Korrimada Shaqsinimo. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Korrimada shaqsinimo
Koriimada sideedaba waa mid asal ahaan looga qiyaas qaato marxalad markaa la joogo oo mid kale looga gudbayo.
Waa xaalad aan la saadaalin karin runtii maadaama aadan wax fakar ah ka haysan waxa aad dul sabbaynayso, waxa kaliya ee kuu muuqda ee aad doonayso in aad shaaca ka qaadana waa hor u socod nafsaani ah, runtii waxaa la dhihi karaa waa Qamaar aad qamaarayso adiga oo ogayn natiijada qamaarkaaga sida ay noqon doonto, waa xaalad runtii aan marnaba la saadaalin karin balse in niyad loo hayo lagu qasban yahay, iyada oo taa jirtana hadana waa in aad leedahay awoodda aad ugu dhiiran karto in aad tallaabo horey u qaado adiga oo waxba ka cabsanayn balse, hadafkaagu yahay in aad wax uun shaaca ka qaado.
Korrimada aad samaynayso macna badan iyo wajiya badan ayey yeealan kartaa, waxaysa ku xirantahay korriimada aad doonayso nuuca ay tahay iyo waxa ay u taagantahay .
Waad kori karaysaa dhaqaala ahaan balse waxaa laga yaabaa in maskax ahaan aadan korin oo waxaad arkaysaa qof dhaqaala ahaan horumar sameeyay balse dhanka Caqliga ka hooseeya oo martabaddiisa dhaaqalaha iyo tan caqligiisa aysan isla jaan qaadi karin ama isla mid ahayn.
Waxay ku xirantahay oo kaliya qofka sida uu u dabaro baahida naftiisa ay doonayso iyo waxa nolosha ay ka dalbanayso ama nolosha ku hogaaminayso.
Nolosha sideedaba marna iyada ayaa wax kaa dalbata oo waad ku qasbantahay in aad marto dariiqa ay markaa kaa doonayso marna waxbey kuu yaboohdaa, yaboohaasna waad ku qasbantahay in sida uu yahay aad ku aqbasho maadaama wax kuu baddali karaa aysan jirin.
Xusuusnow in waxa dunida ka jiraa ay yihiin Nolol, wax nolosha caksi ahaan u dhigmi kara ama la jaan qaadi karana waa Dhimasho, maadaama dhimashada aysan ahayn wax aad dooran karto balse ay tahay wax aad ku qasbantahay oo xilliga ay kusoo wajahayso aadan ogayn, waxaa ku qasbantahay in nolosha yabooheeda aad ku aqbasho sida ay tahay iyada oo laga yaabo in mararka qaar nolasha yabooheeda uusan kuu cuntamayn hadana waxay ku xirantahay doorashada naftaada aad u samayso marka laga hadlayo dhabta nolosha jirta.
Marka aad samaynayso korriimo, nuuca ay doonto ha noqotee, waa hubaal in aad marayso marxalado kala gaddisan oo mid walba ay leedahay caqabaddeeda, hadana waxaad mar walba u baahanaysaa sugnaasho saxan oo ka imaanaysa laabtaada la ciirayso baahida ay u qabto korriimada.
Waxaa jira waddooyin badan oo iftiiminaya ama lagu ogaan karo in aad samaysay korriimo, qaar waa kuwa muujinaya diidmo, qaarna waa kuwa muujinaya ogolaansho, labadaas nuucba naftaada ayey ka imaanayaan oo waa laba ku salaysan miisaanka nafsiyan aad samayso.
Iyada oo sidaas ay tahay hadana inkastoo wax walba oo diidma muujinaya aan la mahdin ayaa waxaa laga yaabaa in diidmooyinka qaar ay muujiyaan astaamo dhiiri galin u ah horukaca aad samaynayso.
Hadaba maxey yihiin natiijooyinka muujinaya diidmada hadana nafsiyan muujinya in aad horukac ama korriimo samaynayso
1.Kalsooni darro
Sideedaba kalsooni darrada ma lahan sifo wanaagsan oo la tilmaamo, hadana waa wax ay noloshu kugu qasabto mararka qaar si aad Qibrad uga hesho, waa yabooha aan horey usoo sheegay ee nolosha xageeda kaa soo wajaho kaas oo aad ku qasbantahay in aad ku aqbasho sida uu kuu soo wajahay si aad korriimo u samayso.
