Ku saabsan Gabdhaha. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ku saabsan Gabdhaha
Haddii ay si dhab ah kuu jeclaato gabar, way faraxdaa, way kugu faantaa, marka ay kula hadlaysana farxaddeeda ayaa muuqata, waxay jeclaataa inta kula xiriirto oo dhan sida asxaabtaada, qaraabadaada, sidoo kale waxa aad jeceshahayna way jeclaataa, waxayna baddashaa qaabka nolosheeda si ay taada ula jaan qaado.

Xaaladdu sida ay rabto ha u adkaato jaanis uma wayso in ay ku cafiso inta aadan ka raali galin gaf aad ka gashay haddii uu jiro.

Maseerkeeda iyo difaaceeda nafeed waxba ha dhibsan, waayo waxa ay doonayso ayaa ah in ay iyada kaliya ku lahaato taasna kuma qaldana maxaa yeelay waa waxa ay farayaan qalbigeeda iyo xubnaheeda adiga kuu xadreenayo.

Haddii ay nolol kale soo martay adiga ka hor noloshaas waxay ula mid noqonaysaa mid aananba dhicin, inkastoo xaqiiqda nolosha qaar aan la inkiri karin raadad muuqdana ay yeeshaan, hadana waxay muujisaa in mustaqbalkeeda oo dhan uu gacantaada ku jiro.

Waddo uma ogolaato in ay soo marto dhexdiina taas oo aad ku kala fogaan kartaan, wax walba oo arrinaas ku saabsana miinka ayey u cuskataa oo mas’uuliyad ayey muujisaa haddaad ka ag dhowdahay iyo haddii kalaba.

Farriimahaaga dhaqsa ayey uga soo jawaabtaa, sidoo kale wicitaanadaada, heerkaaga dhaqaale ma danayso haddaad wax siiso iyo haddii kale, haddaad dhaqantahay iyo haddaad liidataba. Maxaa yeelay waxa kaliya ee u muuqda ayaa ah mustaqbalka idiin dhaxeeya, waxa aad tahay waxba kama galin.

Waxay ku dadaashaa in ay ku barto qoyskeeda iyo asxaabteeda kalsooni iyo faan ay kugu faanayso dartiis. Gabadhaas bal si fiican u eeg qalbigeeda laga sameeyay Dahabka sidoo kale lagu quruxiyay Jacaylka ay naftaada u qabto, wax aan ka ahayn in aad ula dhaqanto sida Boqoradda oo kale uma qalanto runtii.

Laakin Raga qaar marka ay gabadha nuucaas ah jacayl ku abuuran, qalbigeedana ay sidaa u qaataan, waqtigeedana lumiyaan oo ka xiraan qalbigeeda rag kale oo nafteeda anfici lahaa, dareensii lahaana waxa ay u qalanto ayey ka tagaan oo qalbiga ka dhaawacaan, miyey u qalantaa qofka nafteeda dhan sidaas kuu siisay in sidaas loola dhaqmo?

Ka waran haddiiba uu jiro nin kale ay dartaa uga soo go’day/ qoyskeeda/ asxaabteeda, soo kuma qoslayaan, soo taladoodii ahayd in aadan u qalmin dhaboobi mayso? Aaway ninka aad shalay inoogu faani jirtay ayey waydiinayaan, maxay ku jawaabi doontaa?

Xaaladdeedu markaa waa Murugo, muuqeeda waa in ay meel iska fariisato, jilbaheeda madaxa saarato iyada oo muujinayso dhaawaca xanuunka badan ee qalbiga ka haya iyo raja xumada aad dhaxalsiisay, waxay u oysaa sida in barrito aysan dunida ka jirin maantana ay tahay maalintii ugu dambaysay nolosheeda, waxay oysaa oohin aan dhamaad lahayn, maxaa yeelay, waxay ku jeclaatay jacayl aan dhamaad lahayn.

Ragow gabadhaas oo kale haddii ay noloshiina soo marto ha dareensiin in ay ka shallaayso jacaylka ay ku jeclaatay, in lagu qoslo ama lagu maadaysto jacaylka ay ku jeclaatay dartiis sabab ha u noqon, ballanta aad u qaaday ee qalbigeeda aad ku hanatay u oofi xaaladdu sida ay doonta ha u adkaatee.

Haddii ay kugu gaftay waqti kale u ogolow ay ku saxdo qaladkeeda, waad ogtihiin qof walba in uu u qalmo jaanis labaad.

Maankaaga ku haay in ay Baniaadam gafi kara tahay, mana saxnaan karto waqti walba, sida adiga aad u gaftid uguna baahantahay in laguu fahmo ayey iyana ugu baahantahay taas la soco.

Gabadhaha nuucan oo kale ah taageero dhan walba ayey inooga baahanyihiin, sidoo kale dumarow idinkana intan aan soo sheegay raga leh waxay u qalmaan Jacayl, Naxariis, Kalsooni, Guubaabo iyo garab istaagid.

Qore : Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN