Home Curis Garbaduub Q1AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

Garbaduub Q1AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

0
SHARE

Garbaduub Q1AAD

 

Waxaa uu indhaha kala qaaday isaga oo la jiidayo labada garabna laba nin oo xooggani ka hayaan, faraha foodooda ama afka hore ee kabaha ay ku socodsiinayaan, wuxuu dareemay qoyaan indhaha korkiisa ka tis leh oo dhegdheg ah.

Siday u waldaaminayeen ayay ku tuureen dhulka intay haraati iyo laad la dhaceen ayay ka tageen, Guhaad ayaa indhaha oo isku dhegdhegan yihiin ayaa is  dayey inuu kala qaado, balse xinjiraha dhiiga guntamay ayaa sida xabajada baararka u qabsaday ayaan suurtagal ahayn u inuu kala qaado.

Ma jirto xubin ama meel korkiisa ah oo aan danqanayn, waxaana loo jirdilay  si naxariista ka fog,  Guhaad xanuunka iyo kaarka korkiisa hayaa, maaha mid is doorinaya, mararka qaarkoodna marka aadan ogeyn cid kuu damqanaysa maba jiro  xanuun ku qabta, maxaa yeelay naftu meel ay naxariis ka filayso ay catoow iyo cabasho ka muujisaa.

Guhaad meeshii lagu tuurey dhanna isagama dhaqaajin, muxuu iska dhaqaajiyaa maba awoodee, meeshay ku tureen ayuuba ku nas qabaa, haddiiba aysan jirin cid garaac iyo lafa tumid la dul joogta, isagoo sidiisii miyir daboolan ayaa wuxuu galay qarow iyo qandho isku darsan hurdo wadata.

Markay ka soo wareegtay 24 goorood(saacadood) ayaa waxaa uu maqlay sanqadh iyo dhawaq xooggan, ma awooddo inuu jaleeco ama eego cidda sanqadhaysa, siday u soo socdeen ayaa intey labada garab ka qabteen mar kale ay jiideen, meesha la jiidayaa waa meel mugdi badan oo albaabo biro ah iyo darbi dhexdooda waxaana la geeyey, qol kale oo miis iyo laba kursi yaallaan,  dhexdana birtaxyo(Silsilad) uga xiran tahay meel sare ka soo laadlaada, waxaa qolka dhex taagan labadii nin iyo mid kale oo meesha joogay, ninkii kale ayaa faray labadii nin inay qaadaan Guhaad oo ay ku xiraan birtaxyada , waxaana laga soo laadlaadiyey birtaxyadii meesha ku xirnaa lugaha dhulkaa looga qaaday gacmihiisana korbaa loo xirey.

Markaan qolku waa iftiin  oo  nal baa ka daaran,waxaa hortiisa ka muuqda laba nin xooggan dharkii ciidankana  gashan iyo nin kale oo fool adag waxay saddexdooduba gashan yihiin dharka ciidanka, balse dharka ay gashan yihiin maaha mid uu hore u arkay  ee waa dhar ku cusub, inkastoo xaalkiisu yahay daaladhac iyo dikaan, haddana milicsiga  indhihiisa ay dabooleen xinjiraha dhiiga guntamay ee  ku dhegay baararka iyo sunniyaha ayaa u diidaya inuu si huban oo qumaati ah wax walba u arko.

Foolkiisa waxaad mooda iyo madaxa  dhul bannaan oo buuralay noqday waayo meel walba iyada oo kuusan ayay af dilaacsan oo dhiig ka hooray leedahay, meelaha qaarna  dhiig madoobaada oo ku qalalay ayaa ka muuqda,  muuqaal argagax leh oo aad dareemayso in aysan falin dad naxariis iyo dadnimo ku dambayso.

Waxaa isa soo hortaagay isagoo meeshii laga lulay ka laadlaada, ninkii xoogga weynaa oo garbihiisa gaashaamo iyo xiddiguhu is dul saarnaayeen,  wuxuuna si jeesjees iyo isla weyni ah ugu yiri: “ Haddaad doonayso in lagaa daayo dilka iyo garaaca, dantaadu waxay ku jirtaa inaad sheegto waxaan kaa rabno iyo waxaan ku weydiino”.

Guhaad oo arka inuu gacan col iyo ma naxe ku jiro, hase yeeshee aan garan goobta iyo halka uu haatan joogo ayaa goroda iska laadlaadiyey, maxaa yeelay  wax walba uu yidhaahdo waa ogyahay inaysan cidna ka dhegaysanayn ileyn nin meeli u caddahay meeli ka madoowe, markii saddexdii maalmood ee hore wuxuu joogay meel ka duwan halkan oo uu yaqaan, dadka haystay ee garaacayey waxna weydiinayeyna waxay ahaayeen raggii ay ciidanka wada ahaayeen xerada qudhana ka wada hawl geli jireen.

Haddase wuxuu joogaa meel uusan weligiis arag, waxaana loo keenay dad uusan garanayn, waxaa la yidhi nin raggi geeridiisa waa ogyahaye, Guhaad ogaa inuu ku jiro gacan adag oo aan sina looga baxsan karin, balse muxuu sheegaa maba oga waxaa lagu haystee.

Guhaad ayaa yiri: “ Qofka wax og baa wax sheega,anigase ilaa hadda ma garanayo waxaa lay weydiinayo, mana garanayo waxaa aan ku galabsaday dhibkan iyo kadeedkaan miyeydaan soomaali ahayn miyaananse ahayn nin ciidan oo dalkiisa iyo dadkiisa heegan u ahaa maxaan galabsaday?”.

Arrinkaasi ma ahayn mid uu yeelay taliye Duubane ee wuxuu faray labadii askari inay garaacaan oo ay ka soo saaraan xogta uu hayo ilaa uu ka dhimanayo,  Guhaad warkaas waa maqlayaan dhegihiisu,  xaalkiisuna waa “Nin laga  awood roonyahay laga arrin weyn” Halkii bay garaac iyo jirdil ku bilaabeen ilaa uu mar kale ka miyir daboolmay afka iyo sankana dhiig ka keenay.

Sidii oo kale ayay u jiideen waxaana la celiyey qolkii mugdiga ahaa ee laga soo saaray, iyadoo sida jawaan la rarayo dhulka gawaanka adag ah  loogu tuurey,  jirkiisa meeli uma noola, faraha qaarkoodna waa jaban yihiin sidii looga maroojinayey oo ma dhaqaajin karo, korka kalena meel meel dhaanta ma leh.

Ifka eedaad ku mudo iyo urugo waa tanoo kale, wuxuu nabdiga iska weydiinayaa, tolow maxaan galabsaday oo layga goynayaa? Wuxuu yaalla dhulka gawaanka ah sida didibka u adag wax feedhihiisa burbursan iyo oogadiisa dildilaacsan ka xigaana ma jiraan.

Waxaa goor uusan garanayn habeen iyo maalin mid ay tahay lagu ag soo tuurey, weel godan oo waxyar oo qamadi ahi ku jiraan iyo koob biyo ah, markuu in cabbaar ah joogay ayaa intuu nafta dhibay  oo uu gurguurtey ileyn calaacalaha waxba kuma qabsan karee ayuu labada curcur biyihii ku qabsaday, biyaha ayaaba dhibaya dhuuntiisa waayo mar hore ayaa ugu dambeysay, dani waa seeto waxay murti kalena tidhaahda “ Nin la tumay talo jirtaa” baahida iyo oonka inuu iska bi’iyaa waa lama huraan,  wuxuu dhigtay beerka sida ma yeedhaanka ayuuna weelkii afka ula galay, maxaa yeelay intuu salka dhigto si haaneedsan waxba uma cuni karo, wuxuu raftaba biyihii  ayuu cabay cuntana awood uu iyo af uu ku ruugo maba laha.

Markii uu biyihii yaraa dhuunta ka dejiyey ee intii eebbe u calfay ka cabay ayuu daalkii la diiday, Guhaad ma oga  habeen iyo maalin, dharaar iyo galab mid ay tahay waayo meeshu uu ku jiraa waa qol leh hal irid oo bir weyn ah meel yarna xitaa uusan ilays ka soo gelayn oo isha haddii farta lagaa gelinayo aadan arkayn,  waxaa ugu dhexyaal  meel salka la dhigo oo loogu talo galay saxarada oo keliya, balse ma oga xitaa meeshaasi meel ay ka xigto.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE