XAAKIMKA. (SHEEKO KOOBAN). QORE: Mohamed Musa Sh. Noor

Xaakimka ( Sheeko kooban)
Dambi ayey gashay, xabsi ayaa loo taxaabay maxkamadna waa la saaray, ciqaabta dambiga ay gashay waxay ku muteysan kartay xabsi daain.
Illin ayaa ka qubatay, waxay ogayd in dambiga ay gashay uusan sahlanayn.
Caawin ayey u baahatay micnaha qareen u dooda, laakin mid la heli karaa ma uusan jirin, inta la heli karayna kama aysan bixi karim qarashkooda.
Maxkamadda ayaa la taagan yahay, waxaa la bilaabay in dacwaddeeda la qaado, rajadeeda ma fiicnayn, waxa meesha joogo waa dadkeeda oo waxba u tari karin iyo qareenka iyada dacwada kusoo oogaya sidoo xaakimka xukunkeeda xukmin doona.
Waa mar ay rajadeeda soo idlaatay, albaabada iftiinka dunideedana uu soo xirmayo, waxaa bilaabatay in ay sii sawirato saacadaha soo socda marka xukunkeeda lagu dhawaaqo nolosha cusub ay gali doonto, quus ayaa u muuqatay, waxay owooday oo kaliya in illintii ka qubanaysay ay iska tirtirto kana war dhowrto ciqaabta xukunkeeda.
Qoyskeeda iyo asxaabteeda inta meesha joogtay oo oohinta garab ugu ahaa ayaa ayagana bilaaabay in ay illintooda iska tiraan, waa tilmaan muujinaysa quus iyo u diyaar garow xukun aan lagu faraxsanayn maqalkiisa balse lagu qasbanyahay dhagaysigiisa.
Qof walba oo meesha jooga raja darro ayaa u muuqatay, niyaddana waxay iska lahaayeen hebla waa ku deysay, laakin maxaa dhacay?
Waxaa dhacday markii ay kusoo istaaagtay miiska ay dacwaddeeda ka dhagaysan lahayd oo la waydiiyay in ay qareen leedahay iyo haddii aysan lahayn in dowladdu mid u qabanayso ayey ku jawaabtay ma lihi mid la ii qabtana dooni maayo ee dawacdda noo bilaaba.
Waxaa si lama filaan ah u istaagtay qof ka mid ah dadka dacwadda dhageysanayay oo ku dhawaaqay in uu yahay iyada qareenkeeda.
Hal mar ayey maxkamadduu aamusnaan gashay oo lama filayn in qof u doodaya uu jiro xitaa iyada nafteeda filan waa ayey ku noqtay, balse waxay kusii noqotay amakaag marka ay aragtay in qofku yahay qof dadka maxakmadda in ay dawcada ka dhagaystaan u yimid.
Wuxuu ahaa nin dhalinyar oo daganaan ka muuqato, waxaa la waydiiyay in qareenimada xirfad u tahay?
Wuxuu ku jawaabay in aysan u ahayn balse maanta laga bilaabo ay u noqon doonto, laakin riyadiisa ay tahay in uu xaakim noqdo mustaqbalka dhow.
Mar labaad ayaa xagiisa la wada eegay, isaga oo aan isku mashquulinayn jawiga tacajubka ah ee maxkamdda ka muuqday ayuu soo istaagay isaga oo ku hadlaya magaca eedaysanaha.
Dacwaddii iyo doodii ayaa bilaabatay, waa la wada ogaa in arrintan aysan sahlanayn, laakin qareenkan dhalllinta yar wuxuu isticmaalay awoodiisa iyo aqoontiisa inta ay tahay si uu uga dhigo wax u muuqday in aysan macquul ahayn in ay macquul noqdaan.
Dood dheer kadib wuu ku guulaystay in uu ka dhigo gabadhii dambiilaha ahayd mid aan dambi lahayn, wuxuu soo celshay rajadii luntay, illintii murugada iyo tii quustaba wuxuu ku baddalay mid farxad iyo rajaba ka muuqato.
Xabsigii iyo noloshii ay sawiratay mid ka duwan ayaa hadda u sawiran, kadib guushii dacwadd ayey waydiisay magiciisa iyo cidda uu yhay iyada oo u mahad celinaysa, jawaab gaaban ayuu siiyay isaga oo magiciisa u sheegay una raacsiiyay in uu yahay wakiil xag Alle laga soo diray si uu maanta kuu badbaadiyo, balse runtu ay tahay in maanta aan afkayga ku muujiyay in xabsiga lagaa sii daayo, balse waxaa iman doonto maalin aan isla afka aan kugu difaacay kugu xukmin doono.
Waxaa dhacday in maalin kale dambi kale lagu helo oo isla maxkamaddii la keeno maxayse la kulantay?
Subixii markii maxakamadda la soo saaray ayey aragtay in xaakimka uu yahay qareenkeedii shalay dambi la’aanta ka dhigay ee sababta u ahaa in xabsi daain aysan galin, farxad ayey la dhacday iyada oo u haysata in maantana uu sidii oo kale u cafin doono.
Waxaa bilaabatay dhagaysiga dacwadda lagu oogayay gabadha, markii la soo gunaanadayna wuxuu waydiiyay waxa ay filayso, jawaabta ay bixisayna waxay ahayd ” shalay aniga oo dambigan mid ka wayn soo galay ayaad sabab u noqotay in la i sii daayo, maanta oo dambigan kii shalay ka yaryahayna waxaan rajaynayaa in aad mar kale i cafin doonto”.
Madixiisa ayuu kor u qaaday isaga oo dhahaya ” shalay waxaan ahaa qareen, waana kuu dagaalamay oo waan ku dadaalay, ugu yaraan waxa aan is lahaa way u qalantaa in la caawiyo xitaa adiga oo dambiile ahaa, laakin maanta waxaan ahay xaakim umaddu caddaladda u dhiibatay xukunkaygana waa in uu noqdaa mid caddaalad u dhacaa.
Iyada oo dareemaysa halka mustaqbalkeeda maanta u socdo ayey waydiisay *yaad tahay adiga* jawaabta uu u celshayna waxay ahayd * shalay waxaan ahaa difaacahaaga ama wakiil xag alle lagaaga soo diray, laakin maanta waxaan ahay xaakimkaaga isla xag Alle laga soo diray*.
Xikmadda sheekada ayaa u dhacaysa in maanta Alle uu yahay qareenkeena wax walba nooga diga nagana badbaadsha, laakin waxaa iman doonta maalin uu xukunka isagu leeyahay oo cid ka daba hadli kartaa aysan jirin.
Bal is waydii diyaar garow intee la eg ayaa isu diyaarisay in maalintaas aad ugu diyaar garowdo?
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN