Ha raali gelin ruux walba. W/Q: Cabdisalaan Macallin Xersi

Ha raali gelin ruux walba.

Oraah caan ah ayaa waxa ay tiraahdaa” raaligenta dadku waa wax  aan la gaarin”

 Wiil dhallinyaro ah ayaa  waxa uu u yimid  xarun caafimaad   si uu  ula tashado dhaqtar ku sugnaa halkaa , ninka dhallinyarada ahi waxa uu ka cabanaayay cariiri xagga waqtiga ah,Ditoorku waxa uu u sheegay in uusan haysan waqti uu ku qabto howlaha u yaalla oo dhan ,  howlihihiisii lama dhaafaanka ahaana ay aad uga baylahsan yihiin,  maalin iyo habbeena u shaqeeyo, nasasho iyo nafisna uusan haysan,  welina  dareemo  kala daadsanaan wayn  iyo daal fara badan, walaac iyo walbahaarnu uu deris la noqday.

Dhaqtarkii waxa uu toyday weydiimo badan oo dhinacyo kala duwan taabanaaya. waxa  waydiiyay  wiilkii dhallinyarada ahaa oouu in badan  ka warraystay qorsha nololeedkiisa, habka uu u kala hormariyo shaqadiisa, kulanka widaayadiisa,xigaalkiisa  iyo sida uu ula dhaqmo, dhaqtarkii waxaa u soo baxday in dhibaatada ugu wayn ee ninka dhallinyarada ah haysta walaacana u keentay in ay tahay, in uusan wiilkaas aysan u kala soocnayn, arrimaha ma dhaafaanka iyo lama huraanka ah iyo kuwa aan sidaa buurneyn.

Waxa kale ee uu ogaaday, in cilad wayn oo feeraha jartay ninka dhalinyarada ah ay jirto taasoo ah, in uusan  weligii isticmaalin kelmada MAYA,  haddii asaga oo wax akhrisanaaya saaxiibkiis ka codsado in uu suuqa u raaci si fudud ayuu u raacaa, kamana diido asaga oo dareenka saaxiibkiis dhowraaya, haddii cida deriska ahi ka codsato in uu  ciyaalka u haayo maya ma yiraahdo e, judhaba haye ayaa afku ka xadaa, xitaa haddii uu howl asaga muhiim u ah gacanta kula jiro,   waxa uu ogaaday  dhaqtarku in qofnimadii  wiilku dhuntay , daawo ahaana waxa uu ugu qoray in uu beddelo habka uu u raadinaayo raali gelinta dadka,  waxa uuna ku booriyay in uu joojiyo tanaasulka xad dhaafka ah.

Xanuunka wiilkaa dhallinyarada ah  haleelay waxaa daris la ah boqolaal qofood oo dunida daafaheeda ku nool, lagana yaabo in aad aakhristow ka mid  tahay,  oo aan is ogayn in ay dhunsan yihiin kabuhuna uga dhammaadeen raali gelinta dadka ku hareeraysan,  una baahan in ay helaan gargaar maskaxeed iyo mid  maamineed.

Dadaal kasta oo aad geliso in aad dadka oo dhan  ku raali gelisid waa mid dhimman oo aan miro dhal ahayn ma dhalaysna ah , waqti baa kaa dhumaaya  mana gaaraysid  heer dadka dhan ku ammaanaa, maah-maah soomaaliyeed  ayaa waxa ay  tiraahdaa” dadkood dhan kuma wada ammaanaane yaysan ku wada caayin” oraahdani waxa ay quus joojinaysaa qof walba oo raba in uu raali geliyo ilmo aadam, suura gelinimada ama isku dayga  in aad dadka oo dhan raali geliso oo lagaa wada raali noqdo, waxa ay la mid tahay, adiga oo isku dayaaya joojinta naf baxaysa, qof walbaahina waxa uu qirsan yahay, in uusan sameyn Karin arrinkaa, tanina waa la mid.

Sidoo kale waxaa jira halqabsi yiraahda  “Haddii aad ammaan rabto dhimmo” taaso macna ahaan loo gala jeedo intaad nooshahay waqti hayska gelin raadinta ammaan iyo sheegsheeg.

  • Caalamahada aad ku garan kartid ruux ku mashquulsan raali gelinta dadka oo dhan

  Goobida in qof walbaahi kaa raali ahaado,  waxa ay la mid tahay la socodka iyo maamulida dareenka qof walba oo kugu hareeraysan, haddaba waa kuwaan astaamaaha kasoo iftiima ama ka soo lagu garto qofka doon doonaaya in uu dadka dhan dejiyo dareenkooda la socdo.

  1. Waxa uu dareemaa in uu masuul ka yahay dadka kale dareenkooda, waxa uuna waqti badan geliya ilaalinta dareen qofka kale oo uusan lahayn awoodeeda.
  2. Raali gelin ayuu bixiyaa, asaga oo aan waxba samayn.
  3. Haddii laga codsado caawimaad ama la waydiisto arrin si fudud ayuu ku aqbalaa xitaa haddii uusan awood u lahayn wax ka qabashadaa arrinkaa taaggan, fashil ayuuna dhexda ka fadhiisataa, waana lagu wiirsada kolkuu ka soo bixi waayo ballantii.
  4. Aqblaadiisu waa afka hore, mayana maba isticmaalo.
  5. Waxa uu ku mashquulaa inta badan waqtigana iskaga ridaa in dadka oo dhammixaalad isku mid  ku sugnaadaan,  kala duwanaashaha dareenka iyo aragtiyaha ayuu aad u neceb yahay.

Astaamahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa kasoo muuqda, qofka raadiya raaligelinta ilmo aadan, qalad ma ahan in aad wanaajiso asxaabtaada, qaraabada iyo bulshadada inteeda kugu xeeran, balse waa kas-darri  iyo maan gaabnimo   in aad ku daashid wax aan suura gal ahayn, kuguna sababi kara in shaqsiyadaada saxda ahi dhunto meel bannaana aad ku soo dhacdid!!

Xabsi aan lagugu xirin ma ahan in aad isku xirto isna caburiso, haddii aad u dhaqanto sida dadka oo dhammi u dhaqmaayaan, waxaad  xabsi ugu jirtaa dadka, waxaad ka xiran tahay maskaxda lugaha iyo gacmahana waxaad ku samaynaysaa wax aadan raali ka ahayn, basle aad is leedahay ku raali geli cid aanba laguu dirsan in aad raali geliso.

 Waxaa la yiraahdaa haddii aad rabto in aad guulaysato, aadna gaarto halka aad rabto, hadafka aad nolosha ka leedahayna   ka mira dhaliso, waxaad u baahan tahay in aad qeexato dariiqaada ama wadadaada,  guushu kuma jirto in aad qabato waxyaabaha dadka kale kaa rabaan, looma baahna muhiimna ma ahan sida dadkale kuu arkaan, waxaa muhiim ah sida aad adigu  isku aragtid.

Culimada aqoonta u leh dabeecadaha dadka, sida wayna u darsaa waxa ay ku doodayaan, in ruux dalba raali gelinta dadka oo dhan, lumiyo qiimihiisa, qaradiisa,  qaybtii nolosha uu ku lahaayna waa dayacaa, waxa ay daliishanayaa cullimo baarisyo maan gal oo soo bandhiga habka qofku si fudud ugu dhummi karo qiimihiisa Rabbi ku manaystay!

Gunnaanad

Ma jirto cid awooda ama xaqba u leh, ka masuul ah dareenka qof kale, qof kasta asaga ayaa haysta awooda maamulka dareenkiisa Rabbi ka sokow, sidaa darteed ma qumana in qofina qof iska geliyo isku daaliyo shay lama gaaraan ah.

Nin xaakim ah ayaa waxaa la waydiiyay  waa  maxay furaha guushu?

Xaakimkii waxa uu ku jawaabay  ” Ma sheegi karo furaha guusha, balse furaha guuldaradu waa  waa isku dayga  maslixida dadka oo idil.

 Ana waxaan maqaalka kusoo gababaynayaa  akhristow “ kolka aad ku leedahay dadka kale          “HAYE” iska hubi in aadan naftaada ku lahayn “MAYA”

W/Q: Cabdisalaam Macallin Xersi

SHEEKOOYIN