WALI WAY SUGAYSAA!!! W/ Q. Mohamed Musa Sh. Noor

Wali waa sugaysaa!!!!
Waxay ku noolayd dhul doog qurxoon, sidoo kale marka ay qorraxdu dhacdo sama ka nadiif ah caad iyo ceeryaamo.

Waa Inan qurxoon oo waqtigeeda la jaan qaadaysa, Qoys qani ahna ka dhalatay.
Wax badan ayey hammin jirtay, waxay u oomanayd oo is waydiin jirtay goorta iyo waqtiga ay nafteeda wax ku dhici doonaan.

Waxa ay ka fakarayso in ay ku dhacaan ayey ahayd goorta ay heli doonto qof dareensiiyo dumarnimadeeda. Waa riyo gabar walba oo da’deeda ah ay leedahay, laakin dumarka qaar riyadaas uma suurowdo oo waxaa qoorta loo galshaa Oday ka wayn ama mid aan u qalmi dareensiin karina qiimaheeda Dumarnimo.

Hadda ka hor ayey sheeko ku maqashay dhulka xudduuda kenya iyo Soomaaliya qisa ka dhacday, taas oo ahayd in gabar yar loo guuriyay Nin oday ah oo aad uga da’waynaa. Odayga wuxaa saamayn ku lahayd oo uu isaga shakisanaa xan sheeko oo hadda ka hor laga sheegi jiray tuulada uu kusoo koray taas oo ahayd in odayaasha marka ay duqoobaan ay aaryo ka baxdo xubintooda taranka oo wax dheecaan ah aysan ka imaan.

Odayga isaga oo shaki badan iska qaba ayuu mar walba wuxuu ku dhihi jiray gabadha yar ee uu qabo marka uu la xaajoodk, “hebla wax ma ku gaareen” oo uu ula jeeday dheecaan ma ku taabtay.

Madaxa ayey ruxi jirtay iyada oo haa tilmaamaysa, markaas ayuu ugu jawaab celin jiray “iska samir Alle ayaa candhuuftaas yar ii barakeen doonee”.

Runtiis ayey ahayd oo candhuuftiisa ayaa Alle u barakeeyay gabadhiina awlaad ayuu Alle ka siiyay, laakin gabadha yar mar walba ciil ayey qabtay oo waxay dareensanayd in sidan aysan nolosha ay rabto ahayn balse, maadaama aysan ahayn qof wax kale horey usoo arkay oo wax macaan iyo wax aan macaanayn kala saari kara sidaas ayey odaygeeda iskaga iimaansatay oo ugu qanacday iyada oo nolosha dhan macnaheeda ka aamintay in ay sidaa tahay.

Alle wuxuu qaddaray in waagi dambe uu odaygii ka geeriyooday kadibna nin asaageeda ah balse sida wax loo majuujiyo aqoon u leh in ay u gacan gasho. Waxaa ugu war dambaysay in ay dhahi jirtay “waan ajarmay, hoogay” ilaa ay nafta ka baxday waagii dambe.

Hadda gabadhan ku nool dhulkaas barwaaqada badan ee habeenkii samada xidagaha iyo dayaxa ifaya usoo daawasha tagta ayaa ka wal walsan in sidaas oo kale ay ku dhacdo, waxay sugaysaa in wax wanaagsan ay nafteeda ku dhacaan.

Way walwalsanayd oo waxaa lagu wargalshay in dhawaan loo aqal geyn doono mid ka mid ah odayaasha xaafadda ugu ladan magac iyo maal iyo mansabna leh.

Waxay lahaayeen guri dariishad gaaban oo dhulka u dhow, qolka ay dagantahay wuxuu kusoo jeeday dhul doog leh, dariishaddeeda gaaban ayey habeenkii ka eegataa Dayaxa iyo Xidahaga quruxda badan. Iyada oo la daalaa dhacaysa fakar iyo murugo ku saabsan aqal galka dhawaan loogu baaqay balse isku maaweelinaysa daawashada dabeecaddda quruxda badan ee Alle kor noogu abuuray, waa samadee ayuu mar qura sankeeda soo qabsaday caraf tin iyo xaadba saamaysay, iyada oo sanka la raacaysa, caraftuna ay dhinaceeda kusoo dhawaanayso ayey markii dambe waxay ka war heshay qof gacanteeda ku dhagan, sidaas marka ay u eegtay balse muuqaalkiiisa aysan soo sooci karin lana yaaban tahay qofka uu yahay buu hadana dhunkasho xaadda la istaagtay si qandacsan ugu dhuftay, hal mar ayuu jirkeeda oo dhan xadrayn wada galay, sidaas ayuu usoo dhuftay isaga oo dariishadda gaaban ee hoygooda ka soo saaraya. Iyada oo yaaban mar walba oo hadal ay is dhahdana afka gacanta ka saaraya oo shib dheh dhahaya ayey la sii socotay.

Dareenkeeda waa dareen cabsi hadana dhanka kale baahi ayey ka sii qaaday intii yarayd oo waxay niyadda iska leedahay mar kale ma kuu celin doonaa!!!

Geed ay maalintii ku harsan jirtay ayuu geeyay markaas ayuu ku yiri “wixii aan jeclaado waan helaa, waddadaydana lama istaago, si kasta oo waddada la iiga xirana si aan ku furto ma waayo.
Waan ku jeclahay muddo ayaana ku sugayay, dhowr habeen ayaan qorshaynayay dariishadda aad habeen walba xidagaha ka daawato sida aan ku iman lahaa, caawa ayaan helay jaaniskeeda, waan is leenahay sida aan kuu dareensanahay haddaad ii dareensantahayna afkaaga eray iska key caabiyo kama soo baxayo”

Iyadu waaba saaqsantahay xaaddeeda oo dhan ayaa isaga u wada xadreynaysa, waxa kaliya ay dhaqaajiso waa madaxa oo ay ugu muujiso sida ay ugu xadreysantahay, bushamaheedana xagiisa ayey usii soofayaan oo maba celin karto sida qof dhaxamaysan oo kale, waa run isaga ayey u dhaxamaysantahay, si tartiib ah oo macaan ayuu uga adeegtay.

Waa waqtigii ay sugaysay, wixii ay sugaysay ayaana ku dhacay, dareenka iyo sida ay noqotay maba cabiri karin, mararka qaar waxay ku shakinaysay in ay riyoonayso iyo in kale, hadan marka ay hoos isku eegto ayey ogaanaysay in ay dhab wax u dhadhamisay.

Xag Alle ayey wax ka salag lahaayeen, arooskii lala maaganaa ayaa dib u dhacay, waaba jaanis kale, habeen walba dariishadda ayey istaagtaa iyada oo rajaynaysaa in ay wax ku dhacaan.

Ciddooda waa u maqbiyo balse hanadkan halyeyga ah ayaa habeen walba si howlaysan uga adeegto, waa tan 3 usbuuc kadib la soo booday wareer iyo matag. Iyadu isma dareensana, taas waxaa uga sii daran in ninkan mucjisada nafteeda ku noqday aysan marnaba waydiin magiciisa sheeka wadaagna aysan la noqon, marka uu u yimaado wuxuu ka xadreysiiyaa xaaddeeda iyo dareenka xubnaheeda, marka uu xadrada ka dijinaya hadal laabta qaboojiya oo jacayl kusii abuura ayuu uga tagaa, maalin iyo habeen isaga ayey sidaas uga fakartaa, waxay u dhaxaysaa dib u daawashada muuqaaladii xalay ka dhex dhacay labadooda iyo hadaladii macaanaa.

Habeen walba iyada oo is leh bal qofka uu yahay iyo halka uu dagan yahay waydii ayuu waqtigu ka dhacaa. Waqtigu waa sii fogaaday islaan habaryateed ah oo maalin xaafadda soo booqtay ayaa dareentay in gabadhu wax si ka yihiin, way iska wareesatay, iyadana qof yar oo waxba aan garanayn ayey ahayd, sida loo hayo oo dhan ayey u sheegtay, ma iyada ayaaba ku fakaraysay Uur ayaad leedahay?

Islaantii waxay wargalisay ciddii, filan waa iyo rumaysasho la’aan ayaa ka dhacday, gabadhu guriga kama baxdo haddii ay ka baxaysana walaalkeeda ayaa raaco, xagee looga yimid waligeed meel kuma soo daahin meelna waqti xun ma aadin? sidee wax u jiraan? is waydiimo la yaab leh ayaa ku dhashay qoyska oo dhan, iyada haddii wax la waydiiyay oo loo sheegay in ay uur leedahayna ma sheegi karto cidda ay u leedahay, maxaysa sheegtaa maba taqaan magaca ninka iskaba daa cidda uu yahay iyo halka uu ka yimid.

Sidaa iyada oo ay xaaladdu tahay ayuu kusii darsaday in uuba ayaan mirqo oo muddo usbuuc ah maqal iyo muuqaalba aan laga helin, yaab badanaa, talow xagee iiga timid mucjisdan? iyada oo oo ku daashay daawashada daaqadda, caraftii uu iska soo hormarin jirayna sanka la raac raacayso mararka qaarna sanka ka buuxinaysa Masaajo iyada oo is leh san xiran ayaa ku haya balse markii dambe quusatay oo hurda kula dhacday sariirteeda ayuu dariishadda kasoo kub siiyay, farxad, mise waa isagii jaanis ay wax ku waydiisaba maba siin sidii ayuu uga xadreesiiyay, markuu howlihiisa dhamaystayna ku yiri “waayadan muuqaal ahaan ilama wacnid maxaa ku helay”?
Alle ayaaba ka keenay afkiisa markaas ayey soo baraarugtay oo ku tiri “afkaaga Alle ayaa ka keenay” kolaas ayey uga warantay xaalkeeda , nasiib darrase ma aysan waydiin magiciisa laakin wax walba waa u sheegtay, isma uusan dhibin nin xuna ma ahayn illin wajigeeda ka qubanaysay intuu ka tiray ayuu labada indhood ka dhunkaday, laabta inta ku qabtayna seexiyay, markii ay seexatayna dariishaddiisa ka dusay.

Subixi ayey soo baraarugtay mise qofna, qofku muxuu ahaa, ma Jinbaa, Alle maxaa igu dhacay, xitaa magiciisa ma waydiin? oohin ayada oo la barooranaysaa saaka ayey warqad barkinteeda ku hoos aragtay, warqadda waxaa ku qoran “galabta marka casirka laga baxo aabahaa u sheeg waan u imaanaynaa, fadlan is diyaariya dheh, waa Hanad xabiibkaaga Dunida”.

Farxad iyo naxdin, way faraxday in ay nin ay jeceshahay marwa u noqon doonto ayey ku faraxsanayd, naxadin hadana maadaama aysan horey u sheegin in uu ilmaha caloosheeda ku jira aaba u yahay sidee hadana aabaheed ugu sheegtaa ninkan imaanaya galabta, iyada oo yaaban oo warqadda sii dhig is dhahaysa ayey warqad kale aragtay waxaa ku qoran “is waydiinta badan fadlan iska dhaaf ha iga murugoon, aniga ayaaa wax walba dhamaynaya ee dheemantaydaay dhaayahaaga dhib ha iga tusin”.

Galabkii markii la gaarayna waa kan isaga oo la laafyoonaya dadkiisa, sheeko iyo is barasho kadib waa la is fahmay, sidaas ayaa meher cusub lagu sameeyay la iskuguna xalaaleeyay labadan mucjiso.
Ilaa 3 caruur ah markii ay u dhashay ayaa mar qura la waayay miriqda Hanad, iyada wali waa sugaysaa

Qore : Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN