Home Qoraallo Wada hadallada dowladda Federaalka ah iyo Somaliland waa fursad xeelad u baahan!

Wada hadallada dowladda Federaalka ah iyo Somaliland waa fursad xeelad u baahan!

0
SHARE

Qormadan waxa ay soo koobaysaa taariikhda wadahadallada iyo caqabadahii hore, ee sababay in wadahadalku hakad galo. Faallaynta waxyaabaha ka hirgalay qodobadii lagu heshiiyay iyo waxyaabaha lagamamaarmaanka u ah qabsoomida wadahadal mirodhal ah.

Taariikhda wadahadalada

Goballada waqooyi (British Somaliland) waxa ay xorriyad Ingiriis-ka ka qaadateen 26 Juun 1960-kii halka gobalada Koonfureed (Italian Somaliland) ay xorriyadda qaateen 1 July 1960-kii, waxaana isla maalinkaas midoobay labada qeybood. Midowga ayaa ahaa dalab shuruud la’aan ah oo ka yimid dhinaca waqooyi, xiligaas ma jirin wax rasmi ah oo lagu heshiisay oo aan ka ahayn in hal dowlad la dhisto. Waxaa jiray dareen gaar ah oo ka dhashay midowga, kaas oo soo ifbaxay 20-kii Disember 1961-dii xiligaas oo saraakiil waqooyiga ka soojeeday ay iskuddayeen in ay dib uga laabtaan midowgii.

Siyaasiyiin ka soojeeda gobollada waqooyi ayaa qayb ka ahaa dhammaan dowladihii dalka soo maray burburkii ka hor, laga soo bilaabo midowgii labada gobol ee 1-dii July 1960-kii oo ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya uu ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (AUN) iyo sanadihii u dhaxeeyay 1967 iyo 1969 oo uu isla Cigaal ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhammaadkii sanadihii siddeetameeyadii, dagaal mudo socday oo jabhadii SNM (Somali National Movement) ay la gashay dowladii kacaanka ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre (AUN) garwadeenka ka ahaa iyo dhiciddii dowladii dhexe, ka dib waxaa bilowgii 1991 Hargeysa lagaga dhawaaqay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Muddo 21 sano ah ka dib, gooni-isu-taaggii ayaa shir ka dhacay Landon 2012 lagu soo qaaday muhiimadda wadahadal dhex mara Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo markaa curdun aheyd. War-murtiyeedka ka soo baxay shirka London ayaa qodobkiisa 6-aad wuxuu dhigayay: “shirka waxaa la isla gartay baahida ah in beesha caalam-ku taageerto wadahadal dhexmara Somaliland iyo dowladda federaalka kumeel-gaarka ah” (London Conference on Somalia: Communiqué, 23 February 2012 B. 2). Kulankii ugu horeeyay ee dhex mara labada dhinac ee dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa ka dhacay London, kulankaas oo ahaa bilow. Waxaa xigay in magaalada Dubai ay ku kulmeen madaxweynaha dowladda federaalka kumeel gaarka Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xiligaas oo qodobo hordhac ah la isku afgartay. Sidoo kale, waxaa dalka Jabuuti mar kale ku kulmay madaxweynaha dowladda federalka ah Xasan Sheekh iyo madaxweyne Siilaanyo. Intaas ka dib waxaa wada xaajoodkii labada dhinac loo raray dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul, halkaas oo sadex kulan oo danbe martigalisay.

 

Madaxweynaha haatan ee dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii lagu guda jiray ololihii doorashada ee sanadkii 2017 khudbaddiisii musharaxnimo ku ballan qaaday in uu dib u furi doono wada-xaajoodkii, mar labaad maalintii caleema saarka ayuu madaxweyne Farmaajo mar kale ballan qadaay inuu wadahadaladii dib usoo celin doono balse muddo sanad ah oo uu xukunka hayay weli si rasmi ah uma bilaaban wadahadaladaas.

Caqabadaha

Caqabadaha hortaagan habsami u socodka wadahalada ayaa isugu jira kuwo hore iyo kuwo cusub. Arrimo u baahnaa in si qota dheer looga baaran dago ka hor inta aysan bilaaban wadahadaladu ayaa caqabad ku ahaa wada-xaajoodka. Sababaha ugu waaweyn ee caqabadaha keenay waxaa ka mid ah:

  1. In aan la qiimeyn xaaladaha lagu sugnaa xiliyadaas iyo in aan la samayn qorshe hirgalineed.
  2. Dhinaca dowladda federalka oo aan weli degin, isbeddelo siyaasadeed iyo mid maamul oo mudadii wadahadaladu socdeen ka dhacay awgeed iyo dhinaca Somaliland oo wadahalada qeybtood shuruudo ku xirtay.
  3. Arrimo u baahnaa in wakhti badan la siiyo oo ay ka mid ahayd go’aanka maamulka hawada ayaa muujinaysa in horaantii wada hadala la bilaabay xilli aan xilligeedii ahayn degdegna ku jiray labada dhinac taas oo caqabad ku noqotay hirgalintooda.

Waxaa jirta xiisad hor leh oo ka dhalatay hishiiska dekedda Berbera ee dhex martay maamulka Somaliland, dowladda Itoobiya iyo shirkadda dowladda Imaaraadka Carabta leedahay ee DP World. Wadahadalada la rajeynayo in ay furmaan ayaa u muuqda kuwo ku bilaaban doona xaalad xasarad iyo kala-shaki ka dhashay arrimihii Berbera ay jiraan, iyadoo haddii xitaa wadahadalaas ay qabsoomaan aaney u muuqan in ay keeni karaan wax is beddel ah inta ay jirto xurgufta siyaasadeed ee ka dhalatay dekedda Berbera. Si xalinta ismarin-waaga loogu badalo isku soo dhawaansho waxaa muhiim ah in xurgufta dekedda Berbera marka hore la xaliyo, si madaxbanaana loogu diro ergo aan ahayn kuwa miiska wada hadalka imaan doona.

Maxaa ka hirgalay hishiisyadii hore?

Inkasta oo aan weli si buuxda saxaafada loogu soo bandhigin qodobo badan oo wadahadalada intii ay socdeen la isla gartay, haddana qodobo lagu hishiiyay fulintooda ayaan labada dhinac midkoodna si dhammaystiran u hirgalin.  Qodobadaas waxaa ka mid ahaa kuwo u baahnaa qorshe iyo farsamooyin hirgalineed sida ku xusan war-murtiyeed kasoo baxay wada hadalkii  ka dhacay Istanbul (2) 19 Janaayo 2014, qodobkiisa shanaad oo ergooyinku ku hishiiyeen in labada dhinacba ay isla xaqiijiyaan in si buuxda loo fuliyo heshiisyada. Qodobkaas oo sidaan u qornaa “Si loo xaqiijiyo fulin buuxda ee heshiisyada, dhinacyadu waxay ka wada shaqeynayaan  qorshe hirgalineed, oo ay ka mid yihiin bartilmaameedyo iyo kor ka eegid laysla garto ee la xiriira hishiisyada la gaaray” ( War murtiyeedka Istanbul, 2014 B. 3), balse weli labada dhinac uma hirgalin qodobkaas iyo arrimihii lagu hishiiyay in la isla xaqiijiyo hirgalintooda.

Inta lagu guda jiray wada hadalada waxaa kale oo waxyaabihii la isla gartay ka mid ahaa in maamulka hawada la qeybsado. Labada dhinac midkoodna in uusan si gaar ah uga go’aan gaari Karin, balse arrinkaas oo u ekaa mid go’aankiisa lagu fududaay ayaa burburay wax la taaban karana kama hirgalin.  Dowlada Federaalka ah ayaa 29-kii bishii Agoosto 2017 la soo wareegtay maamulka hawada, halka dhinaca Somaliland-na ay arrinkaas u aragto ballan looga baxay.

Labada dhinac waxa ay isku afgarteen in aan Somaliland laga hor istaagin wixii hormar ah, balse waxaa hada arrinkaas kasoo cusboonaaday kala aragti duwanaansho hor leh oo ku aadan dekedda Berbera. Somaliland ayaa shirkadda DP World oo dalka Imaaraadka laga leeyahay ku wareejisay dekedda Berbera taas oo qaadatay saami dhan 51%, halka dalka Itoobiya uu qaatay saami dhan 19%, waxa keliya ee u haray dhinaca Somaliland-na ay noqotay saami dhan 30%. Somailand ayaa arrinkaan u aragta maalgashi ganacsi halka dowladda Federaalka ah ay u aragto arrin sharci darro ah.

Labada dhinac maxaa la gudboon?

Si wadahaladu dib ugu bilowdaan, waxa ay u baahantahay xeelad iyo in looga baaran dego si hufan oo xal doon ah taas oo keenaysa in la gaaro xal. Si isku dhawaansho loo helo waxaa labada dhinacba la gudboon in ay isku tanaasulid la yimaadaan, xaaladaha soo cusboonaadayna ay qaboojiyaan si goggol-xaar loogu sameeyo wadahadalka la qorsheeyay inay dhacaan.

