XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 86aad

 

1-Nafta xakamee

Nafta quruxdeeda waa xakamaynta, waa in aan loo ogolaan in waxa ay doonto ay samayso. haddii taas loo ogolaado hubaal in nafta ay kugu hogaaminayso heer ama muuqaal muujiya in aad xitaa Xayawanka ka liidato.

Dunida aan ku noolnahay waxa loogu yeero Dimoqoraadiyadda ayaa saldhig looga dhigay in aad samayso wax walba oo ruuxdaada jeceshahay, taas macnaheedana waa in dadku ay u bataan dad aan fakarin oo sida la doono laga yeesho.

Nafta marka la xakameeyo oo xad loo yeelo waxa ay dooranayso iyo waxa loo doorayo, waa markaas marka ay sharaf yeelanayso caqligana si dhab ah u shaqaynayo. Balse Naf ay shahwa ku xiriirto haddii la sii daayo maxay noqonaysaa waxa ugu horeeyo ay raadinayso?  dabcan waa Shahwo, shahwada meesha ay ka gashana waa ka daba galaysaa, qofka haddii uu shahwadiisa raacana waa shalmaday, micnaha wuu lumay.
Sidaa darteed, aan xakamayno nafteena, si aan u dhowrsanaano.
Mmusa

 

                                  2-Iska sii daa dadka

Ma ahan in aad qofna ku qasabtid waxa aad ka doonayso in uu kuu noqdo ama noqdo, dadku sida badan wax sheegista wax loo sheego kuma qancaan, waxay ka door bidaan inta wax loo sheegi lahaa in ay ayaga doortaan waxa ay doonayaan, sida ay doonayaana u sameeyaan.

iska sii daa dadka oo ha u doortaan naftooda waxa ay rabaan, waxay ku qurux badantahay marka qofku isaga oo kuu baahan kuu yimaado oo qiimaha aad leedahay garan kara, markaas in sida aad doontid aad wax ugu sharaxdo ama ugu qabato.
Mmusa

 

                               3-Qumane


Qof aad ogtahay in uusan waxba qaban ayaa kuu sharaxayo wax uusan qaban markaas ayuuba kuu shidaya Duni ka duwan tan aad dhex joogtid, taas waxaa ka sii daran marka aad aragto kumanaan qof oo si indha la aan ah qofkaas ugu sacab tumaya, waa markaas marka aad inta shakido aad is dhahdo show, adiga oo kaliya ayaa waalan inta kale ayaa quman, xaqiiqdase sidaa maahan  ee waa in inta badan dadka aysan qumaneen oo inta yar ay qumantahay, balse, tira ahaan ayaa looga dhaadhacshay inta yar in ay shibta ku qurux badan yohiin.
Mmusa

 

 

 

 4-Waqtiga iyo qiimayntaada

Nolosha mararka qaar meelaha ay kugu riixdo waa laga yaabaa in aad is dhahdo uma qalantid, dhabtase waxay tahay in qof walba uusan garan karin halka uu u qalmo.Waxaa sa xaqiiqa ah in waqtigu ku dhigo halka aad u qalanto adiga sida aad doonto ka aaminsanow meesha lagu dhigay.Waase in aad maanka ku haysaa in qiimayntaada aysan la shaqayn karin qaabka uu waqtigu wax u qiimaysto.
Mmusa

 

                         5-Nolsoha Qof


Nolosha qof marka aad kusoo biirayso waa in uu jiraa wax aad ku kordhin karto, haddi wax aad ku kordhin karto aysan jirin qofkaas noloshiisa macnaha aad ugu biirtay ayaaba noqonaya nusqaamin.
Mmusa

 

6-Gambaleelka

Saacadda ayaan buuxsanaa si ay noo kiciso, balse haddaad moodeen in ay saacadda dhab noo kicin karto, bal ag dhig Qof Mayd ah ha kicisee. Xikmaddayda ayaa ah dariiqooyinka aan nolosha ku samayno waa mid naloo tilmaamay horayna naloogu jideeyay, balse wax walba amarka Alle ayey ku kacaan, in aad Gambaleelka saacadda ku kacdana waa amar Alle xagiisa ka yimid.
Mmusa

 

7-Mahadnaqa badi


Iimaan yeelo si aad u gaarto guusha nolosha, farqiga u dhaxeeyo Alle iyo Aadanaha ma garan kartaa?  Jawaabta aniga ayaa ku siinaya, Alle wuu cafiyaa, wuuna ku deeqaa, Aadanuhu se, wuu qaataa, wuuna hilmaamaa.

