Home Maqal & Muuqaal HALGAMIHII DAL LAAWE-NIMADA KU DHINTAY: 30 sano geeridii Halgame Cabdullaahi Ciise WQ;...

HALGAMIHII DAL LAAWE-NIMADA KU DHINTAY: 30 sano geeridii Halgame Cabdullaahi Ciise WQ; Cali M Diini

0
SHARE

HALGAMIHII DAL LAAWE-NIMADA KU DHINTAY: 30 sano geeridii Halgame Cabdullaahi Ciise
————————————————————-

Shalay (24 Maarso) waxa ay ku beegnayd 30 guuradii ka soo wareegtay geeridui Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud, Raisul Wasaarihii Dawladdii Daakhiliga ahayd ee Koofurta Soomaaliya (Soomaalidii Talyaanigu haystay).

Inta badan dadka Soomaaliyeed waa ay yaqaannaan taariikhda Halgame Cabdullaahi Ciise sidaas darteed wax aad mar horeba taaqaanniin halkaan idin ku sheegimaayo ee waxa aan rabaa in dul istaago dhowr qodob oo ku saabsan sooyaalkii Halgame Cabdullaahi Ciise oo aysan dadka intooda badani ku baraarugsanayn ama ogayn.

Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud sida uu u ahaa Wasiirkii Koowaad ee ummadda Soomaaliyeed yeelato ha joogeen Koofur, Waqooyi, NFD, Soomaali Galbeed iyo Jabuuti ayuu u ahaa Diblomaasigii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed iyo Wasiirkii arrimaha dibadda ee ugu horreeyay ee Soomaaliya yeelato.

Halgame Cabdullaahi Ciise aabbihiis wuxuu dhintay asaga oo dhowr bilood jira walaalo kalena ma uusan lahayn oo madi ayuu ahaa. Hooyadiis Mareera Diini ayaa soo korisay.

Kaalay oo i la arag halka agoonkaas madiga ahi noloshada ka gaaray iyo magac uu dalkiisa ku yeeshay.

Markii Ingiriisku qabsaday Koofurta Soomaaliya sannadkii 1941 Cabdullaahi Ciise shaqadii dawladda waa laga ruqseeyay, kaddib wuxuu bilaabay in uu iskiis u shaqaysto wuxuu na bilaabay ganacsi. Ganacsigaas ayaa Baladwayne isku baray asaga iyo Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde). 1944 Aadan Cadde iyo Cabdullaahi oo Baladweyne jooga ayaa maqlay urur (SYC) dhalinyaro laga furay Muqdisho, dabadeed Aadan Cadde ayay u soo direen Muqdisho si xubnimada ururka ugu soo qoro xaaladdana u soo indha-indheeyo.
Aadan markii uu Muqdisho yimid wuxuu toos u abbaaraay xafiiskii ururka Somali Youth Club wuxuu na buuxiyay foomamkii xubinimada ururka lacagtii fee-ga ahaydna waa uu dhiibay. SYC oo 1943 la unkay Aadan iyo Cabduulaahi waxaa kaga horreeyay 15 qofood+13kii aas-aastay=28. Sidaas darteed Cabduulaahi wuxuu fariistay No. 29, Aadan Cadde na No.30. Kadib Aadan Cadde wuxuu ku noqday Baladweyne asagoo sida membership card-kii Cabdullaahi Ciise. Isla markiiba Aadan Iyo Cabdullaahi waxay fureen Xafiiskii Somali Youth Club ee Baladweyne waxaa madax ka noqday Cabdullaahi Ciise. 1947 Cabdulaahi wuxuu ka mid noqday Golihii Dhexe ee Ururka, wax yar kaddib na waxaa loo doortay Xoghayaha Guud ee SYC kadib markii uu geeriyooday Xoghayihii hore Yaasiin Xaaji Cismaan. Xoghayaha Guud wuxuu ahaa madaxa Golaha Fulinta inta badan awoodda ururkana asaga ayaa gacanta ku hayay. Cabdullaahi Ciise isla markiiba wuxuu bilaabeen in uu isbeddal ku sameeyo ururka wuxuuna magicii u baddalay Somali Youth League, ururkii yaraana wuxuu u xuubsiibtay Xisbi Siyaasadeed ballaaran oo laamo iyo xafiisyo ku leh dhammaan dhulka Soomaalida min Jabuuti ilaa Gaarisa, Harar ilaa hobyo, Berbera ilaa Baydhabo, Jigjiga ilaa Jamaame. Sooyaalka Soomaalida ma soo marin ilaa maantadaan aan qoraalkaan qorayo Xisbi ka ballaaran ka mug wayn, ka na Talowadaagsan.

Diblomaasigii ugu horreeyay

Octoba 28,1948 Cabdullaahi Ciise waxa uu u safray magaalada Paris oo uu ka dhacayay shirkii quwadihii aduunku (Britain, U.S.A, Russia iyo France) kaga tashanayeen wixii laga yeeli lahaa dalalkii uu Talyaanigu gumaysan jiray oo 3 sano ka hor lagu jabiyay dagaalkii labaad ee adduunka. Shirkaas dawladihii waa waynaa waa ay isku fahmi waayeen arrintii Soomaaliya na waxaa loo gudbiyay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midooday. Kaddib Cabdullaahi Ciise wuxuu aaday London uu tagay 30/10/1948, waxaa ku dhaweeyay labo nin oo madax ka ahaa laamaha SYL ee Cardiff iyo Liverpool. Mudane. Cabdullaahi Ciise wuxuu London ku la kulmay xoghayihii arrimaha dibadda ee Ingiriiska Ernest Bevin taariikhdu markii ay ahayd 3/11/1948.

Safarkii New York

Maadaaba arrintii Soomaaliya loo wareejiyay Qaramada Midoobay Cabdullaahi Ciise wuxuu u safray New York halkaas oo uu gaaray bishii Maarso 1949. Berigaas Qaramada Midoobay ma degganayn halka ay hadda degan tahay ee waxay degganayd meesha la yiraahdo Lake Success oo isla New York ah.

Qaramada Midoobay waxaa horyaallay qorshe ah in Tayaaniga dib loogu celiyo Soomaaliya balse Cabdullaahi si adag ayuu uga soo horjeestay qorshahaas.

Halgame Cabdullaahi ciise si wayn ayuu uga soo horjeestay in Talyaanigu dib ugu noqdo Soomaali. Waxa uuna Qaramada midoobay u sheegay in haddii ay iska dhagatiraan doonista dadka soomaaliyeed ayna Talyaaniga dib ugi celiyaan Soomaaliya, in dadka soomaaliyeed aysan wax aaminaad ah ku qabi doonin QM.

Halgame Cabdullaahi Ciise markii uu Maraykanka tagay idaacado(Radio Stations) New York ku yaal ayuu shacaka soomaaliyeed kala soo hadli jiray. Raadiyayaasha uu farriinta soo marin jiray waxaa ka mid ahaa WRNA,WRNI iyo kuwa kale. Halkii daqiiqo waxaa Cabdullaahi raadiyaha siin jiray hal pound lacagta Ingiriiska ah. Waxaa uu na hawada soo gali jiray 18:25 GMT waxa uu na hadli jirau toban daqiiqo. Bishii may tobankeedi 1949 farriin uu Halgame Cabdullaahi hawada u soo mariyay shacabka soomaaliyeed waxa uu uga digay soo laabashada Talyaaniga asaga oo sheegay in Talyaanigu haddii uu soo noqdo uusan dib dambe u baxi doonin. Sidoo kale 13 May 1949 mar uu idaacadda kala hadlay shacabka waxa uu si kulul uga horyimid go’aan guddiga hoosaadkii QM ku aqbaleen soo jeedin dawladda ingiriisku soo jeedisay in Soomaaliya iyo liibiya dib Talyaaniga loogu celiyo. Cabdullaahi waxa uu Ingiriiska ku tilmaamay tuugo asaga oo ku eedeeyay in ay ka bexeen ballantii ayaga iyo SYL.

Ugu damabayn Qaramada Midoobay waxay go’aan ku gaartay in Talyaaniga dib loogu celiyo Koofurta Soomaaliya uu na xorriyad ku gaarsiiyo 10 sannadood laakiin si cadhada iyo qaylada Cabdullaahi loo yareeyo waxay Qaramada Midoobay Talayaanigu ku lartay dhowr dal in ay kor kala socdaan maamulka Talyaaniga taas oo awooddii Talyaaniga aad u wiiqday.

Cabdullaahi intii Qaramada Midooday joogay wuxuu si ba’an cambaarayn jiray gumaystaha Talyaaniga ee Soomaliya dib loogu celiyay. Tusaale ahaan; 0ctober 1950kii wuxuu Qaramada Midoobay u sheegay in Talyaanigu ku xadgudbay ballantii iyo axdigii Qaramada Midoobay gaboodfallo badanna uu Soomaaliya ka gaystay. Wuxuu Qaramada Midooday ka codsaday in la sameeyo guddi la tashi (Consultative Council). U dambayn dawladda Talyaanigu waxay u adkaysan wayday cambaaraynta Cabdullaahi Ciise uu maalin kasta U.N-ta u ka horjeedinayo kaddibna waxay Maraykanka ku cadaadisay in uu kansalo fiisaha Cabdullaahi ku joogo Maraykanka, dawladda Maraykankuna waa kansashay. Intaas kadib Cabdullaahi wuxuu aaday dalka Canada oo muddo joogay inkastoo oo la sheegay in New Your dhowr jeer dib ugu soo noqday.

Ku noqoshadii Muqdisho.

Sannadkii 1954 Talyaanigu wuxuu abaabulay doorasho ka dhacda Koofurta Soomaaliya taas oo lagu doortay Gole la oran jiray Territorial Council. Intii lagu jiray qabanqaabada doorashada ayaa Cabdullaahi dalka ku soo noqday. Balse waxaa dhacday markii uu ka soo kicitimay Maraykanka in Dawladda Talyaanigu go’aan ku gaartay in Cabdullaahi lagu xayiro ama lagu hakiyo Talyaaniga oo uu Transit ku soo ahaa si uusan doorashada uga qaybgalin. Talyaanigu waxay diyaariyeen kulamo Cabdullaahi la yeesho madaxda Talyaaniga iyo goobo dalxiis oo la geeyo si loo mashquuliyo. Cid sirta u soo gudbisay la ma yaqaane halkii laga filayay in uu raaco diyaaradda Al Italia Cabdullaahi wuxuu raacay British Airways Talyaanigiina waxay ka warheleen asagoo Muqdisho ka degay doorashadiina wuu ka qaybgalay wuxuu noqday xubinta kaliya oo muqdisho laga doortay. Doorashadaas waxaa ku guulaystay SYL.

Doorashadii 1956

Sannadkii 1956 waxaa dhacday doorashadii Golihii Sharcidajinta waxaana ku guulaystay SYL. Sida xeerka SYL ku taallay Waxaa Raisul Wasaare noqonayay Xoghayaha Guud ee Xisbiga marka Xisbigu doorashada ku guulaysto sidaas darteed Cabdullaahi Ciise wuxuu dawladdii ugu horraysay soo dhisay 7/5/1956 dawladdaas oo jirtay ilaa 1959 oo doorasho labaad la galay taas oo mar labaad SYL ku guulaysatay Cabdullaahi na dib dawlad u soo dhisay.

1960

Xorriyaddii kadib Cabdullaahi Ciise wuxuu noqday Wasiirkii qrrimaha dibadda ee Soomaaliya xilkaas oo uu hayay ilaa 1964.

1969

Markii ciidanku taladii dalka xoogga ku la wareegeen sannadkii 1969 Cabdullaahi Ciise waa la xiray wuxuu na xirnaa muddo 4 sannadood ah.

Safiirnimo

Sannadkii 1973dii Taliskii Siyaad Barre wuxuu xabsiga ka sii daayay Halgame Cabdullaahi Ciise wuxuu na u magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Swedan iyo dalalka Scandinavian-ka taas oo loo macnayeeyay masaafuris siyaasadeed.

Iscasilaad

1983dii ayuu Halgame Cabdullaahi Ciise iska casilay xilkii safiirnimo wuxuu na magangalyo siyaaseed ka helay dalka Talyaaniga oo horay cadaawad xuni u dhextaallay.

Dal-laawe

Intii Cabdullaahi Ciise Talyaaniga joogay waxaa ka dhacay Baasaboorkiisi Soomaaliga ahaa Dawladdii Siyaad Barre na way u diiday in uu cusboonaysiiso sidaas awgeed ayuu Cabdullaahi u dhintay asaga oo sharci ahaan dal-laawe (Stateless) ah. Sidaas oo ay tahay Cabdullaahi Ciise waligiis ma dhaleecayn ma na cambaarayn dawladdii 4 sano xabsiga ku haysay kaddib na boosaboorka u diiday.

Dhimasho

Halgame Cabdullaahi Ciise wuxuu Talyaaniga ku geeriyooday 23 Maarso, 1988. Wuxuu ahaa 65 jir. RABBI ha u naxariisto qabrigiisana ha u waasiciyo.

Xigashooyin

Keyd Media

Mohamed Trunji, “Somalia the untold history 1941-1969”.

Waraysi MW Aadan Cabdulle BBC SOMALI siiyay 1995.

Wikipedia
Youtube iyo meelo kale

W/Q; Cali M. Diini

SHARE