Yaa koorta noo sida ? W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey


Yaa koorta noo sida ?

Hagitaanka kuwa caqliga leh waa mid aad u adag, balse hagitaanka xaynta waxa ay kaaga baahantahay oo keliya Eey iyo Qowsaar.

William Shakespeare

Xoola dhaqatada reer miyiga waxa ay adeegsadaan habab lagu xakameeyo dhaqaaqa xoolaha si aysan uga tallaabin soodimaha loogu tala galay, waxa ay inta badan adeegsadaan agabyo dabagal ah sida Koor iyo dawan.

Koorta waxaa inta badan qoorta loo suraa hasha midda ugu socodka gaaban sida qawaar saxal ah, buudhqab aan tiigsan karin baabaceyn, ama dhiito aan laga fileynin baarrog iyo durduro toona, Awrta waxaa laga xushaa bacadle dabarka looga dhigay qabbir oo aan seetada u qaadi karin sida qaalin baar furan ah.

Daryanka koorta ama dhawaq dawanka ayaa hadba lagu soo raacaa halka ay xooluhu daaqayaan kolkaasi oo loo yimaado iyaga oo wada daaqaya gabigood ama badidood, taasi oo sahasha in Iyaga oo dhammeystiran loo kaxeeyo xeradii lagu hoyn jiray.

Dadyoowga dhaqda idaha (idooleey) waxa ay isticmaalaan hab kale oo afka carabiga lagu yiraahdo (maryaac), maryaac waxaa waaye wan laga jaray ama aan dhadhamin dambarta iyo caanaha laxdii dhashay, waxaase la nuujiyaa dameer, kolka uu weynaado waxa uu noqdaa mid geeso waaweyn, waxaana lagu xiraa dawan, wankaasi waxa uu dhaqaaqayaa oo keliya kolka uu dhaqaaqo dameerka maadaama uu nuugay caano dameer, ninka idaha ilaalinaya waxa uu dusha ka fuulayaa dameerka kaddibna waxa uu ku dhufanayaa karbaashka, kolka uu dameerku dhaqaaqo waxaa ka daba dhaqaaqaya wanka maryaaca ah, deedna waxaa ruxmaya dawanka u suran qoorta, kaddibna waxaa ka daba dhaqaaqaya dhammaan idaha kale.

Waxaa jira hab siyaasadeed aan ka fogeyn midkaas aan kor kusoo xusay, kaasi oo loo adeegsado Inta badan bulshooyinka laga gumeeysto dhanka fekerka, habkaani cusub oo lagu baddelay hababkii qayaxnaa ee gumeeysiga.

Bulshada soomaalida oo maanta u qaybsan maamullo u sameeysan hab qabiileed waxaa Qolo waliba dawanka loo suray siyaasi daneysta ah, kaasi oo ka shidaal qaata shisheeye, kolka la doonayo in bulshada la kaxeeyo waxaa la dhaqaajiyaa oo keliya siyaasigaasi, isaguna waxa uu kolkiisa yeeriyaa dawanka qabiilka iyo qaylo dhaanta reernimo, taasi oo sahasha inay si habsami leh isaga daba dureersato bulshadu Iyaga oo u abaabulan qabiil, maamul goboleed, urur diimeed, iyo qaybo kale oo horay  loogu sii kala shaandheeyey.

Gaas dhagoolayaal iyo guutooyin xuurteysan ayaa durbaba qayb ka noqda fulinta qorshaha qarsoon oo yoolkiisu yahay colaad iyo guluf, dib u dhac, kala goyn, argagax, taageerada macangag, dhagarqabe, Sheekh isku sheeg iyo daneeyste kale kaasi oo ay qoorta ka surantahay koor ama dawan lagu ilaashado isaga iyo dadka uu hagaha u yahay.

W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

SHEEKOOYIN