Kalsooni darrada asal ahaan waa mid ka timaada shakiga ama cabsida aad wax ka cabsanayso, waana wax jira oo aan la hurayn marba haddii aad doonayso in aad daaha ka qaado wax badan oo nolosha ku saabsan, ama aad noloshaada ku geyso heerka ay joogto mid ka duwan .
Ugu horayn shakiga ama kalsooni darrada kugu dhacda waxay ka bilaabataa in aad dareen ahaan aamini wayso dadka kugu hareersan, sidoo kale xiriirka noloshaada qofka uu kaala dhaxeeyo iyo qofka aad jeclaan lahayd in aad ku nafisto marka laabtaada uu buuxiyo culays iyo shaki nolosha xageeda kaa soo wajaho.
Iyada oo intaas jirto ayaa hadana waxaa sii jiri kara waqtiya adag oo noloshaada ay ka gudbi wayso laakin maadaama wuxu ay nolol tahay waa in aadan hakan oo macnaha taas ku tusaya ayaa ah in noloshuba hakan, sidaa darteed, adiguna in aadan u hakan caqabadaha yar yar ay nolosha qasab kaaga dhigayso in aad la noolaatana aad ku qasbantahay xaalad walba oo nolosha xageeda kaa soo wajahdo.
Sidoo kale waxaa jiri kara waqtiyo aad dareemayso shaki badan oo xaga kalsoonidaada nafeed ah taas oo ku salaysan in aad aamini wayso awoodaada shaqsiyadeeda iyo kartidaada qof ahaaneed, dabcan wax galka waxa aad markaa haysato iyada oo laga yaabaa in hanqal taag kale uu ku galo oo waxa aad haysato awoodooda inta ku kalsoonaan waydo aad wax kale u hanqal taagto.
Laga yaabee qofka awoodiisa marka uu ka shakiyo kalsoonina uu ku qabi waayo waxa uu haysto waxuu la mid noqonayaa qof xanuunsan oo daawo goob ah, daawada kaliya ee qofkaas wax u tari kartana ay tahay in uu gartaa in nolosha wax qayral caadi ah aysan jirin oo wax walba in uu caadi u fahmaa ay tahay daawada kaliya ee uu uga dawoowi karo cudurka markaa haysta.
2. Cabsida waa qodobkeena 2aad.

Sideedaba cabsida waa waxa ugu xun ee noloshaada kugu dhaca, waxaasa kasii xun marka aad ku wareerto fakarka ah sida aad uga gudbi lahayd.
Cabsida oo aqoon waysaa sida loo xaliyo waxay leedahay awood ay ku cuni karto kuna burburi karto gudahaaga.
Qofka aadanaha ah korkiisa inta muuqataa xanafta gaartaa wuu kasoo kabsan kartaa balse xanafta gudaha qofka ay gaarto sida uu kusoo kabsado way adagtahay oo waxaaba loo badiyaa qofkaas in uu u batay dhanka aakhirada sidoo kale waxaaba macna ahaan la dhihi karaa qofkaas wuxuu gacanta ku haystaa Tigidhkii uu ku raaci lahaa gaadiidka Aakhira dadka u kaxeeya.
Dabcan marka aad yartahay oo caqli ahaan aad korayso cabsida waa la kori kartaa maxaa yeelay waxaa tahay qof wax badan fahmaya Qibrad badan oo nolosha ahna kororsanaya, marka ay sidaas tahay waxaad haysataa jaanis ah in cabsidu aysan gudaha kaa cunin oo korkaaga ay garaafayso garaafooyonkaasna aad ka bogsato, maxaa yeelay, waxaa tahay qof koraya oo caqli iyo qibradba siyaadsanaya.
Cabsida nuucaas ahna waxaa la dhihi karaa waa damaca kugu guubaabsha in aad mar walba dhanka nabadgalayda u dhawaato, taas marka ay dhacdana waxaad u dhawaanaysaa waddada aad hadafkaaga korriimada saxda ah aad ku gaari lahayd.
Waxaa kaloo jira waddooyin kugu qasbaya in aad samayso korriimo kuwaas oo ay ugu horeeyaan in aad aragto dadka hareerahaaga ah oo horumar samaynaya ama gaaraya riyooyinkooda nololeed, dabcan aadanuhu wuu iska maseeraa, maseerkaas nuucaas ahna haddii uu ku galo waa mid ka mid ah guulaha sababa in naftaada aad horey u riixdo si ay u xaqiijisato gaaridda hadafkeeda korriinimo.
Adiga oo ka fakara in aad la heer noqoto dadkaas ama ka sara marto ayuu ku wacnaadaa waqtigaada.
Subax walba marka aad kasoo kacdo waa in ay kugu jirtaa waali kuu kaxaysa halka aad gaari layayd, waalidu waa ay wanaagsantahay marka meel loo socdo maxaa yeelay, qofka waalan waa qof energy u haya maalintii oo dhan in uu socdo isaga oo waxba cunin waxna cabin, waa markaas marka ay waalidu wacantahay si hadafka uu qofka leeyahay u gaaro, maxaa yeelay, qof waalan ma caajiso ma baahdo, mana daalo, waana markaas marka loo baahan yahay waali kuu kaxaysaa halka aad doonaysid in aad ahaato.

3. Walwal.
Walwalka faraha badan mar walba caafimaadkaaga uma fiicna, wuxuuna leeyahay ama sababi karaa dhibaato dhanka Wadnaha ah, sidoo kale wuxuu sabab u noqon karaa dhibaatooyin badan oo dhanka caafimaadka kaa soo wajihi kara.
Korrimada waa jiraysaa mar walba inta ay taas kugu socotana waxaa jiraya wax badan oo laabtaada kusoo dhcaya adiga oo ka cabsanaya kalsooni darro iyo guul darro iyo wixii la halmaala.
Nolosha waa in lagu noolaadaa waliba si dareen iyo taxaddar ku jirto loogu noolaadaa.
Waxaa jira dadaal laabtaada ku jira oo ku dhahaya is adkee, wax ku hakiyaa yeysan jirin, sifadaas inta ay kugu jirto waa mid ka dhigan in korriimo aadan ogayn ay wada samaynayaan maskaxdaada iyo laabtaada ayaga oo ku dadaalaya in ay kaga guulaystaan walwalka faraha badan ee xaaladdaas kaa soo wajaha.
Walwalku mar walba wuu jirayaa meel walba iyo xaalad walbana wuu kugula socdaa, waxay ku xirantahay sida aad uga falceliso iyo saamaynta uu naftaada ku yeelan kara.

4. Qanaacada.
Mar walba oo aad korriima nololeed samaynayso waxaa jiraya laba arrin oo noloshaada kolba dhinac u jiidanaya, tilmaanta labadaas arrin dhinac walba ama wax walbe ayaa lagu sifayn karaa, dhabtuse waxay tahay in qofka uusan laba dhinac ahaan karin ee uu dhinac u bato taasna ma ahan mid laga fogaan karo.
Waa caadi in qanaaco darro aad kala kulanto xaaladaha qaar mar walba oo aad korriimo nololeed samaynayso, garashada sida looga gudbo caqabadahaasna waxay kaa caawiyaan in aad hesho waddada saxda ah ee aad noloshaada ugu noolaan lahayd sida aad ku qanacsantahay.

5. Shakiga naftaada.
Mar walba oo aad dhulbalaarsi dhanka korriimada noloshaada aad samayso waxay la macna tahay in aad fahamtay qofka aad tahay.
Shakiga sidiisaba ma ahan natiijo wanaagsan, hadana sidaas ay tahay wuxuu xal u yahay mararka qaar garashada in aad wax saxdo.
Nolosha waa mid shaac ka qaadid u baahan oo mar walba in meel laga fur fura u baahan, shakiga kugu dhaco inta aad arrintaa ku jirtana waa astaan ka mid ah ama la dhihi karo waa daliilka in aad korriimo samaynayso.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN