Guurka badsha Ragow W/Q: Mohamed musa Sheikh Noor

Nor1

Guurka badsha Ragow

 

Qof walba oo dunida ku nool Rag iyo Dumar, hammiga uu leeyahay ayaa ah in uu maalin uun guursadaa, oo kasoo jeestaa guri uu isagu ku magacaaban yahay maamulana, riyadaas qofka ay u rumowdana waxaa la dhihi karaa waa qof nasiibsaday,hadaba diinteena Islaamka Guurka marka ay ka hadlaysay waxay siisay ahmiyad balaaran, oo waxaa la dhihi karaa wax walba oo guurka ku saabsan waa ka wada hadashay, maadaama guurku uu yahay mid ka mid ah dhidibada ay nolosha bani aadamka ku kala socoto, waxaana mowduucan ku eegi doonaa  guurka iyo sida ay uga hadashay diinteena.

Shareecadeena caddaaladeeda iyo wanaageeda, in aysan qofna saareen culays waxaa ku tusaya Aayadda saddexaad ee Suuatu Nisa, marka uu Allah ku leeyahay,” guursada haweenka intii idinla wanaagsan” taas oo macnahedu yahay, nin walba inta uu doono in uu guursan karo ilaa afar, ninka ay hal xabo la wanaagsanaatana waa u furantahay,

Haddii aad tahay nin qaba hal xaas, oo aysan mid kale kula wanaagsanayn ama aad is leedahay uma adeegayso masaalixdaada mincaha awoodaada, markaa waxaa wanaagsan in aad iska haysatid xabaddaada waana qodob sharci ah, cid ku qasbaysana aysan jirin, laba haddii ay kula wanaagsantahay ama saddex ama afar iyagana waa kuu banan yihin, muhiimadda waa in aadan xad gudbin oo u cadaalad fashaa, haddaad ogaatid in aadan u caddaalad fali karayn, markaas waxaa ficiin in wixii karaankaaga ah aad la socotid, oo aadan ku dambaabin dumarkaas masaakiinta ah.

Guurka marka uu Allah noo tilmaamayo qaabka ay raga wax u guursanayaan,  wuxuu ka bilaabay, laba xaas, wuxuuna ugu daba mariyay hal xabo, oo loogu tala galay ninka aan awoodin dhaqaala ahaan, ama midka aan  kalsooni badan naftiisa ku qabin, marka sidaas ayay noo tilmaamaysaa Diinta aan u nasab sheegano.

Sideedaba waxaa wanaagsan waxa aad aaminsantahay in aad ku dhaqanto,  waxaasa la yaab leh inaga oo sheeganayno Muslim, diinteenana sidaa ina farayso, in aan hadana dhahno, ma wanaagsana guurka badan,  hadalkaasna uu Raga qaarkood ka yimaado ayaga oo cuskanaya sababo dhaqaale.iyo mid fakar oo diinta sal ku lahayn.

Ma jiro qof Allah uga xog ogaalsan umaddiisa, oo danaheeda uga ogaal badan, maxaa yeelay isaga ayaa abuurtay Koonkan, dadka ku dhex noolna isaga ayaa abuuray, danaha iyo baahida ay qabaana isaga ayaa ugu kafaala qaad badan, marka runta la isku sheegana, cid walba Allah waa u baahantahay oo cid ka maaranta ma jirto, marka maadaama Allah isagu yahay Boqorka Koonka, maamulaha ugu caddaaladsan addoomadiisa, in sharciyada uu soo dajiyay la yiraahdo ma ahan kuwa la jaan qaadi kara nolosheena, oo inaga oo waxba garan ayaan nimid dunida, aqoonta iyo cilmiga aad ku faanaysana allah ayaa ku siiyay,  bal aan is waydiino yaa uga xog ogoaalsan Allah umaddiisa.

Dumarka marnaba ma jecla, in ninkooda Naaga kale guursado, waana dabeecad allah ku beeray, waddo walba oo ay ku hor istaagi kartana, waa ku hor istaagaysaa, ha dhahdo la ima jecla, nin naag kale guursaday aniga wuu I nacay, hadduu I rabo ma iga tagi lahayn, ama ay ku  andacooto caddaalad iima fali karo, mana samayn karo cadaalad, si walba ay noqotaba, dumarka mar walba waa kuwa u taagan difaaca danahooda gaarka ah, dhagartoodana aad ayey u darantahay, qaar ayaa is waala, qaar ayaa is dila, qaar ayaa si kale nolosha ka dhigto, qaarkoodna  guryahooda ayaa duma!