Dhinaca dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa muhiim ah in ay iska ilaaliyaan wax walba oo xiisadda sii kicin kara taas oo keenaysa sii kala fogaansho cusub. Waxaa la gudboon in ay la yimaadan qorshe ku salaysan doonistooda dib u midowga iyo sidii ay isku waafajin lahaayeen nimaadka federaalka iyo Somaliland. Si isku soo dhawaansho loo helo, dhinaca Somaliland waxaa la gudboon in ay dib u dhigaan doonistooda ku aadan arrimaha siyaasadda sida go’aannada aqbalida gooni iskutaaga. Waxaa kale oo la gudboon in ay wakhti siiyaaan dhinaca kale ay kaga soo baaraan degi karaan wixii xal noqon kara. Waxaa mar kasta caqabad taagan ku ah in wada hadaladu bilowdaan ayada oo difaac aragtiyeed labada dhinac ku jiraan taas oo ku hogaamin doonta fashil la mid ah kuwii joojiyay wada xaajoodkii hore.

 Maxay tahay in awoodda lagu saaro kulanka soosocda?

Haddii ay suurtaggal noqoto in dib loo furo wadahadaladii waxaa muhiim ah in laga arrinsado sidii loo xoojin lahaa dhisidda gole farsamo oo sal-dhig u noqda hirgalinta qodobada la isla garto in la hirgaliyo. Wada-xaajoodyadii hore ayaa la isku afgartay hirgalinta guddigaas balse maqnaanshaha gole fulineed oo u xilsaaran arrimahaan awgeed waxa aan hirgalin hishiisyadii.

Inta aan miska wadahadalka la keenin qodobo ah midow ama kala go’id waxaa kale oo lagama maarmaan ah hirgalinta gudi khubaro ah oo ka soo tala bixiya xal aan ahayn kan miiska wada hadalka. labada dhinac waxa ay wataan doonis iska soo horjeeda, dhinaca dowlada federaalka ah waxa ay doonayaan in dib loo midoobo si dalku kala qeyb-sanaanta uga baxo. Dhinaca Somaliland waxa ay doonayaan in dowladda Soomaaliya aqbasho go’idooda iyo in ay ahaayeen labo dal oo markii hore midoobay balse inta aan labadaas aragti midkoodna miiska wadahadalka la keenin waxaa lagama maarmaan u ah labada dhinac samaynta guddigaas khubarada ah oo ka kooban  aqoonyahanno, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka, kuwaas oo ka soo tala bixiya sida ugu habboon ee loo gali lahaa wadaxaajood mirodhal ah.

Dhisida guddigaan ayaa muhiimad gaar ah u lahaa wadahadaladdii hore sida ku xusnayd qoraal macadka Heritage daabacay sanadkii 2013, kaas oo nuqul ka mid ah u qornaa sidatan “labada dhinac waa in ay billaabaan tallaabooyin kalsoonida lagu dhisayo. Is-dhexgalka iyo wada shaqaynta aqoonyahanka, ganacsatada, bahda isbooritga,hidaha iyo dhaqanka ee Soomaalida labada dhinac waa in la dhiirri geliyaa” (Heritage, Wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, 2013 B. 1). Si isku soo dhawaansho loo helo, baahida loo qabo helitaanka guddigaan ayaa ah mid weli taagan. Guddigaan ayey tahay in uu ka koobnaado labada dhinac, fursadna u helaan booqashada deegaanadda oo dhan si ay u ogaadaan rabitaanka shacabka.

War-murtiyeedka kasoo baxay kulamadii hore waxaa ugu badnaa in kulan kasta muhiimad la siinayay qodobada laga hadli doono halka ay ahayd in shirka ka hor khubaro iyo aqoonyahanno ka soo shaqeeyaan markaasna ergooyinka ka doodaan. Waxaa baahi weyn loo qabaa helidda gudigaas si qodobadii hore waxii ka qabsoomayna ay si madaxbannaan u baaraan, kulamada soosocdana ugu sii goggol-xaaraan. Wada hadalada siyaasiyiinta kaliya ku kooban uma muuqdaan kuwo natiijo weyn laga heli doono.

Ugu dambayn, wadahadal dhex mara dowladda federalka iyo Somaliland ayaa weli ah fursad xeelad u baahan. Haddii dowladda madaxweyne Farmaajo garwadeenka ka yahay ay la timaaddo qorshe ka duwan kuwii hore waxa ay noqon doontaa bilow keeni kara xal cusub. Somaliland oo maamul cusub ka dhashayna waxaa ka muuqata caaboonnaan dareen xambaarsan balse keeni karta nugeyl iyo bisayl ka duwan qaabka hadda wax u socdaan.

Cabdiwali Cabdiqadir Sheekh Faarax

abdiwaliabdulkadir@gmail.com

 

SHARE