraalka iyo Kor u qaadista maskaxda jiilalka soo koraya.

* Hal abuurka: dhiirragelinta curinta, wax soo saarka iyo shiilidda caqliga, gaar ahaan jiilka dhallinyarada ah.

* Asluub wanaag: dhiirragelinta is dhaafsiga aragtiyaha, is aqbalka iyo bedelidda aragtiyada ku dhisan gacan ka hadalka.

W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

SHEEKOOYIN