Home Curis GARBADUUB Q5AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q5AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

1
SHARE

GARBADUUB Q5AAD 

Iyadoo xaalku sidaa yahay wiilkiina uu ka xishooday, oo si uu ugu dayriyo aanu garanayn, ayuu ku yidhi sug, foolxumo ayay la noqotey inuu tago gabadha gurigooda oo weliba yidhaahdo nin  ayaa ku rabo! Haddaba isagoo wiilkana inuu xumeeyo aanan rabin, isaguna uu dhulka isku jiido, ayuu farsamo kale  adeegsaday, waxa uuna u yeedhay wiil yar oo kurey ah oo deriska uun ka mid ahaa xaafadda wax ka deganaa  kuna  yidhi, waxaad tagtaa guriga reer Caraale, dadka waaweyne iska eeg, kaddib gabadha joogta ee Ubax iyadoon cid kale ku maqlin u sheeg in bannaanka loo joogo. Wiilkii yaraa ee kureyga ahaa wuxuu ahaa nin fiice wuxuu sameeyey sidii uu faray waxa uuna u tegay Ubax farriintiina gaadhsiiyey.

Ammin yar oo kooban dabadeed waxaa u timid Ubax markay dhankoodii soo aaday ayay aragtay Guhaad iyo  wiil kale ayaa la jooga, way na bariidisay, iyadoo dareen ku jiro  lana yaabay arrinka caawa Galladd xaafaddooda keenay.

Waa ma jirin xidhiidh gaar ah oo kala dhaxeeyey Guhaad iyadana daaba warkeed, waxay ahaayeen dad dugsiga keliya ku arka,  dushaasna iska yaqaaneen, Ubax ayaa ileyn waa dumare oo xeeshooda lama yaraystee waxay bilowday hadal ilaaq ah iyadoo wax gooli baadhaysa ayay tidhi:  Waryaa Guhaad ma haddaad keentay inaad qolqolka iyo duda  intaad isa soo taagto wiil yar iisoo dirto, sawdigii weligaaba guriga iigu iman jiray?

Gallad oo dhegihiisa wax ku maqlaya ayaa yaabay marna Guhaad eegay marna Ubax, Guhaad baa arkay ismaandhaafka meesha ka dhashay kaddibna si degan baan ugu halcelshay : Is deji  aniga maaha qofka ku sugayey ee waa wiilkan oo dusgsiga inala dhigta aniguna waxaan keliya ku kaalmeeyey qaabkaad isu arki lahaydeen, ee ma gef baan falay mise xil i saarnaa baan gurey?

Intaanu Gallad hadlin ayay tidhi: Haa ma sidaasa! Aniguna   waxaan is idhi isagaa ku yeedhaya ee tolow maxaa cusub?  haddana intey dhinaca Gallad usoo jeesatay ayay tidhi   soo dhawoow walaal”

Intaa markay tidhi ayuu Guhaad ka hinqaday una holaday inaan dhaqaaqo si uu gayaankan is doonaya u siiyo kansho ay ku wada hadlaan.

Balse Ubax ayaa si kalsooni ah intay gacanta u qabtay tidhi : Joog xagaad u ordaysaa ma dad aan is aqoon intaad isu keentaad isaga dhex baxaysaa waa ku side wiiloow?

Gallad oo arrinta meesha ka dhacaysa  yara dhibsaday arkayna in arrintu calowsan tahay, waxbana ka soo naasa caddeyn, haddii halkaas loo sii dhaafona buyuur iyo looma fadhiyin ku dhici doonto, horena lagu yidhi gabadhaasi waa alkumantahay oo nin baa caleema saartaye haysku daalin , ayaa inta uu  ka sare joogsaday  kaabad yaroo ay fadhiyeen markii horr joogsaday oo  garabka ka qabtay Guhaad , wuxu si degan ugu yidhi: “ War Guhaadoow waxaan dhexda ka galay hawl iga horreysay, adna waxba iima aadan sheegine, raali iga noqda, adigana maaha qofka baxaya ee aniga ayaa sii soconaya ee nabadeey”

Ubax oo dhoola caddeynaysa ayaa  hadal aysan dhegtiisu jeclaysan ka daba tuurtay oo tidhi “ Waxgarad baad tahay walaal”

Gallad oo isna dareemay sida xaalku yahay ayaa hadalkii Ubax ugu warceliyey isagoon wax xumaan ahi ka muuqan “Kor waayeel waa wada indhee, raali ha layga noqdo haddaan lammaane is jecel kala dhex galay”

Gallad wuxuu hadalkii Ubax kala dhex baxay inaan haasaawe wadaag yihiin Guhaad iyo Ubax hore tuhunku waa ugu jiray, markanse si dhab u rumaystay,ayaa hore uga yara dhaqaaqay, kaddibna waxaa ka daba tegay Guhaad si uu wax uga dhaadhiciyo, balse Gallad isma dhibine wuxuu ku yidhi: Gob ayaad tahay intaan kaa mudnaana waad ii fashay dhibna ma jiree gabadha haka tegin, waxaad tahay nin cawo iyo ayaan badane.

Guhaad wuu ogyahay in aan isaga iyo Ubax wax dhaafsiisan walaalnimo iyo widaaynimo ka dhaxaynin, yaase u sheegaya Gallad!

Guhaad dareen in laysku ajarmay, Gallad isla markiiba isaga oo aan weedh kale sugin ayuu baxay, Guhaad isaga oo la yaaban is maandhaafka meesha ka dhacay ayuu tooyday: Ubaxeey maxaad wiilka sidaa ugu gashay oo aadan ammin yarna u siin una weydiin wuxuu u yimid?

