Ragow Rabi ha idin dhaafo. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ragow rabi ha idin dhaafo.
Waxaan la yaabaa mararka qaar awoodda alle idin siiyay halka ay kasoo burqato, maxaa yeelay, waxaa laga yaabaa in aad muddo iska joogto adiga oo hal shaati iska daayee aan hal hoos gashi xitaa gadan, sababta aad sidaas u samaynaysa waxay tahay in miiska cuntada gurigaaga uusan marna marnaan oo cunto la’aan noqon.
Waxaa laga yaabaa in aad u gaajooto oo aadan qada iyo quraac toona aadan cunin hadana shaqa culus aad soo qabato si qoyskaaga ay wax u cunaan!!
Taas waxaa sii dheer in mararka qaar aad gurigaada ka baxdo adiga oo aan ogayn meel aad saaka cagta saarto si aad usoo hesho quudka qoyskaaga, Wlle mahdiise aad soo laabato adiga oo farqaha wax kuugu jiraan
Qaarkiin waxaa laga yaabaa in ayaga oo sidaas u dadaalaya marka ay guriga yimaadaan caay iyo erayo aan niyadda u wanaagsanayn ay kala kulmaan xaasaskooda iyada oo taas ay usii dheer tahay in laga yaabo in shaqada lagu soo dhaqan xumeeyay oo hadala aydaan u qalmin la idinku soo dhahay.
Raga isku wada mid ma ahan, qaar ayaa u nool nolosha xaasaskooda iyo caruurtooda oo kaliya, waxay u jarmaadaan subixii si aysan baahi u dareemin qoysaskooda habeenkiina waxay u seexdaan ayaga oo ka walwalaya subixi waaga marka uu baryo sida uu xaalku noqon doono iyo meesha ay wajiga saari lahaayeen.
Wax badan oo ay naftooda u qabsan lahaayeen waxay uga tanaasuleen ubadkooda iyo xaasaskooda dartood.
Sida badan marka aad shaqaale tahay waxaad kala kulantaa dad aan kugu da’ahayn caay iyo xadgudub shaqsiyadeed, adiga oo taa ka jawaab celin kara ayaad uga tanaasushaa qoyskaada dartiis.
Waalid iyo qoyskaagaba adiga ayey kor kuu wada eegayaan, waxay kaa sugayaan waxa ay quudan lahaayeen ama xiran lahaayeen, waxba kama galin ayaga haddaad shaqayso iyo haddii kale, waxa kaliya ee ay filayaan ayaa ah in baahidooda aad daboosho, xaaladda aad rabto ku sugnow, runtii mas’uuliyad daran ayaa ku saaran taas oo aan lagula dareensanayn.
Guurka aad guursatay xaaskaaga qarash badan ayaa kaaga baxay, sidaas ay tahay ma guursan oo kaliya hal xaas ee qoys dhan ayaad guursatay, waalidkeed iyo walaalaheed haddii alle ku bado adiga ayey caawin kaa sugayaan.
Raganimadaas aad intaas oo dhan ku qabatid ayaa ah waxa i cajab galsha, Alle waxaan kaaga baryayaa ninka raga ee nuucaas ah in uu gacantiisa mar walba kor ka dhig.
U noolow xaaskaaga caruurtaada iyo waalidkaaga, sidoo kale ehelka xaaskaaga ayagana dantaada ayaa ku jirto haddii ay kusoo mutaystaan in aadan hoos u eegin.
Xaasyahay haddii aad haysato nin dadaalayaa, walaal sidoo kale mas’uul ah, labadoodaba mar walba u mahad celi, waa hubaal in labadaba ay dartaa u silcayaan sharaftooda iyo karaamadoodana hoos u dhigaan si aadan marnaba u qadin.
Mahad celintaada iyo dhiiri galinta ninkaaga, walaalkaa iyo aabahaagaba ha badato, ma ahan in fakarka ah nin waa xun yahay ee dumarka aan wax garadka ahayn qaateen aad meel ku xirato, hal mid ka mid ah hadduu xumaado micnaheeda maahan in ay magaca ka wada siman yihiin.
Ragow rabi ha idin dhaafo.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN