XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 87aad

                        1- Baqdinta Dunida.

Wax walba oo dunidan laga baqo ama laga cabsado waa laga cararaa, balse Alle marka aad ka baqdid ayaa xagiisa u carartaa. Baqdinta dunida waa mid waxaas aad ka baqanayso kugu kallifta in aad ka cararto, laakiin Alle cabsidiisa waa mid isaga kuu sii dhaweysa.
Mmusa

                    2-Qiimaheena 
Qalbi jabka, Dagaalada, Warxumada, waa in aysan saamayn ku yeelan jacaylka dadkaaga aad u hayso, Alle wuxuu hilib hilib iskugu keen xaray xikmaddeeda ayaa ah in aanan is dayicin, is cadowsan, si dunida iyo aakhiraba aan ugu guuleysano, caqabadaha waa imtixaan la doonayo in aan ku baasno ama ku dhacno, marka aan ku dhacno waxaan u leexanay Jidka shaydaanka, marka aan ku baasnana waxaan qaadnay jidka Alle.
Sidaa darteed, nacaybka ha yaraado, dagaal yuuba jirin, warxumada halaga leexdo, qiimaheena wuxuu ku siyaadaa sida aan isku ixtiraamno.
Mmusa

                     3-Qiimee heerkaaga bulsho

Dadna xusuustooda ayaa la dhoola caddeysaa kuwana waa la ilmaysaa, waa wada Dad, farqiga u dhaxeeyo ayaa ah sida qof walba laabtaada saamaynta ugu yeesho, bal is waydii, ma waxaa ku tirsantahay dadka xusustooda lala dhoola caddeeyo mise kuwa lala ilmeeyo? waad qiimayn kartaa heerkaaga bulsho.
Mmusa

                     4-Waqtiga iyo dhibka 

Waqtigu sidiisaba ma hakado oo waa mid socod badan dag dagna kuu dhaafo.
Dhibaatadu waa busteejo ay qasab tahay in uu qof walba maro ama istaago. Xaaladaha adagna waa ku meel gaar oo ma jirto xaalad lagu waarayo.
Mmusa

5-Umad fakar gaaban

Umadda sideeda badan waxa wanaagsan ma wada arkaan, inta wanaag wax u fahamtana waa ku yar yihiinn, sidoo kale waxaa ku badan inta aan aragtida dheerayn oo mee fog aan wax ka fahmi karin, sidaa darteed, hala yaabin markaad aragto umadda oo dhanka aan wanaagsanayn wax ka falanqaysa, maxaa yeelay, waxaa ka tan badashay hannaanka nolosha ay ku nool yihiin oo ah hannaan xumaan ay dabooshay, qof walba wuxuu la soo shir tagaa waxa gurigiisa looga dhaqmo, marka aan guriga leeyahay ma ahan qoyskiisa, ee waa dagaankiisa iyo dadka uu ku dhex nool yahay.
Mmusa

6-Wanaag ayaa ina mideeya

Qofka wax wanaagsan qabta ma ahan in aad ku cilladaysaa beeshiisa iyo halka uu mabda’ahaan ku tiirsan yahay, ficilka wanaagsan mar walba ha kaaga aragti dheeraado shaqsiyadda iyo nasabaynta qofka.
Waxba igama galin waxa aad aaminsantahay iyo cidda aad tahay, mar walba oo wanaag aan ficilkaaga ka arkaa garabkaaga in aan istaago waa igu qasab, wanaaga waa waxa ina midayn kara oo kaliya.
Mmusa

                      7- Tan Alle ma joogsato

Farxaddu waxay ku dul istaajisaa macaansiga Nolosha. Murugada waxay ku dareensiisaa in aad tahay Baniaadam daciif ah oo awood aan lahayn. Nolosha daba raaciddeeda sida marba ay meel kaaga tuurayso ayey ku jahwareerisaa.

Guusha noloshaada oo badatana waxay ku dul geysaa fasahaad iyo fakar badan. Balse Alle waan kan kaliya ee marka aad meel walba ku cakiranto kaa dhex saara, hore u socdkana kuu fududeeyo. Xikmadda ayaa ah in wax walba oo Adduunyo ku saabsan ay leeyihiin meel ay ku hakadaan, balse tan Alle aysan marnaba joogsan.
Mmusa

                    8-Fahan noloshaada

In aad hadal barato marka aad yartahay 3 sano ilaa 2 sano ayey kugu qaadataa, balse in waxa aad ku hadlayso aad barataa noloshaada oo dhan ayey kugu qaadataa.
Xikmadda aan uga jeedo ayaa ah in haddii noloshaada aadan jiho wanaagsan u yeelin oo wax aad gaarayso aadan yeelan, hubaal in ay kugu qaadan doonto garashada waxa aad u nooshahay noloshaada oo dhan.

                        9-Waan ku qaldami karnaa.

Waan ku qaldami karnaa qof aan u moodnay in uu qaali nagu yahay, waan u ooyn karnaa qof aan is leenahay baddalkiisa lama buuxin karo, waan malayn karnaa malo wanaagsan qof qiima agteena ku leh, balse intaas oo dhan waxay noqon karaan wax aan si khaldan u maleynay ama ugu hamminay, taas macnaheeda ma ahan in aan qalbi jabno, khaladka waa midka kaliya ee ina bara in aan wax walba dhab u garano sax ahaanshahooda.
Mmusa

 

10-Farxad kaamilan

Wax walba oo wanaagsan waxay ku yimaadaan samir iyo daganaan , inta badan oo daganaan iyo samir aad noloshaada saldhig uga dhigtaa, waa inta badan oo wax wanaagsan ay kusoo abaaraan, marka wanaag aad dhex gashidna garo waa farxad kaamilan mar walba xaalkaaga.
Mmusa

11-Hadafkaaga sare ka dhig

Hadafka aad leedahay mar walba sare ha ahaado, nolosha waa heerka aad is dhigto, sida aad u fakarto iyo halka aad is dhigto ayaad ahaanaysaa mar walba, sidaa darteed, meel sare is dhig mar walba, qiimayntaada oo sarreysaa waxay qayb ka noqotaa heerka noloshaaada oo sare ahaada mar walba .
Mmusa

                            12-Wax baxso

Marka aad wax haysato, maskiinkii u baahnaa ee aad siin lahaydna uu ku ag joogo ka faaiidayso oo wax baxso, haddii kale waxaa kusoo mari doonto maalin aad wax haysato qof aad ku saddaqaysatana aadan haysan ama adigaba ay wax la’aan kugu dhacdo.
Mmusa

                        13-Duni dagan.

Inta aad ku dhex jiri lahayd duni qalalaase, qarax iyo qarracan u saaxiib ah, waxaa dhaanta in aad dhex tagto duni daganaan iyo dareen wanaagsan aad ka dhex helayso runtaba yeysan sidaa ahaanee.
Mmusa

14-Quruxda Laabta.

Labiskaaga wuxuu qurxiyaa muuqaalkaaga. Dikriga Allena wuxuu qurxiyaa laabtaada, dadku marka ay arkaan quruxda labiskaaga ayey kugu dhahaan hebel maanta wuu shidan yahay, waxaase ka qurux badan in xag Alle lagaa dhaho Addoonkayga wuu shidan yahay oo Xuska Alle ayaa laabtiisa ka dhex ifaya oo buuxiyay.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN