GARBADUUB Q4AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q4AAD

Wuxuu aad uga werweraa side noqon doontaa noloshoodu, yaa garab iyo gaashaan u ah, yaa kaalmeyn doona, maxayse xaalkoodu ku sugan yahay? Guhaad habeen oo dhan wuxuu dhex dabaashaa riyo isaga oo gacalisadiisa ubax la jooga oo ay si habsami leh ugu damaashaadayaan nolol aan dareen dhiilo lahayn iyo degani.

Marka uu soo jeedanaya wuxuu xasuustaa maalmihii wanaagsanaa ee noloshiisa,Guhaad marnaba waxaan maskaxdiisa ka go’in hayaankii dheeraa ee kalgacalka iyo jacaylka ahaa ee ay soo mareen isaga iyo gacalisadiisa Ubax.

Guhaad wuxuu ka dhashay qoys ka kooban 5 qof aabbihii Samatar Digaale iyo Hooyadii Dhudi Sulub, laba gabdhood oo uu u dhaxeeyey, Qadan oo ka weynayd iyo Quman oo ka yarayd, qoyskan ayaa ahaa qoys ku nool badhaadhe iyo nolol barkhadeed, ka hor intii aannu dhiman aabbahood oo ku geeriyooday dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Samatar wuxuu ahaa nin xilkas ah oo dal iyo dad jecel, waana tan keentay inuu naftiisa dalka u huro, ooridii uu jeclaa iyo ubadkiisa ka hormariyo, gobonnimada iyo jiritaanka qarankiisa oo uu ka jiro col iyo shisheeye hungureeya dadkiisana gumeeya.

Waxay ahaayeen Samatar iyo Dhudi aabbe iyo hooyo dhaqanka soomaaliyeed u ah astaan oo lagu soo hirto, tol, gacal iyo xigaalba mahadiyeen, ubadkooduna wuxuu ahaa mid anshaxa iyo habdhaqanka wanaagsan lagu barbaariyey oo dal iyo dad jacayl laabtooda buuxiyey. Qoys soomaaliyeed oo ka maamuus iyo milge wanaagsani ma jirin, inkastoo aysan hayntoodu badnayd, waxay deganaayeen guri jiingad ah ama sandaqad oo saddex qol ah iyo dhul ay leeyihiin oo uu Aabbe Samatar ka iibiyey geelii uu aabbihiis Digaale dhaxalka uga helay.

Guhaad wuxuu ku barbaaray dad is jecel oo deriska iyo xigaalku yahay ul iyo diir, kii buka la booqdo, kii baahana la garab qabto, kii goblana loo gargaaro, kii dhib qabana loo dhimriyo.Aabbihii Samatar wuxuu ku beeray dal jacayl iyo dad jacayl isagoo shanta soomaaliyeed u sheegay inay yihiin dad ab iyo fir qudha ah oo aan kala mudnayn kalana maamuus sarreyn.

Isaga oo dhigta  dugsiga dhexe ayuu aabbihiis geeriyooday, balse, waxaa markay agoomoobeen gacan qabtay dadkii xigaalka ahaa iyo deriskooda oo hooyo Dhudi ka ilaaliyey inay dareento agoonimo iyo kaalintii odayga reerku ka baxay.

Waxa sidoo kale in badan ka war hayey ciidamadii uu ka tirsanaa Oday Samatar oo xitaa gunnadooda iyo gasiinkooda la qaybsanayey,  raggaas waxaa ka mid ahaa, Caddaawe, Guuleed dheere, Calas gaab iyo rag kale.Inkastoo aysan wax badan ku biirin dowladda iyo waaxda ku hawsha leh agoonta ciidamada, haddana raggaas iyo kuwa kale ayaa u gurmaday waxaana ka soo geli jirey saddex biloodba wax aan badnayn balse kaalmo ugu filan.

Hooyo Dhudi waxay isu taagtay siday ubadkeeda baahi uga dhawri lahayd, nolol wanaagsan oo rayn rayn iyo riyaaq lehna ay ugu noolaan lahaayeen.

Waxa ay deris wadaag ahaayeen oo in badan wada deganaayeen reer Caraale  Suudi oo ahaa nin ganacsade ah, inkastoo uusan lahayn ganacsi buuran haddana waxay ahaayeen qoys nolosha meel dhexe ka jooga oo gaadiid gobollada u kala goosha iyo dhawr  meelood oo ganacsi suuqa ku leh.

Labada qoys ayaan la kala aqoon ubadkooda oo isku badhxanaa, waxayna ahaayeen dhib iyo dheef wadaag noloshu mataanaysay oo cid walba isaga dhaw.

Qoyskani waa qoyska ay ka dhalatay Ubax Caraale, inkastoo uu ka weynaa ilaa laba gu’ iyo dheeraad  Guhaad gabadhooda ugu weyn ee Ubax, haddana isku ayni uun bay ahaayeen oo waxba isma dhaamin,  Oday Caraale ayaa ka codsaday Guhaad inuu ka caawiyo casharada dugsiga maxaa yeelay isaga ayaa laba ayni ka sarreeyey.

Ubax iyo Guhaad, waxay ahaayeen far iyo fargashi oo dugsigana waa wada aadaan, waana ka wada yimaadaan, haddii meel loo dirana waa is raacaan, waxayna ahaayeen mataano dhan walba isku dareen ka noqday, midna ma jeclayn midka kale inuu ka maqnaado, waa is tebi jireen waana isu hiloobi jireen haddii mid midka kale ka dheeraado ama ammin uusan arag.

Waxay sidaa iyagoo sidaa isku ah isla dhiganayeen dugsigii sare, balse, weligood ma dhicin inay sheeko wadaag noqdaan oo si gaar ah iyo arrimo aayatiin ka wada hadlaan, sidoo kalena ma dhicin in midkoodna yeesho lammaane gacal iyo qof ay haasaawe wadaagaan.

Haatan waa la weynaaday oo labadooduba waa gaadheen  heerkii  dareenka ragganimo iyo dumarnimo bilaabmayey,mid waxaa u dhammeystirmay awoodi labnimada iyo dhedignimada,inkastoo labaca iyo quruxda Ubax aad moodaysaba inay tahay mid da’deeda ka weyn.

Ubax waxay la soo kacday qurux iyo filsamaan ay asaageed baro dheerayd, gabadh heego ah oo dherer, hubqaad, heense iyo heemaalba eebbe u dhammeystiray ayay noqotey, dhammaan  barbaarta iyo dhallinta deegaankuna isha ku wada hayaan oo nin weliba maagan yahay inuu maalin la joogsado lana jaanqaado, sheeko iyo shukaansina la wadaago.

Balse waxaa looga wada waabtaa waa Guhaad oo aysan kala qoob qaadin, tuhun iyo guux badani waa jiraa oo dadka kale ah, balse iyaga iyo labadooda qoys midkoodna dareenkaasi kuma jiro, haddii ay la yimaadaan, waalidkoodu waa mid u diyaar ah inay agaasimaan oo ay isku daraan.

Habeen habeennada ka mid ah, ayaa wiil dhallinyaro ahaa oo dugsiga sare la dhigan jirey magaciisa la yidhaahdo Gallad wuxuu ugu yimid xaafadda, kaddibna wuxuu weydiiyey inuu ku kaalmeeyo sidii uu ula kulmi lahaa Ubax,  arrintani waa ku adkaatay Guhaad,  waayo ma jirto qaab uu uga diido oo isaga iyo Ubax waxba kama dhaxeeyaan, mana jirto qaab  ku oggolaado maxaa yeelay  haddana dareenkiisu kuma sama inuu nin kale ku ag arko.

Iyadoo xaalku sidaa yahay wiilkiina uu ka xishooday, oo si uu ugu dayriyo aanu garanayn, ayuu ku yidhi sug, foolxumo ayay la noqotey inuu tago gabadha gurigooda oo weliba yidhaahdo nin  ayaa ku rabo! Haddaba isagoo wiilkana inuu xumeeyo aanan rabin, isaguna uu dhulka isku jiido, ayuu farsamo kale  adeegsaday, waxa uuna u yeedhay wiil yar oo kurey ah oo deriska uun ka mid ahaa xaafadda wax ka deganaa  kuna  yidhi, waxaad tagtaa guriga reer Caraale, dadka waaweyne iska eeg, kaddib gabadha joogta ee Ubax iyadoon cid kale ku maqlin u sheeg in bannaanka loo joogo. Wiilkii yaraa ee kureyga ahaa wuxuu ahaa nin fiice wuxuu sameeyey sidii uu faray waxa uuna u tegay Ubax farriintiina gaadhsiiyey.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN