XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 88aad

 

1-Dhabta Aadanaha

Dhabta Aadanaha waa waxa uu kuu samaynayo ee ma ahan waxa uu kugu dhahayo, sidaa darteed, ha eegin waxa uu qofku kugu dhahayo ee eeg waxa uu dartaa u samaynayo.
Mmusa

2-Waan fahmi lahayn

haddii aan dhimashada natiijada ka dambaysa si fiican u fahmi lahayn, waxaan u fahmi lahayn nolosha si ka duwan sida aan hadda u fahamsanahay.
Waan hilmaami lahayn xaasidnimada, waan iska nici lahayn iska aargudashada iyo in aan uurka iskugu hayno xumaan iyo wixii kale oo shar noo ah.
Mmusa

3-Asbaabaha farxadda

Haddii aad rabtid farxad ku noolaasho waa in aad yeelataa indho arko quruxda iyo wanaaga, Qalbi cafiya xumeeyaha, Caqli si wanaagsan u fakara oo xumaha aan ku fakarin, iyo ruux ay buuxisay rajo wanaagsan.
Mmusa

4-Ku niyad samow

Ku niyad samow in sharta kuu muuqato uu khayr ku jiri karo.
Ku niyad samow dhibka kuu muuqda in uu xalku ku jiro.
Ku niyad samow in guuladarrada kuu muuqato ay guusha ka dhalan karto.
Ku niyad samow dhabta muujinayso xaaladaha aan la jeclaysan in ay abuuri karto rajo lagu doogsado.
Mmusa

                                                     5-Sugashada fog

Sugashada aad sugato wax muddo fog qiima ku lahaa dulqaadka aad u yeelato aad ayuu u adagyahay runtii, waxaa sa ka sii xun oo ay adagtahay in la aqbalo in waxaas aad muddada fog sugaysay ay noqdaan wax aan kuu qalmin, aqbaliddooda in ay qasaara yihiina waa mid kusii adkaata laabtaada.
Mmusa

6-Alle usoo laabo.

Ka waran haddii marka aad dambi samayso towbaddaada ay noqon lahayd in aad naftaada ciqaabto si kalana aan lagaaga towbad aqbalayn ilaa aad is disho, xubnahaaga qaybta aad dambiga ku samaysayna aad iska jarto?
Nimcada Alle ayey ka mid tahay in aan sidaa lagugu xukumin oo ceebta dambigaada inta la asturay lagu yiri adiga oo cidna ku ogaan usoo laabo Allahaaga kana towbad keen dambiga aad gashay inta uu rabo hala ekaadee.
Mmusa

7-Sabarka iyo Salaadda

Sabarka iyo Salaadda kaasho oo ha kuu noqdaan labada aad ku tiirsantahay, hubaal haddii sabarkaaga iyo salaaddaada ay badato ay nimcadaada iyo mustaqbalkaaga aakhiraba wanaagsanaanayaan, si la mid ah noloshaada adduunyada, aadna yeelanayso Sifada dadka Alle ka baqa ee loo yaqaano Khaashiciinta, daliilkeedana waa Aayaddan (وَاسْتَعِينُوا بِالصَّبْرِ وَالصَّلَاةِ ۚ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلَّا عَلَى الْخَاشِعِينَ)
[Surat Al-Baqarah 45]

8-Naftaada wanaaji

Aniga oo Safar qaatay usbuuc ku jooga mid ka mid ah Waddamada Carabta ayaa waxaa ka mid ahaa waxyaabaha iigula yaabka badnaa
in Shirkad aan markaas booqanayay ninka madaxda ah uu shqaalihiisa si fiican ula dhaqmo, wanaaga faro, xumaantana ka reebo, goobta shaqada Masjid yar ay ku tukadaan uga sameeyey, cuntada ay cunayaan ama waxa ay cabayaana ay tahay Tayo heerkeeda sarrayso, hadana uu madaxaas isagu xumaanta iska reebayn.
Xumaanta iska reebayn ma ahan in aan arkay isaga oo dhaqamo iyo ficilo xun sameynaya ee waa in uusan Salaadda tukanayn.
Is waydiinti waxay tahay qofka wanaag kaste uu samaynayo waxaa assal u ah Addecidda uu Alle ku addeeco waxa uu faray in uu fartoomo waxa laga reebayna uu ka reebtoomo, taas haddii uusan qofku samaynayna uu yahay qof ku kufriyay Nimcada iyo Xaqa alle ku leeyahay.
Booska shirkaddaas ma ahayn mid Salaadda tukanaya, balse wanaag kaste wuu iiga muuqday.
Wax walba saldhig ayey leeyihiin haddii saldhigooda la waayana wax taagnaanaya ma jiraan.
Waxaa igu soo dhacday markaas Aayaddan ((أَتَأْمُرُونَ النَّاسَ بِالْبِرِّ وَتَنْسَوْنَ أَنْفُسَكُمْ وَأَنْتُمْ تَتْلُونَ الْكِتَابَ ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ)
[Surat Al-Baqarah 44]
Ma waxaad faraysaan Dadka Samafalka idinkina naftiina ayaad hilmaamaysaan idinka oo aqrinaya yaqaana kitaabka Alle, miyaadan wax garanayn ama fakarayn?!!!!
Gunaanadka Qofka waa in uu isagu is gartaa marka hore, wanaaga uu dadka farayana ay naftiisa ugu baahi badantahay, inta uu dadka farina ay wanaagsantahay in uu naftiisa ka baahi tiro wanaaga ay u baaahantahay xumaantana ka reebo, kadibna uu dadka faro.
Macanaha Nin baahan Badar ma siiyo mid kale oo baahan isaga oo aan ka dhargin baahida uu u qabo badarka uu bixinayo, wuxuu wax baxshaa qofka marka uu isagu baahnayn, sidaa darteed, wanaaga naftaada ayaa u baahan ee marka hore iyada wanaaji, kadibna u gudbi dadka.
Mmusa

9-Xaq iyo xumaan

Xaqa ha ku daboolin Xumaan, xumaantana hasoo bandhigin adiga oo xaqa qarinayo waliba ogaalkeeda leh.
Mmusa

                                                          10-Dib u xusuuso
Dib u xusuuso Galladda Eebe kugu mannaystay iyo ballanta aad Alle ka qaadday oo ahayd in aad isaga addeecayso kuna addeecayso waxa uu ku faray in aad raacdo waxa uu kaa reebayna aad ka harto, waxaa kaloo xasuusataa in wax walba meesha ay ka yimaadeen ay ku laabanayaan, adigana aad Alle xagiisa ka timid isagana aad u laabanayso.
Mmusa

 11-Ikhtiyaarka waa xageena
Dunida imaatinkeeda wuxuu noo ahaa Halaag runtii, maxaa yeelay, waxaanu joognay Alle agtiisa inta nafteena aanan dulmin ka hor, kadib ayaa dhulka naloo soo diray, hadana naxariista iyo hanuunka Eebe ayaa nala socday, waxaana nala tusay Fursad aan ku garan karno naxariista Eebe waxa ay tahay iyo ikhtiyaar aan ku doorano Hanuunka Eebe.
doorashada waa xageena, Qaddarku se waa Alle xagiiis

 

                                                       12-Dabeecadda Aadanaha

Dabecadda Aadanaha ayaa ah in uu ku kirbro wax u sheegistaada iyo naxariistaada oo badata, waxa laga celsho ama looga digo in ay naftiisa wax yeelaynayaana uu jecel yahay in uu ka wardoono, kadibna uu shallaayto kala yimaado marka uu xunuunkooda dareemo.
Mmusa

la soco Axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN