DOOB GAAMURAY Q-19aad W/Q- Barbaariye:- Bashiir Cali Xuseen.

Q – 19aad

Toddobaad ka dib, markii labadii wiil ee is dishay qoysaskii ay ka dhasheen ay kala xabaasheen ee luxudka lagu soo wada hubsaday lana soo gunaanaday qurbaankii rubad raacista ahaa, mag iyo cawil celinna la kala qaatay, ayey Mahad-dheere waalidkiis damceen, in wada xaajood laga galo gabadhii Gobaad ahayd ee uu wiilkooda ka geeriyooday, si ay ugu yaraan gabadha u dumaalaan, reer dhaqiddeedana ay iyagu xaq ugu yeeshaan.

Oday Haybe Warfaa oo Gobaad aabbaheed ah, ayaa markii uu warka nuucaas soo gaaray, guurti u timid ku yiri “Aniga jirkayga barkii baa maqan oo laabta ayaan ka gubanayaa, maxaa yeelay gabadhaydii raq iyo ruux midna ku ma hayo, ninkeediina wuu geeriyooday oo haddii ay nooshahay asaay ayaaba ku waajibay, sidaa darteed, inta ay xaaladdeeda meel ka fuulayso waxa wada hadal ah oo aan gabadhaasi arrinkeeda ka galayo ma jirto” wuxuuna intaa sii daba dhigay “Niman yahow teyda ayaa i heysata oo gabadheydii baa maqan, meel aan u doonana ma aqaan, teeda kale hooyadeed oo maalintii gabadha la waayay ilaa iyo hadda maan doorsan baan hayaa ee aan sidaa ku kala xishoonno!”.

Gobaad, muddada dhowrka maalmood ah ee ay ka soo maqan tahay gurigoodii, war u ma hayso xaaladda ay hooyadeed ku sugan tahay, iyo in dheddignimadeeda lagu gorgortamayo, si reerkii ay u dhaxday ay u dumaalaan, iyaduna markii ay soo carartay ka gadaal wax dhacayba ma oga oo teeda ayaaba heysata, hasa yeeshee, iyada oo qalbiga iska la hadleysa, ayuu soo ag istaagay gaarigii ay sugayeen ee ay odayga iyo labada wiil saari lahaayeen.

Geerigu waa gaari weyn oo duug ( Qanax ah ) oo aan dhanna u dhaafi karin tuulooyinka degaanka ku xeeran, balse toddobaakiiba mar uun u sii gudba magaalada Xiin-dheer oo ah halka ay Gobaad baxsadka u sii tahay. Gobaad wey ku faraxday in ay heshay gaari meel magaala ah geeya, balse weli ma oga, in ay hooyadeed maqnaashaheeda awgii u miir doorsan tahay, seygeedii iyo kii ay horay u jeclaan jirtayana ay iyada darteed isu dileen!

Gobaad howdkii iyo duurkii cidlada ahaa ee ay soo dhex jibaaxaysay, Ilaah baa uga gargaaray oo maanta wehel caawinaya, ayey heshay, sidaa darteed isla markii uu gaarigu soo ag istaagayba Odaygii ayaa darawalka baabuurka kala hadlay gabadha, una sheegay “In ay tahay gabar miskiin ah oo magaaladan dhow u socota caawinaadna u baahan, maxaa yeelay wax lacag ahba ma heysto” wuxuuna intaa u sii raaciyay “Maandhow aan kuu duceeyee horay u sii qaad khayr alla ha ku siiyee”.

Darawalkii, intuu yara dhoolla caddeeyay buu yiri “Adeer duco wax lagu doorsado ma leh oo lacagtaba iyada ayaa iiga fiicane gabadha fuul ku dheh gaariga iina ducee” markaa ka dib, Gobaad gaarigii, oo ay dad ka buuxaan, ayey dhinac ka fuushay,  odaygii iyo labadii wiil darawalkii, iyo Gobaadba waa u duceeyeen, dabadeedna si guud baa leysu wada nabad gelyeeyay, gaarigiina sidaa ayuu ku dhaqaaqay.

Dadka gaariga saarani, waxay soo wada eegayaan lana yaabban yihiin, gabadhan yar ee quruxda badan, haddana diifta iyo qaawanidu ay isugu darsoomeen ee shaalka rageed huwan, iyaduna weli gaariga ayey dhex taagan tahay kana la’dahay meel ay ka fariisato, maxaa wacay, xishood dartii bay la cabbursan tahay, dhallinyarada gaariga saaran qaarkoodna waabay ku qosqoslayaan oo maadays ayeyba ka dhigteen, balse islaan waayeel ah oo meel gees ah fadhiday, ayaa intey gabadha ka naxday ku tiri “Maandhaay bal kaalay oo agteyda soo fariiso maradanna hoo korka iska saar”.

la soco qeybaha kale.

W/Q – Barbaariye:-

Bashiir Cali Xuseen.

 

 

 

SHEEKOOYIN