Ubaxna inta dhoolacadeyn iyo qosol suura leh dhag ka siiyey ayay tidhi: “ Alla yaan gujiyaa oo gacal iigu dhaw! War heedha ama sida wiilkaas ayaa dantaada  u dhaqaaq ama meelaha dhukus waa fulay iyo alabkiise!

Waana ka dhaqaaqday iyadoo weliba suuroonaysa, hadalka dambe ee Ubax ku sii tuurtey ayaa ku noqday fallaadh Guhaad gilgishay, mana uusan helin ammin aan kaga warceliyo.

Habeenkaas oo dhan waxaa kashiisa dhex miranayey dhacdadii isaga iyo Ubax dhexmartay iyo falcelinadii ka dhashay, wuxuu is weydiinayey, ma kaftanbaa oo adigey ku yool baadhaysaa in rabitaan kugu jiro, mise waa ka dhab oo waxay ula jeeda soo badheedh oo dantaada ka hadal?

Habeenkaas oo dhan tallan iyo baxaadeg ayuu ku jiray isaga oo aan go’aan  helina waa iska gataati dhacay. Waagii markuu baryey ee uu rabay inuu  aado dugsigii ayuu soo maray sidii joogtada ahayd Ubax gurigooda, balse waxa iyaguna soo  ka soo hormaray, Habboon iyo Hoodoo oo mataano ahaa, Ubaxna ahaa labadeeda garab ee aysan kala hadhin.

Guhaad waxaa uu nabdiga iska lahaa, bal kaftankii xalay  afkeeda ka hubso waxay uga dan lahayd, iskana sii weydii si dul xaadis ah, ileyn reer magaalku kaftan bay arrinkooda ku dhammeystaane, haatanse suuragal maahoo, waa lala socdaa, isaga inuu gabdhaha  agtooda ku hadla iska daaye, in meel qof ku nuuxsanayo arrimo qaabkaas ah uu ku sheego waa ku  geeri oo kale.

Maanta Guhaad maaha ninkii kaftanka iyo sheekada badnaa, weydiinta iyo warcelinta badnaa dhinaca dugsiga, dhabbanahays iyo waxaa u billwday baadigoobka qaabkuu uga war keeni lahaa dhacdadii xalay.

 Guhaad wuu is ogyahay  in uusan oggoleyn Ubax wiil kale ku arko iyadoo la haasaaweysa, haddana ma oga waxa keenay inuu arrintaas dhibsado oo ay xanuun ku noqoto, dareen uusan ogeyn ayaa laabtiisa dhex mirayana, Eebboow nimaan wax ogeyn ha shideyn!

Markii laga soo baxay dugsiga ayay isa soo raacay markan waa labadooda  oo keliya, hadba wuxuu meel isku qaado oo casharadii iyo arrimihii barayaasha ka sheekeeyo, hadba wuxuu qof kale iyo hawlihiisa isku taaro, markii dambe ayuu intuu is galaalay yidhi: Horta waxaan ku weydiiyey xalay wiilka haddaad ballamisay, maxaad sidaa ugu gashay ileyn qof weyn ma tihid, miyaa ragga lagu ciyaara?

Ubax oo og halka uu u socdo iyo ujeedkiisa ayaa tidhi: Weger iyo ka waaweyn, oo sideed ku oggaatay in aan balamiyey oo aannu wax isla meel dhignay ma isagaa kuugu sheekeeyey sidaa?

Guhaad lama dhicin weydiintan dambe waxaana ku baahay arrin uusan filayn isaga oo wiilkiina badbaadinaya, isaguna is muujinaya ayuu yidhi: Sidee baan qof aanan la ballamin waxna naga dhaxeyn, intaan xaafaddooda aado aan u odhanayaa halaygu waco?

Ubax oo afka maroojinaysa isna moogeysiinaysaa tidhi: Ragga uun baa sidaase ka suuroowdaa ee maaha dad oodhan, haddaan la ballamona waa soo dhaweyn lahaa, waana la hadli lahaa ee waxa aan uga gaabsaday ayaa ahayd inaan aqoon iyo arrin midna naga dhaxayn.

Guhaad oo halkaas wax uga biniixeen ayaa intuu is jooxaariyey yidhi: Wax badan ayaan maqlay oo aqriyey, inay dumarku waxay falaan is diidsiiyaan, waxay doonayaana qariyaan, maantana waa adiga kan ila hortaagan, maxaase kuu diidaya inaad sidii laba qof oo widaay ah wixii jira ii sheegto, ileyn kaagama xumiye.

Ubax oo aan la dhicin hadalkan ayaa tidhi: Haddaan is diidsiinayo, haddaba ciddi igama hortaagne, walaalow caga dhigo.

Guhaad ma hakane wuxuu yidhi: Xalay waxaad i tidhi sida wiilkaas ayaa badheedhahaaga la caddeystaa, meelaha lama dhukuso lamina dhuumaaleystee! Waxaan ku weydiiyey xaggee baad fulaynimadayda iyo inaan gabdhaha ka cabsado ku aragtay mase xogtayda ayaad ogtahay oo cid aan ka baqday ayaa jirta.

Iyadoo weli arrinkoodu dhana u dhicin, ayaa guryihii la soo gaadhay, Ubax oo markii horeba marmarsiinyo raadis ahayd, weydiinta dambena aan hayn meel ay afka u saarto, ayaa  la soo booday “ War hay noojine wiilyahaw iga hor leexo, haddaad libaax tahay waa lagu arki lahaa, haddiise aad kaftankii xalay weli daba socoto, wax badan ayaa kuu dhiman.

La soco qaybaha kale

 W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE

1 COMMENT

Comments are closed.