Sheeko gaaban: DOOKHIIBA KA LUMAY W/Q: Cabdisalaam Macallin Xirsi

DOOKHIIBA KA LUMAY.

Waa gabar gashaanti ah oo joogta goortii  ay gabarnimada ka baxi lahayd  gurina yeelan lahayd , ma jirto xayndaab  uga gadaaman ama ka horjoogaba helida lammaane ay wada qaybsadaan nolosha, qoys ladan oo hantilyaal ayay ka soo jeedaa, iyaduna waa dibadjoog   aan nooleyn dhulkeeda hooyo ee u dhalatay, ilbaxnimmo ay  aysan si qota dheer u ogayn ayay dhex dabaalanaysaa,  waa haasaawe badan tahay waxaana halkudheg u ah oo habdhaqan ay ka dhigatay oraahda tiraahda”Gabari kun bay koodisaa kowna waa kala baxdaa”   billic suubanaan iyo soo jiidasho ay u dhalatay  waxaa u raaca gaarinnimo iyo xarrago   gaar ah , taasoo gaarsiisay iney xitaa madow lagu xaman jiray ka iska mayrto  oo hadda waaba gabar cad.

Sidoo kale furfurnaan iyo bulshaawinmmo ay alab iyo habdhqan u lahayd  qaybna eebbe usiiyay, waxa ugu biiray kaftan ay ka baratay bulshada ay  wada xirriiraan, waa sheekaalay  aadan sheekadeeda aadan ka dhergayn oo qosol  badan nin walbana si fudud ku soo jiidan karta.

Gabadhaas waxaa lagu kari waayay guurso, oo guri aasaas, waalidkeed  dhowr mar ayay ka codsadeen una soo bandhigeen in ay nin ku daraan, ama ayaduba nin lasoo heshiiso si loogu guuriyo ayaga oo is leh gabadhiinu yaysan guur seegin, balse ma yeelin oo waa ka dhego adaygtay, ma ahan gabar waxbarasho iyo  howl    kale ku maqan ama ku meelaysanba, waa  howlan tahay labada gelinba,  muuqaalo soo jiidasho leh ayay iska duubtaa sawiro  qurxoon oo ay farsamaysay ayay gashaa ,si ay baraha bulshada u  geliso, loona daawado, ama faallooyin lagu ammaanaayna looga bixiyo, baraha  bulshadu ma ahan meel caadi ah, waa meel faalooyinku bilaash yihiin,  ammaantu lacag ma ahan, raggu waa ku siman yihiin, ninka ugu xishoodka yar baana ugu awood badan, qofkii ammaan rabaa si fudud ayuu ku helaa, ruuxa wax waxtar leh sheega ama qora lama dhegaysto lama akhristo aragtiyadatogan, waa goob xasaradeed buuq iyo balaayo raadis dad ah ayaa u badan,  kaftanku waa ka furan yahay, haddii gabari muuqaal ama sawir soo geliso bog ka mid ah baraha ay adeegsato, ragga ay saaxiibaha kula tahay bartaas ayaa ammaan  afka furta, dumarkuna waa u qoslaan,  gabdhaana intaasbaa aad ugu filnaatay oo deeqday, waana ka  badi wayday haleelna uma hayso howl kale.

Raggaan ay kala wado mid ay  guur ka wada hadlaan kuma jiro idilkood dabo iyo dacalba  dooqeeda ma ahan, casarkii  midbay soo casuuntaa  cishahana mid kaloo cusub,  intaas waxa ay baadi goob ugu jirtaa   wax ay dooq u bixisay, maya nin maskaxda ugu sawiran, cid ay  ka dhaadhcin karto ninka ay rabto waa la waayay, waxa kaliya oo laysla hubban yahay waa in ay nin doontahay balse aysan dawgiisi hayn.

Maalin ayada oo meel iskaga layrsanaynsa ayaa waxaa  soo agfadhiisatay ayeeyadeed, dhan walba ayay ka daymootay fiirisay markaasbay si kaftan ah u tiri:  guumays ayaad tahay, ismana ogid, anigu markaan da’daada ahaa waxaa dhabarka ku watay Aabbahaa gacanta waxaan ku daadihinaayay  labada nin ee Aabbahaa ka wayn.

Gabadhii oo  isku xishootay ayaa tiri: Ayeeyo guumays ma ihi gashaantibaan ahay, ee hay caayin, ma anaa gaaray goortaan guursan lahayba e, halkeed ii dedejinaysaa?

Duqdii oo qoslaysa ayaa hadalka la qabsatay oo tiri: Maanta haddii aadan is qaban waxaa hubaa in aad guur la’aan ku goboobi doonto, ee meesha ka kac fadhi kuuma yaalo e, tan kale aan su’aal ku warsado e maxaad la  guursan la’dahay?

Ayada oo faanaysa tiiq-tiiqsanaysa , islaanta ayeeyo ahna  hadalkeeda la yaaban ayay tiri: Ma og tahay ayeeyo inta nin ee dayax igu baadi goobta ee habeen iyo maalin waddooyinka ii taagan, mise og tahay in aan ahay rag badan riyadooda, balse aan anigu diidanahay ayaga? Haka cabsan hana ka welwelin  inaan guumays noqdo, waa guursanayaa markaan dookhayga nin ah helo?

Islaantii oo gabadha maan-gaabnimadeed la amakaagsan  ayaa tiri: Ma waxaad ku faanaysaa in aad rag badan yeeli wayday adoon weli  guursan, faan kuuma bannaano e,  sida kale  ma og tahay gabar qiimo badan ma raagto  oo inan garaad dhalay baan gelin horaba u soo geed fadhiista , mise la socotaa in aan nin rag ah aan sabab la’aan lagu diidin?

Tan kale milgaha gabar kasta ma la socotaa in uu ku xiran yahay dhowrsanaanteeda ee uusan ku xirnayn inta nin ee soo sheeko ama hasaawe  la wadaagtay, anigu waxaanba  u aqaana gabadha rag babdani soo daba socdaa ama nin weliba hungureeyo inay tahay mid yara liidata o hal jileec iyo carrab laalaadis badan laga helay oo nin weliba  rabo hanjabnaanteed inuu golqaniin ku maalo. Anigu xogtaada waan hayaa ileen gabartaydii baa tahaye ogsoonowna qof walba oo ku danaynaaya xogtaada ayuu hayaa sida soomaaliduba  ku maahmaahdo”Nin ku necebi xantaa og, nin ku jecelina xogtaa og”

Gabdhii kolkay intaa ka maqashay ayeeyadeed ayay tiri: Ayeeyo horta waa runtaa intaad sheegtayba, tan kale anigu iin la igu xanto ama la iiga tago ma lihi,   waxaan la guursan waayana wax kale ma ahane, waxaa iga Lumay dookhii, nin kasta oo aan la haasaawo si fudud ayaan u nacaa, mana garanaayo sababta ee talo  bal I sii!

islaantii inta qosol dhoola-cadaysay  ayay tiri: Ma waxaad raadinaysaa nin dhamaystiran? Ma  jiro nin dhammays  ah astaan kastana leh,  nin rageed ayaad ka dhiggan kartaa mid doqon ah, haddii aad tahay gabar garaad badan oo dhugma leh, talo wayna ku sii maayo e kaliya waxaan ku leeyahay: Inta aadan dookh ku wareerin adigu is haggaaji oo iska dhig gabar nin fiican u qalanta, kolkaa waxaad soo jiidan doontaa nin han leh oo heer sare ku geeyo e, haddiise aad ku daasho in aad raadiso nin dhankasta ka dhammays ah  waxaad joogaysa guriga hooyadaa ilaa aad gabowdo guurna ka quusato, rabi ku kalsoonow alle ammin ma iisho e.

Dhanka kale haddii dookhu kaa lummo hasaawaha ayaa laga nastaa, ee bal jooji haasaawaha in muddo ah, adna is diyaari, ninkaad rabto wuu iman doonaaya, mise waxaad rabtaa in aad adigu socoto noqoto oo aad baadi goobto gayaankaagii, taasi ma qurxoona waana laguu dhaammaa , dumarku wiligoodba sugato ayay ahaayeen, ragguna socoto u halgama siday gabar ku heli lahaayeen.

Gabadhii inta yaabtay ayay hadal af gobaadsi ah islaantii ku dirtay waxayna tiri: Oo hadda ayeeyo ma haasawaha faraha badan ayaad is leedahay waa i dan seejiyay, haa waa runtaa mar hore ayaan guursan lahaa haddii aan halbeeg ka dhigan lahaa guur, kala xulida ragbaan ku dan seegay, waa go’ay oo yoolkaygi ma aannan garan waana garab maray, maanta kaddibse waxaan u qalab qaadan doonaa in aan anigu isku hawlo helida hankayga, higsiga hayaankayga nololeed iyo haabasha hiraalka dambe, isna hagaajiyo waadna mahadsan tahay ayeeyo.

Gabadhii go,aankii weli kama dhabayn kumana dhaqaaqin waa iska jari la’dahay balwadeedii welina ma guursan, waxay baas u noqotay waxay baratay, nin walba sheeko yar oo aan ujeed lahayn ah ayuu u qabtaa, qosolkeedana qalbiga ayuu ku dejistaa, dhanka kale guri ayuu ka dhistaa oo gabar guur diyaar u ah ayuu guursadaa ayaduna dhaxanbay galgalataa “ Dantii mooge maro duug ah horteed ayuu dhammaada.”

W/Q: Cabdisalaam Macallin Xirsi

SHEEKOOYIN