Home Qoraallo Soomaalida Wili waa carruur, Goormay qaangaari doonaan?! W/Q; Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

Soomaalida Wili waa carruur, Goormay qaangaari doonaan?! W/Q; Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

0
SHARE

Sac

Soomaalida Wili waa carruur, Goormay qaangaari doonaan?!

Carruurnimada waa cadaw laga koro, Dabeecadaha carruurta waxaa ka mid ah, isufaan dhaxdooda ah, Midkii shay cusub waalidkiis u soo iibiyo, maalintaas faan iyo isqaadqaad buu ardaydii kula dhax dhacaa, Markaasey ardaydii iyaguna waalidiintoodii xujo ula tagaan oo yiraahdaan” Illaa shayga uu hebel wato oo kale la ii soo gado iskoolka ma aadayo” Waalidiintii la xujeeyay weey u fulisaa dalabkii caruurta, Ama waxay u keeneen shay kale oo ka duwan kaasoo uu isna markiisii ku faano ardaygii loo soo iibiyay.

Banooni ama kubbad ayaa mid loo soo gadayaa, Qaarkuu rabo ayuu dheelsiinayaa kii uu rabana wuu u diidayaa asoo ku xujeyanay”Banoonigayga ha iga taaban” Kii loo diiday kubbada ayaa qayla dhaan kula dhax dhacayo reerkiisii, Hooyada oo calooljilicsan ayaa aalaa u samayso dalabkiisa markaasuu falaa isla kii hore waxii uu falay oo kale.

Mid ka mid ah carruurta ayaa waxuu leeyahay walaalo waawayn, Carruurtii kale ayuu leeyahay “Adinka hebel/heblaayo oo kale
ma lihidiin” anagaa idinka fiican markaasuu kii la foorjeeyay sheegtaa Walaalo-adeer dhalay oo magaalo kale dagan.

Aalaaba ilmaha waa waxii yaraantooda lagu barbaariyo, badanaa waxay jecelyihiin raashinka dibada ka yimaado, Sida Makaroonada I.W.M isla taasoo eey sidoo kale isugu faanaan inagaa idinka lacag badan, Taasoo cunugii lagu yiri saamayn ku samayso heer uu su’aalo badan waalidkiisii ula tago.

Carruurta marka la isku dirayo, dhulka ayaa lagu xariiqaa laba xariiq, Waxaa lagu yiraahdaa hebel xariiqan waa hooyadaa Adna hebel xariiqan waa hooyadaa, Kiinii hortiro ayaa geesi ah, Markaasaa lagu kala hormaraa tirtirida waxii ciida ku dulqornaa, Kii lagala hormaray ayaa isagana feerka kala hormaro kii kale oo sidaas baa jugta la isaga galiyaa, Iyadoo sidaa la isku haaysto, ayuu ruux wayn ku soo baxaa , markuu kala celiyo ayuu waydiiyaa sababta la isku dagaalay, markaasey ku doodaan hooyadeey buu tiray, Oo hooyadaa ma qadd loox ku qoranbaa?

Marki eey yara weynaadaan ayeey isla barmajkii guri iyo tigaad ku faanka ahaa u badalaan Qabiil iyo reer laga dhaadhacsiiyay, heer aad arkayso rag waawayn oo geed la hoos fadhiyo, anagaa idinka balaaya badan!

Ganacsatada waawayn ayaa iyaguna isla sidii ku dhaqaaqo, Nin baa sar dhowr dabaq ah dhisanayo, Markaasuu kale isla ingineetrkii dhisay leeyahay ii dhis, Markii la dhameeyo, Ayaa sartii danbe loo bixinayaa”Kaama Liito” oo micnaheeda aad iga badisaan.

Gumaystaha oo aad ula socday dhaqamada caruurtan, Ayeey taasi fursad u noqotay, Waxuuna u kala qaybiyay shan qaybood. Soomaali Galbeed Jabuuti, Somali NFD, iyadoo ey taagantahay, Ayaa waxaa soo baxay wax la yiraahdo” Walanwayn Iyo Qaldaan”

Dabadeed Waxaan la maqlay “Somaliland” Waa isla dabeecadihii carruurnimadee, Ilmihii waxeey reerkoodii ka dalbeen in loo soo iibiyo ama loo sameeyo Shayga Land la yirahdo oo hebel loo keenay, Markaasaa Waxaa ka daba yeertay”Puntland” iyo Jubbaland” Carruurtii kalena waa ey ku mashquulyahiin sameysashada laand Haddii kale fasalada uma dareerayaan.

Shaydaankii gumaystaha ahaa, ayaa mar labaad halkaasi ka helay, Koorno eey iyagu u salaxeen, Markaasuu teesta kaga dhaliyay wax la yiraahdo, Federaal. Isla dabeecadahii Carruurnimada ayaan ku dhaxjirnaaye, Amin arts oo isku dirayo, laba meel ku kala calaamadeynayo, Puntland ama Somaliland, markaasaa waxii maalintaas afkooda ka baxo la yaabayaa ilayn waa hooyadii oo la tiraye!.

Sidoo kale Puntdland haddii ruux wax ka sheego, Reer puntland maalintaas dhiiga ayaa ku karayo, Haddii eey aqoonsan waayaan ruuxa ku qladamay Landta uu wato, Waxeey kula dul dhacaan Muqdisho ilayn iyadaa ah hooyada ilmahee. Reer Banaadir lana sidoo kale, Ayeey u miisaan Cidii loo xariiqo.

Aqoonyahankooda.

Laba nin oo soomaali ayaa macalimiin ka ahaa dagma Yaman ku taalo, Midkood baa afdheer oo waxuu ardayda u sheegaa inuu ka soo jeedo degaan fiican kan kalana uu ka soo jeeda dagaan xun oo yahay addoon, Yamanta wax ma qarisee macalinkii kale ayaa loo sheegay, Sidaas beey isku dagaaleen, markan kala qabanay ayaan mid ku iri, Ninkan maxad isku gasheen?Kuye, ninkan isagoo qaxooti ah ayaa naloogu keenay Afgooye, guri walbo oo afgooye ku yaalo ayaa looga aruuriyay min qaado iyo saxan, Sidaas asoo ku soo koray waxna ku soo bartay, ayuu maanta aniga wax iga sheegayaa. xitaa aqoonyahanadi ayaa sidaas ah.

Wax aan u soo dhaweeyo waxan ka arkay Qabaa’ilka yamanta. Macalimiin ajnabi ah oo ey dowlada Caqdi dibada kaga keensatay ayaa loo kala geeyay laba qabiil oo daris ah, Mid ka mid ah macalimiintii ajnabiga ahaa ayaa waxaa dilay, Qabiilkuu u shaqeynayay maahee nin u dhashay, qabiilkii kale Markaaseey qabiilkii macalinkoodii la dilay, shir isugu yimaadeen, Waxaa lagu go’aamiyay in reerkaas wax dilay iyagana macalinka Ajnabiga ah laga dilo, Sidaas ayaa labadii macalin ee afrikaanka ahaa, iyagii la isugu aaray. xujooy ku har!

Anniga illaa fiyaanbiira jigjiga illaa gaarisa illaa Cali sabiix waxan u aqaanaa dhul Soomaaliyeed. Bal haddii aan Hargaysana ka ganacsado, Boosaasana macalin ka noqdo, Xamarna wax ka barto, Kismaayana aan dago, Bilaa mukulaal madoow Maxaa ku jaban?

Waxan is weydiiyaa goorta eey Soomaalida qaangaari doontaa, Dibna ugu qosli doonta ficiladii xunxumaa ee eey falayeen sida aan haddaba ugu qosolno markaan soo xasuusano Caruurnimadeenii! Waa callako meel yuuratiyo cunugan weynaane.

W/Q; Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

SHARE