Daruurtii la anbatay dabeeylaha W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

Daruurtii la anbatay dabeeylaha

"Luqadda siyaasadda waxaa loo qaabeeyey hab ay beentu u muuqaneyso run, dilkuna uu u muuqanayo ixtiraam"
       “George_Orwell”

Nin murashax ah oo ku guda jira ololihiisa siyaasadeed ayaa booqasho ku tagey tuulo aad u yar si uu dadka tuuladaasi ku nool uga soo helo codkooda, kolki ay isu soo baxeen dadyoowgii tuulada joogay ayuu ku yiri isaga oo u khudbadeynaya: “Waxa aan doonayaa in aad i doorataan oo aan idinku matalo siyaasadda, waxa aan kaga duwanahay siyaasiyiinta kale in aan la imaan doono wax qabad dhab ah”.

Nin oday ah oo ka mid ah dadka tuulada ayaa ku yiri “Mudane waxa aan tabaneynaa laba dhibaato haddii aad inoo xallin karto”.

Siyaaisgii ayaa ku jawaabay “isla maantadaan ayaan Idiin xallinayaa ee ii sheeg” !

Odaygii ayaa yiri “dhibaatada koowaad waxey tahay waxa aan u baahi qabnaa shidaal aan ku shubano matoorka tuulada ee laga dhaliyo korontada”.

Siyaasigii ayaa durba lasoo baxay taleefan wuxuuna saartay dhegta kadibna wuxuu yiri ” hello, ma i maqleysaa, tuulo heblo waxa aad maalin walba u keentaan 20 litre oo shidaal ah”.

Misna Intuu ku jeestay odaygii ayuu ku yiri “maxey tahey dhibaatada labaad” ?

Odaygii ayaa yiri “mudane waxa aan ka cabaneynaa in aysan tuuladeenu laheyn haba yaraatee wax anteenno talefoon ah”.

Waaga ayaa ku baryey siyaasigii daqiiqad ka hor ku hadlayey taleefanka beenta ah, dadyoowgii tuulada ayaa qosol la wada daatay, qoladii duubeysay olalaha siyaasiga ayaa iyaguna afka gacanta saartay.

Ummada Soomaaliyeed ee la daallaa dhaceysa urugada dagaallada, ubadka u baahan iskuullada, umulaha tabanaya daryeel la’aanta iyo waayeelka la ildaran colaadaha waxa ay maalin walba wajahayaan siyaasiyiin ugu dhoolla caddeeya matalaad iyo ballan qaadyo marin habaabin ah.

bulshada taakta daran waxaa durba u sawirma daruur bixineysa onkod iyo hillaac hayeeshee aan dusha ka huwaneyn wax biyo iyo xareed lagu doogsado ah, kolka ay dadku  weelasha xashaan dhiilahana u cushaan dhaayda la cabi doono aaranka ayey daruurtii dul hagoogneyd durbaba u kala bayrtaa si halhaleel ah, iyada oo u kala baaheysa dhinacyada.

Huqda ciilka iyo harraadka dhuun ku dhegga ah ayey bulshadu sidaa dib ugu liqdaa hankeedii yididiilo iyo hawadii ay ka laheyd horumarka, qarannimada iyo rajada dowladnimo.

W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

SHEEKOOYIN