Ifafaalaha kacdoon ee Soomaaliya W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

Ifafaalaha kacdoon ee Soomaaliya
"Kolka uu halboowluhu ciriiri ku noqda dhiigga waxaa dhaca wadna-istaag,
Kolka uu marinka wabigu ciriiri ku noqda biyaha waxaa dhaca fatahaad.
Kolka uu mustaqbalku ciriiri ku noqda shacabka waxaa dhaca kacdoon".

#Victor_Marie_Hugo
26 jir kasoo jeeda qoys faqiir ah isla markaana maareeya nolosha hooyadiis iyo 8 walaalo ah maadaama uu aabbihii geeriyooday waqti hore, Tariq Altayib Mohameed Bouazizi waxa uu isaga tagey waxbarashadii dugsiga hoose si uu u maareeyo nolosha qoyskooda, waxa uu iibsaday gaari gacan uu ku wareejiyo khudradda iyo dalagga kasoo baxa dalkiisa, isaga oo ku tiirsanaa ganacasigaasi yar tan iyo yaraantiisi.
Askariyad boolis ah oo ka tirsan Dowladda hoose ee Tunisia ayaa maalintii danbe isku dayday in ay xoog kaga qaaddo gaari gacankii, iyada oo ku andacooneysa in uu dhibaato ku yahay bilicda magaalada, Bouazizi waxa uu isku dayey in uu ku mintido gaari gacankiisa afar lugoodlaha ah, hayeeshee waxa ay askariyaddii huwisay dharbaaxo quureed iyada oo Ku tiri kalmad faransiis ah “Dégage” oo afka carabiga noqoneysa “ارحل” afka Soomaaligana lagu macneyn karo “dhaqaaq, bax, guur IWM”.
Bouazizi waxa uu halkaa ku waayey meharadii uu ka dabaran jiray nolosha qoyskiisa, waxaa usii dheeraa uurkutaallada in uu waayey karaamadiisa, hankii uu ka qabay dalkiisa iyo rajadii uu ka lahaa nolosha guud ahaan, maalintii xigtay waxa uu bouazizi tiigsaday xarunta laga maamulo magaalada, kaddibna waxa uu naftiisa qabadsiiyey dab iyo bansiin.
Durbadiiba waxaa Tunisia ka curtay kacdoonkii la magac baxay “Gugii Carabta” (الربيع العربي), dadyoow malaayiin ah oo ku qaylinaya “ارحل” oo ah isla eraygii ay askariyaddu Ku tiri bouazizi ayaa harqiyey waddooyinka waddamada carabta, waxa ay xakunkii ka tuureen madaxdii Tunisiya, Masar, Libya iyo Yemen.
9 sanadood kaddib waxa ay markale harqiyeen wadooyinka Algeria iyo Sudan iyaga oo riday kalitalisyadii caadeystay caburinta iyo gaajeynta shucuubta.
Kacdoonka shucuubta waxa uu goostay xarkaha isaga oo u tallaabay dhulal ka baxsan dunida carabta sida Venezuela iyo Ethiopia.
Waloow uu waddamada qaar kacdoonku isu rogay colaad sokeeye sida Syria, Lybia iyo Yemen misana waxa ay shucuubtu muujiyeen in ay yihiin kuwa Iyagu iska leh go,aanka iyo masiirka Mustaqbal ee dalalkooda.
"Kacdoonku ma ahan waddo lagu sii qurxiyey ubaxyo balse waa halgan u dhaxeeya tagtada iyo timaadada"
#Fidel_Castro
Ruux dhallinyara ah oo noloshiisa ka dabara saddex lugaaleey (bajaaj) uu ku helay tacab ama qaaraan tolnimo ayey askarta dowladda soomaaliya maalin walba ku toogtaan waddooyinka Muqdisho, ka sokoow naf waayidda waxa ay godobtaasi niyadii kasbashada quutka kasii tirtaa bajaajle kale, mid kale ayaa lumiya rajadii uu ka lahaa dalka, bulsho weyn carreysan ayaa bixiya dareen u badan baroor iyo canaan, hase yeeshee maxaa hortaagan kacdoon bulsho iyo Isbadel shacab oo majaraha u siiba maamullada uu hareeyey musuqa kuwaasi oo ay garba siman ugu naaxeen qurba joog, dalaaliin iyo daneystayaal, kuwaasi oo kala dhaxla kuraasta iyo jagooyinka qaranka ?
Haddaba si ay bulshadu ugu dhaqaaqdo kacdoon iyo Isbadel miro dhal ah waxaa ka horreeya in la helo wacyi bulsho oo kasoo unkada yaanbada beer qotaha, maqaska dhaqtarka, qalinka qoraaga, Aaladda farshaxamiistaha, ogaalka abwaanka, codka dumarka iyo xasuusta waayeelka.
Wacyigaasi oo ka fog qabyaaladda, kooxeysiga, sadbursiga, eexda iyo u sacabtumidda dhagar qabaha, wacyi loollan la geli kara hagardaamada, wacyi u adkeysan kara ka salgaaridda hadaf umadeed oo yoolkiisu yahay soomaalinimo.
W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

SHEEKOOYIN