Home Qoraallo Ubaxii jannada W/Q: Guryasame Cabdi Maxamed

Ubaxii jannada W/Q: Guryasame Cabdi Maxamed

0
SHARE

Ubaxii jannada W/Q: Guryasame Cabdi Maxamed

Waa casarliiq libdhadu godka u sii iilanayso. Goobta shaqada ayaan ka soo rawaxay. Sawaxankii shaqada iyo amarradii tira badnaa ee mudanahayga ayey maskaxdu la ciirciiraysaa. Hirar dad ah oo sidayda oo kale daallan-baan cabbaar soo dhex jibaaxay, ka dibna, laamiga ayaan soo istaagay, durbadiibana Bas ayaan halkii ka laacay.

Kursiga dhexe ayaan fadhiistay. Dhowr qof oo i hareera fadhiyay awgeed cariiri badan baan dareemayay, haba ugu darnaado nin xooggan oo garabka bidix iga soo garbinaya, dan se kama gelin oo feker dheer ayaan iska dabaashay. Baskii markuu dhaqaaqay darawalka oo ahaa qof gob ah ayaa hees aad u macaan noogu laabqaboojiyay. Ilaahay miisaanka xasanaadka ha u saaro daalkii iyo qorraxdii maanta ayaaba iga degay.

Aadbuu u marqaansanaa, wejigiisa uma jeedi karin, balse, taqsiinta daankiisa ka kuusan ayaan si fiican u arki karay. Heesta daaran ayaan u dheg raariciyay. Kaban baa si fiican looga hadalsiinayaa durbaan baa ku lammaanan cod bay gelbinayaan aan aad u jeclahay hees bay hordhac u yihiin aanan waayahan ba maqal:

Aan damaq jaceyl
– Dad is raba warkood
– Kaa daadajee
– Waxay ugu darneed.

Axmed Mooge baan uurka uga duceeyay ruuxda Axmadi waa ahlu janno, dadku sow maaha marqaatiyaashii Ilaahay ee dhulka? Haah!. Markaan in cabbaar ah soconnay ayaa ninkii xoogga weynaa ee i garab fadhiyay qaylo dawarawalkii dhegaha u saaray. War munkarka naga jooji balaaya kugu dhacday foolxuma badane, ducaan hoos ka boobay Ilaahow uusan naga demin. Darawalkii ninkii uma jawaabin jiritaankiisa ayuuba inkiray rag dheh. Meel dhexe ayuu ninkii nooga haray isagoo ganuunacaya! har dheh!, nafisaan ba helay kursigiina hadda waa kaas iska ballaaran oo aan kolba dhinac uga santeecsanayo.

Mar aan meel dhexe sii soconno ayey gaariga soo gashay ayadu. Ayada dee waa inanta aan sadarradaan u qorayo si aan idinkaga warramo. Aadbey u qurux badneyd, hannaan iyo horjoog bay la tiicaysay, soo jiidasho sida magnadka ii dhufsatay ayey lahayd. Dadkii baska saarnaa badi halmar bey wada eegeen. Nasiib badnaayaa kursigii ayey ila soo fadhiisatay.

Waa kursigii ninkii xanaaqsanaa kakacay niyaddaan uga duceeyay. Waan ismoodsiiyay cabbaar iyaduna moobilbey isku mashquulinaysay. Seddex ka laba jeer baan ku sigtay inaan la hadlo. Hadana waa ku dhici waayay fulay dheh! Oo hadda malaa’igtan yari ma sidaan ayey kugu dhaafi rabtaa? Alla doqonsanidaa Axmadoow! Nagadaa waa intaasoo ay kuu ba jawaabi waydaaye. Billeed jeclaatay Jaceyl? Maya! Maya! suurtagal maahan! Waaayahee maxaad sidaan ugu neeftuuree. Mooji?. Inyar ka dibba ishaan ku xadaa oo haddana fadhiga qaabaystaa waa intaasoo ay is dhahdaa wuu degi rabaa e bal la hadal ilama se hadlin. Heestii ayaa wili baxaysa:-

– Marna waxaanan dayneyn
– Dumar iyo dhibkood
– Oo ila durgee..

Mar dambe oo dadkii baska saarnaa kala yaraaday xaafaddaydiina loo dhowaaday ayuu afku hadalkii iga xaday eraygii u horreeyay ma xasuusto mana hubo inay maqashay, balse, kii xigay wuxuu ahaa:-

-Galab wanaagsan!

Iima jawaabin inyar kadib anoo is leh kuma maqline ugu celi ayey cod deggani leh igu tiri:-

– Galab lamid ah.
– Magacaa walaal?
– Adigu maxaad iigu yeeri lahayd?
– Ma aniga?
– Haah!
– Beerlula dee.
– Mmmmm ma xuma!

Aamusnaan baa xigtay. Mar aan quustay oo aan is iri: dib dambe kuula hadli mayso ayey inta neefsatay dibnihii quruxda badnaa kala qaaday, iyada oo leh mar kale:-

– Beerlula ma ihi sow maaha?
– Aniguba Hadraawi ma ihi dee.
– -Hagaag!
– kollee qofkii ugu horreeyay ma ihi oo kuu…
– Oo kuu?
– Oo kuu sheega inaad aad qurux badantahay!

Inta yara hoos eegtay bay cod xishood leh ku tiri:-

– Woow! mahadsanid.
-Ma adigaan kuu mahadnaqaa mise amminkii ila kaa kulmiyay?
-Midkood.

Anoo ka cabsanaya in hadalku iga xirmo ayaan iri:-

-Maxaa ka qurux badan kediska ayuu yiri: Maxamad Darwiish, maxaa yeelay waxay ka maran tahay sugitaan.

-Alla maxaad aftahan tahay.
-Ma qof aad ku eegtay indhahaagan ayaa faylasuuf ama aftahan noqon baa jira?

Way isoo jaleecday kadibna qososhay ilaa ay ii muuqdeen ilkaheedii dabarka yari ku xardhanaa. Kadibna way aamustay.
Darawalkii oo aad mooddid inuu sheekada la socday ayaa heestii kor u dallacay oo dhextaalna nooga dhigay:-

  • Aan iri ma daysaa
    Mise waa dugsiisaa
    Dibnaha maysi saartaan
    Yaa dooqu heli jirayeey?

Inyar baan haddana kala aamusneyn. Aamuusnaantu waa laxanka ugu macaan ee sheekada:

– Adigu miyaadan magac lahayn? Ayey i wayddiisay, iyada oo dhoolacaddeynsa.
– Waxyar ka hor mid baan lahaa baan ku iri: aniga oo is dhiirrinaya.
– Isheeg.
– Axmed.
– Barasho wanaagsan Axmed.
– Barasho wanaagsan Beerlula.

Anigana, waa Warda magacaygu ayey tiri; ayadoo baabuurka ka sii deganaysa. Heestii baa wili darawalka u daaran:

– Waa mid muuuqa dahabloo
– Haddaan anigu dayn laa’
– Waxbaa igu dirqinayee

Kursigii ayaan kaligey ku soo haray, anigoo rogrogaya tiishyar oo ay iigu qortay lambarkeeda. Waan sii jeedaaliyay ilaa ay muujado dad ah iiga dhex qarsoontay. Barfuun aan ilaa iyo hadda maskaxdayda ka go’in oo aan qiyaasayo in laga sameeyay ubaxa Yaasmiinka ayaa ka soo udgayay inantaa, wuxuuna astaan u noqday jacayl ay wadnahayga ku waraabisay.

W/Q:- Guryasame Cabdi Maxamed

SHARE