Inta aad nooshahay waxaa kugu waajib ah mahadnaq dhan walba ah, haddaad iimaan leedahay shallaayto iyo deero (yahaysi) maba haleelaysid, mahdnaqaaga ha bato.
Mmusa

 

8-Gargaarka dag daga ah

 

Rajadu marka ay soo aruurto micnaha marka ay soo xiranto xusooso Alle, salaadaadana badi, salaadda waa taleefonka gargaarka dag dag ah sida 911 dunida looga isticmaalo, hubaal inta nin walba uu ka salaad iyo taqwo badan yahay in uu ka gargaar helid dhowyahay.
Mmusa

 

9-Waxa wanaagsan

Muhiim maahan in aad haysato wax walba oo wanaagsan nolosha, waxaa muhiim ah waxa wanaagsan eed haysato sida aad u xafidato uguna faaiidaysto.
Mmusa

                         10-Quruxda waarto

Raadso Qalbi qurux badan oo kuu qalma, maya Waji qurxoon, wax walba oo quruxdiisu ay muuqato mar walba ma wacna, balse quruxda daahsoon ee qalbigu leeyahay waa mid mar walba qurxoon oo aan daxaleysan, waartana inta ay jirto.
Mmusa

 

11-Qaabeeyahay Noloshaada

Dadku mar walba hadalo waa kugu soo tuurayaan, dhaqan xun iyo dhaqan wanaagsanba waad kala kulmaysaa, waxay ku xirantahay sida aad uga jawaab celiso ama waxa aad ku samaysid. Bal is waydii, ma Darbi ayaad ka dhisan doontaa oo ayaga dhan ayaad iska xiri doontaa, mise Buundooyin ayaad is dulsaaran doontaa? Jawaabta waa xagaaga, mid se xusuusnow in aad tahay Muhandaska ama qaabeeyaha noloshaada .
Mmusa

 

12-Xiriirka Nolosha

Intii aad raadin lahayd qofka noloshaada ku haboon waxaa ka wanaagsan in aad ku dadaasho abuuritaanka xiriirka dhabta ah ama saxda ah ee noloahaada mustaqbal wanaagsan u noqon kara, muhiim maahan sida bilowga aad uga taxaddarto in garaafo gaarto xiriirka aad samaysay, waxaa muhiim ah in aad u diyaarsantahay ilaalinta tiirarka muhiimka u ah jiritaanka waaritaankiisa, sidaa darteed, nolosha ma ahan in aad hesho qofka kugu haboon ee waa in aad abuurataa xiriir hagaagsan, waaritaankiisuna fog yahay. Ma ahan sida aad u baxnaaniso bilowga xiriirka ee waa sida aad u baxnaanin karto inta noloshaada jirto.
Mmusa

13-Issaaqadda iyo cibaadada

La yaabkeena ayaa wuxuu yahay in Irsaaqadda aan u cararno, halka cibaadada aanan u dag dagin, Aayadaha quraankana waxay na farayaan in Risqiga aan socod u samayno, cibaadadana u kala fakano.
Aayadan hore Alle wuxuu ku sifeeyay in cibaadadu mudantahay in loo kala fakado
(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا نُودِيَ لِلصَّلَاةِ مِنْ يَوْمِ الْجُمُعَةِ فَاسْعَوْا إِلَىٰ ذِكْرِ اللَّهِ وَذَرُوا الْبَيْعَ ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَكُمْ إِنْ كُنْتُمْ تَعْلَمُونَ)
[Surat Al-Jumu’ah 9]
Ayaaddan labaadna Alle wuxuu ku caddeeyay in irsaaqadda mudantahay in socod loo sameeyo.
(هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ ذَلُولًا فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِنْ رِزْقِهِ ۖ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ)
[Surat Al-Mulk 15]
Waxaa muuqata in anagana aan sida ay labadan aayad na farayaan aan u qaadanay sida aysan na farayn,oo irsaaqadda aan u kala fakano, halka cibadaada socod iska daayee aan ka seexanay. Alle ha laga baqo oo qof walba ha is xisaabiyo.
Mmusa

la soco Axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN