Home Curis GARBADUUB Q3AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q3AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q3AAD

Dhibkaad martoba hortaa baa la maraye, inta Guhaad lagu dhigay iyo ka daranba waa soo maray Dirir, waxaa u dheerayd, koronto iyo weliba  in xiniinyaha bira looga qabto, taasoo  dhaawac iyo argagax nafeed u gaysatay.

Dirir waa nin waayo  arag ah, kana da’ weyn kana xog ogaalsan Guhaad, oo wuu dareensan yahay meesha laga galay iyo cidda  halkan keensatay iyadoon ciddina u sheegin waa tii la yidhi “ Kor waayeel waa wada indho, amase ay ahayd murtidii kale Libaax nin ganayna og, nin galladayna og.

Dirir ayaa maalintii dambe u adkaysan waayey ninkan la xidhan oo habeenkii oo dhana qarwaya maalintii oo dhana, faruuryo qaniinsan ee hundhura, wuxuu arkay werwerka iyo walaaca ka muuqda wiilka dhallinyarada ah, waxaa uuna isku dayey inuu la sheekaysto oo wax weydiiyo, kana wareysto xaalkiisa dareen iyo xanuunka haya.

Balse, Guhaad laftiisu kalsooni ma jirto oo waxaa dad meesha jooga wuxuu u arkaa inay isku mid yihiin, kanna yahay mid xog iyo xuuraansi ka raadinaya, nabad iyo waa fiicanahay ayuu warka ugu soo koobay.

Dirir ayaa isku dayey inuu dooc doociyo oo bal hogga tusmeeyo nolosha adduun iyo is rogrogeedana uga faalloodo, iskuna dayey isagoo si dareen diqadnimo ah u baadhaya xogtiisa iyo waxaa uu u rumeysan la’yahay arrinkan la soo dersan uguna gegsan la’yahay ee shidaya.

Uma suurtagalin arrinkaasi Dirir, balse, dareen in ninkan meel fog laga haysto, Guhaad waxaa isu raacay laba ciil oo kala ah, sida uusan u ogayn waxaa uu geystay iyo tuhunka beenta ah ee la geliyey naftiisa, haddana dhibaatada la marsiiyo isagoo isu arkaa nin maamuuskiisa lagu ciyaaray, boholyoowga kalgacal iyo xiise ee hayaana waa mid maankiisa sida hirarka badda isu laba rogaya.

Dirir kama daalin inuu marba dhan kaga yimaad si ay isula jaanqaadaan isuguna maaweeliyaan nolosha adag ee ay ku jiraan is af garadna u dhexmaro, balse, arrinkaasi ma noqon mid suurtagal ah.Guhaad oo aan warkiisu ku socon isna leh wuxuu rabaa inuu kaa hadalsiiyo ayaa  intuu eegmo kulul ku eego markuu wax weydiiyaba ka aamusay. Guhaad waa askari tababar adag soo maray oo qaatay hab kasta iyo hannaan kasta oo looga feejignaado dhagarta iyo shirqoolada dahsoon, inkastoo uu haddaba gacan ku jiro, balse waa meel uusan ka filanayn meesha laga soo galay.

Guhaad iyo Dirir waxay is hor fadhiyaanba, habeenkii dambe ayaa waxaa u yimid taliye Duubane goor ay tahay saq dhexe, waxaana marba lala baxay midkood, waxaa la hormariyey Oday Dirir ayaa lala baxay, kaddibna waxaa laga wareystay inuu wax u sheegay kan  kale iyo in kale Guhaad, iyadoo loo sheegay in uu heli doono maalin walba inuu bannaanka yimaad, dadkiisuna soo booqan doonaan, haddii uu ka kaalmeeyo arrimaha Guhaad.

Dirir wuxuu yidhi: Ma nin idinka mid ah ayaad doonaysaan intaan qol ila gelisaan inaad ka dhigtaan nin ila xidhan oo dhib qaba sidayda oo kale, lamana hadlin lamana hadli doono, teeda kale hadduu dhibane yahay oo ay dhacdoba inuu xogtiisa igu qarsado idiinma sheegeen, waa loo caga jugleeyey tukhaantukhin iyo hadba dhinac u tuur kaddib waxaa lagu soo celiyey qolkii.

Markii dambena waxaa lala booday Guhaad, markii sidii horeba joogtada u ahayd arrimihiisa wax laga weydiiyey, ayaa haddana la weydiiyey Dirir inuu wax u sheegay iyo in kale. Wuxuu yidhi, waxna iima sheegin mana aqaan magaciisa iyo qofka uu yahay, keliya waxaan maqlaa codkiisa markuu tukanayo iyo markuu quraanka aqrisanayo, war iska daaye salaadda ninkaad i weydiinaysaa iskuma darsano.

Mid weliba isagoo la yaaban kan kale waxaa laga rabo ayuu meeshiisi isku nabay, waxna isma aysan weydiin.

Dirir wuxuu haystaa kitaab quraan ah, Dirir iyo Guhaad waxay ka siman yihiin,  ma jirto cid xigaal iyo gacal ah oo soo booqata ama ka war haysa, kaaga darane labadooda midkoodna ma garanayo meesha ay joogaan,  afarta dhinac ee carra edeg.

Sidaasoo kale waxaa werwer iyo walaahoow ku nool oo maalin walba taagan goobihii ay ka hawlgelayeen iyo xarumahi ugu war dambaysay, qoysaskoodi iyo dadkii xigaalkii  ahaa ee u dhawaa labadooda oo aan ogayn nolol iyo geeri meel ay ku sugan yihiin, meel walbana baadigoobkooda ku jira, lana socodsiiyey maqnaanshiyahooda ciidanka nabadgelyada iyo saldhigyada.

Ciidanka nabadgelyadu baafin iyo dabagal ayay sameeyaan, markase ay tagaan xarumahay ka hawlgeli jireen waxaa loo sheegaa inay tahay xog qarsoodi ah.Halkaas hadduu xaalku joogana waa inay gacmaha dib uga laabtaan weliba xitaa lama wadaagi karaan xogta ay heleen dadkii soo weydiiyey, inay been iyo war aan jirin waa lagu maqanyahay iyo waa ku daba jirnaa yidhaahdaan maahine.

Waxaa keliya og meesha ay joogaan iyo halka la geeyey, waxaa og keliya raggii shirqoolay iyo ciidanka nabadsugida mana jiro qof kale oo ka war haya ama heli karaba xogtooda.

Dirir quraanka ayuu ileyska arooryo ku aqristaa, isagoon weyso iyo biyo midna haysana waa tukadaa, arrintaas ayaa aad usoo jiidatay Guhaad, waxa uuna bilaabay inuu isaguna tukado oo eebbe dhankiisa ka baryo.

Guhaad waxaa uu la dhacay dhaqanka wanaagsan iyo eebbe tuuga goor walba uu ku jiro Dirir sida uu u talo saartay weynihii abuurtay iyo inuu yeelay arrinka qabsaday adkaysi iyo dulqaadna ka muuqdo, halka uu isagu isla hadal iyo u qaadan waa ku tahay, hilowna uu hayo qoyskiisii, sida; hooyadii iyo labadii gabdhood ay walaalaha ahaayeen iyo xaaskiisi aroosada ahayd.

Wuxuu aad uga werweraa side noqon doontaa noloshoodu, yaa garab iyo gaahsaan u ah, yaa kaalmeyn doona, maxayse xaalkoodu ku sugan yahay? Guhaad habeen oo dhan wuxuu dhex dabaashaa riyo isaga oo gacalisadiisa ubax la jooga oo ay si habsami leh ugu damaashaadayaan nolol aan dareen dhiilo lahayn iyo degani.

W/Q: Cabdiraxiim Hilowle Galayr

SHARE