Allah amarka uu bixiyo waa in la fuliyaa, ma ahan in loo yeelo mar marsiyo ,haddii aad bani aadamow wax samaysan karto, dunidan marka aad imaanaysay, xaaladda aad ku sugnayd ayaa iska badali lahayd, bari marka aad ka tagaysidna xaalad kaaga liidato ma jirto, maalinkii aad imaanaysana waa qaawanayd oo waa lagu siday, maalinta aad ka tagaysidna adiga oo qaawan oo lagu sida ayaa ka dhaqaajinaysaa! marka waa intaas awoodda bani aadamka, in intaas waxa lagu garto ayaa u wanaagsan inta wax garan karto, amarka allana toos loo fuliyo.

Sida ku cad Aayadaha quraanka ee guurka ka hadlayo, Raga ayaga ayaa la qiyaar galshay marka guurka laga hadalyo, waxaana wanaagsan marka uu Allah hadlo iyo Rasuulkiisa, in sida saxda loo waafaqo hadalkooda, balse, haddaad keento sheeko kale oo  ka hor imaanaysa arrinkaa, markaa waxaa khilaaftay wixii lagusoo dajiyay Nabi Muxamee scw, waxaa kaloo inkirtay waxa aad u nasab sheeganayso ee islaanimada ah, sidaa darteed, rag iyo dumarba waxaa laga doonayaa in la xushmeyo qawaaniinta uu alla noo dajiyay, marka ay timaado Guurka oo dumarku ay ku xushmeeyaan ragooda arimahaas oo kale, haddiiba ay dhacdo in uu ninku damco guursiga wax ka badan hal , umad walbana waxay kasoo bilaabataa Qoyska, qoyska hadduu hagagana umadda oo dhan waa hagaagaysaa, sidaa darteed in la is ixtiraamo oo aan la isku xad gudbin ayaa muhiim ah, qof walbana qofka kale xaqiisa ilaaliyo.

Waxaa layaab leh waayadan, in dadkii islaamka ah qaarkood ay u ololeynayaan, wax la dhaho qawaaniin, oo ah runtii wax uusan allah dajin, qaynuunkii alla dajiyayna gadaal ayaa la iska marshaay, Gaalada oo u nasab sheegata Nabi Ciise csw ayaa keentay fikradda ah, hal Nin iyo hal Naag, taas oo runtii haddii la dhihi lahaa waxay uga daydeen Nabi Ciise loogu garaabi lahaa, hadana, Nabi Ciise maba usan guursan Dumar, hooyadiina lama guursanin, marka meel loo cuskan karo sharcigooda ah in hal nin iyo hal naag, nolosha ay ku simantahay ma jiro.

Anaga muslim ayaanu nahay, gaalada waa ku duwannahay, gaalada kitaabkooda iyo ayaga, kitaabka ay u nasab sheegtaan ayaa dambeeya, oo mar walba uu kitaabku dantooda ama shahwadooda uu ka horyimaado waxbey ka badalaan, marka kitaabka ayaga ma raacaan, ee kitaabka ayaa ayaga soo raaco mar walba, anagase waa ka duwanahay, maxaa yeelay, waxaan u nasab sheeganaa Islaanimo, oo macnahedu yahay is dhiibid, qofka marka uu is dhiibana, waa in uu qaataa amarka qofka uu isku dhiibay, si uu  u bad baado sidaa darteed,halka ay ayaga kitaabka ka hogaanshaan, anaga kitaabka ayaa na hogaansho..

Islaanimada macnaheeda wa is dhibid, la isku dhibo Allah subxaanahu watacaalaa, lana qaato awaamirtiisa, waddada uu u jeexay qaabka nolosheenana aan raacno, balse, sidaa uma muuqato marka aan ka hadlayno qodobka guurka waayadan, oo waxaa muuqato in aan ku qilaafnay Allah iyo Rasuulkiisa oo aan ku raacnay gaalada.

Rasuulkeena scw ayaa ku daysho inoogu sugnaatay, ma ahan in aan ku dayanaa gaal diintiisa gadaal ka xooray, oo xawayaanka ka liito, muuqaal ahaan bani aadam waayahay, balse, caqli ahaan xawayaanka waa ka liitaa, marka qof nuucaas ah oo diin aan lahayn sidee loogu dayan? Hadana noloshiisa marka la miisaamana caqli ahaan ka liita xoolaha.

Haddaad dhahdo adiga oo kitaab saxan, oo boqorka labada daarood xagiisa ka yimid, waxaan uga kalsooni badanahay gaalkaas xoolaha ka liita sharcigiisa, maxaa markaas tahay? miyaadan isag la mid ahayn? ma jiraan wax farqi ah ee idiin dhaxeeyo?  marba haddii diinta inta aad rabto aad ka qaadato, inta dantaada gaarka ah ka hor imaanaysana aad ka tagto, soo sida gaalada yeeleen oo kale ma yeelin? sida aan aaminsanahay wax farqi idiinma dhaxeeyaan.

Waxaa la doonayaa in aan ku dayano Rasuulkeena, maadaama aan u nasab sheeganayno in aan nahay umaddiisa, waddada uu inoo jeexayna aan raacno, Allahna  wuxuu yiri isaga oo la hadlaya Rasuulkiisa “ku dheh Dadka haddaad Allah jeceshihiin isoo raaca, Allaha wuu idin jeclaanayaa” suratul cimraan aayadda 30aad”marka meeshaas waxaa ka fahmi karnaa, dadkeena qilaafaya sharciyadda diinta islaamka in ay meel ay haystaan aysan jirin, hal qodob oo diinta ka mid ah haddaad ku tilmaanto in uusan la jaan qaadi Karin nolosha Aadamka maanta jirana, taas waxay la mid tahay adiga oo taabtay ama dafiray diinta oo dhan, marka haddaad ku dayanayso Nabigeena scw, waa in aad uga dayataa xag walba, xaga guurkana aad uga dayato.

Nabigeena sagaal ayuu ka tagay, adigana afar ayaa laguu baneeyay, dumarkii nabiga raacayna waa aqbaleen arrinkaa, sidaas si la mid ah raga, anagana dumar iyo ragba waxaa nala gudboon,in aan sidaas oo kale u aqbalnaa, aana ka digtoonaano fitnada baahsan ee dunida ka socota.

Dumarka qaar ayaa ku andacooda wax la dhaho jacayl! Jacayl waxaa la dhahaa wixii dantaada u adeegaya ee aan qilaafayn diinta iyo qaabka noloshaada, jacayl kaa hor keenaya Allah, ama kugu ridaya dariiq ah in aad noqotid mid kasoo horjeeda diinta allah, jacayl lama dhaho, waxaa laga doonayaa dumarka in ay taa xushmeeyaan, ragoodana ay ka daayaan caga juglaynta iyo bur burinta wixii ay  wada dhisteen, marka dumarka badan oo la guursado ayaa ah asalka diinteena, halaga haro dumarow quraafaadka iyo qolyhaa qawaaninta dhistay, ee meel ay u cuskanayaan aysan jirin,qolyaha qawanaaniinta dhistay, waxaa cadaatay markii la dhaba galay waxa ay sameeyeen ee qawaaninta ku sheegeen, in caddaaladba aysan jirin

Dadka qaar ee islaamka, ayaa soo daliishada Aayadda 128 aad ee suuratu nisaa, ee oranaysa “ma awoodaan in aad dumarka dhexdooda caddaalad u fashaan”, tafsiirka aayaddaas ee ah caddaladda, meel ayaa looga dhacay, waxa uu allah ka hadlayana waa laabta, waana run laabta lama simi karo, qalbigana adiga ma hanan kartid, oo qalbiga  wuxuu u dhaxeeyaa faraha Allah, oo mar walba allah ayaa dhinaca uu rabo u gadiyo.

Suubanaheena csw haweenkiisa badanaa, dharka marka uu u qeebiyo, dhuunigana u qeebiyo,  (dhuuni micanaha cuntada ) midna uu habeenkeeda la baryo,  allah ayuu baryi jiray, isaga oo oran jiray “Allow tan waa qaybta waxa aan awoodda u lahaay maamuliddooda, ee  ha ii qaban waxa aan awooda u lahayn maamuliddooda ee aad adiga awoodid”  isaga oo uga dan lahaa markaas Qalbiga .

Qalbiga qof gaar ah wuu jeclaan karaa, xitaa caruurtaada ayaa kala jeclaan kartaa, qofka fiican mar walba waa la jeclaanayaa, waana dabeecadda Aadanaha in uu jeclaado wax walba oo qurxan oo fiicnaan loo nisbeeyo, marka ilamaha aad dhashay kan baariga ah, xilkaska ah, waa ka jeceshahay midka dhibka badan ee indhaha faraha kaa galiya, adaana  wada dhalay, haweenkana waa sidaas oo kale, marka waxa aan la awoodi Karin, waa iilashada qalbiga, iilashada qalbigana dabeecaddiisa ayaa ah, meesha u raxmadda badan, una jilicsan, una macaan, in uu mar walba u iisho, marka dumarku isku mid maahan, haddi xaasaskaaga mid ka mid ah uu qalbigaada u iishay, micnaheeda maahan in aadan u cadaalad falin, cadaaladda laga hadlayo waa nafaqada, taas ayaa muhiim ah in la simo.

Marka ninka oranaya laba naag ma xamilo karo, hadana aan waligiisba guursin, siduu ku ogaaday in uusan xamili Karin, waa in uu marka hore tijaabshaa, wax aan la tijaabina lama ogaan karo, haddii awood loo leeyahay iyo haddii kale,xikmadda ku jirta in guurka la badiyaana waxay tahay, in laga hor tago fasahaad umadda ku dhaco.

Caddaaladda guud ayaa ah in naag walba ay xaq u leedahay nin agaasima nolosheeda oo guri geeya, balse, haddii aad mid kaliya meel kula xarootid sidee la yeelayaa kuwii kale, waa iska caddahay Baladka ayay kusoo fakanayaan, fasahaadkoodana saamayn dambe ayuu ku yeelanaya midda aad meesha kula xarootay, qasab maahan in ayaga oo kale ay noqoto, balse, fikirkooda ayaa  usoo gudbi kara.

Qaabka uu allah bani aadamka u qaybshayna waxay noqotay, mar walba ragga iyo dumarka waxaa badan dumarka, sidaa darteed, haddi afar afar la guursado, oo naag walba ay yeelato guri ay kasoo kacdo oo maamulato, waa hubaal markaas in fitnada la waynayo gabi ahaanba, ama ugu yaraan ay noqonayso mid aad u tira yar, inta wax fasahaadisana dumarka ayaa kow ka ah, haddii aan ayaga meel la saarina fasahaad in lala diriraa waa adagtahay.

Xaqa dumarka muslimka ah Diinta waa caddeesay, mana jiro meel uga sharaf badan dumar, sharafta ay diinta islaamka siisay,  diinta islaamkana mar walba waa mid farta qoyska islaamka ah, wax la dhaho xusnul mucaamala, dhaqan wanaagsan oo waxaa laga doonayaa ninka in uu ku haysto gabadhaas muslimadda ah dhaqan wanaag, haddii u ninka taa diidana ma jirto waddo uu ugu sii dhaganaan karo, marka labada qof ee wada nool waxaa wanaagsan in ay ku macaamilaan waddo wanaagsan, mar walba haddii ay isla garan waayaana si wanaagsan oo walaaltinimo ku jirto ay isku daayaan.

Xaqiiqda ayaa ah in gacan cadaawo la galay, la yaabidna ma lahan in ninku uu hal naag ah qabo, todobana saaxiib la noqdo, waana xaqiiqda dhabta ah ee jirta, kolka aan saaxiib dumar aan qabin la noqonayo, maan guursado ilaa afar oo hanqal taag oo dhanba ha I dhaafo!

Gabar walba oo meel martana daymadeeda aan ka nasto, muhashadoodana ha I dayso, aniga muhashada la ii qabana ha dhamaato ileen waan xiranahay afar ayaan qabaayee, halaga kaco ragow fadhiga, waliba dadkeenaan qurbaha ku nool kuma jirno, maba heli karno naag fiican oo mid midii fiicanayd waaba la dhamaystay, marka aan leeyahya midda fiican, waxaan ula dan leeyahay dumarka diinta ku dhaqma ee sabarka badan, kuna qanacsan qaybta uu allah u qoondeeyay,  laga yaabee fiicnaanta in qofba si u arko balse, dumarka wanaagsan waa midda ku qanacda islaanimadeeda, kuna faraxsan waxa uu allah u qoondeeyay, ninkeedana aan dhibin, ilmaha aan ku xoorin, kuleetiga inta ku dhagta aan oran “I fur” naag kale ila qabi maysidee!

 

W/Q: Mohamed musa Sheikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@hotmail.com

SHEEKOOYIN