XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 91aad

 1-Erayada afkaaga…..

Erayada afkaaga kasoo baxaya ha noqdaan kuwa xikmadaysan oo dhawaqooda meel sare gaaro, qasab maahan in codkaaga uu sarreeyo.
Mmusa

2-HADALKA.

Hadalka qofka waa nuuc
Xaqiiqdiisana waa nuuc kale.
Mmusa

                                                     3-Dunidaada baddal

Xariifnimada waa midda ku tusisa in aad Dunida dhan baddali karto, halka uu caqligaaga caafimaadka qabo ku tuso in is baddalka uu naftaada ka bilowdo.
Si walba oo naftaada aad u baddasho una maarayso ayey dunidaada noqonaysaa.
Dunida uu qof walba ku dhex noolyahay ayaa ah dunida la rabo in uu is baddal ku sameeyo, markaas ayuu qofku usii gudbi karaa adduunyada uu isagu ku noolayn, micnaha saamayn ku yeelashada dadka kale.
Mmusa

4-Aamusnaanta
Aamusnaanta waa luuqadda Alle, waa astaanta wanaaga, waa hubka ugu wanaagsan ee lagu dagaal galo, waa midda muujisa awoodahaaga, waa dahabka aan la heli karin, waa midda naftaada u ekeysiisa mid ka qiima badan sida ay u muuqato.
Ku dadaal aamusnaanta waad guulaysanaysaa, waana nabad galaysaa.
Mmusa

                                                 5-Iska illow

Iska indha tir kuwa ku cabsi galsha kuna murugeeya mar walba, maxaa yeelay ma jiraan goob fiican oo ay ku leeyihiin noloshaada.
Nolosha waxaa u wanaagsan qofka wax ugu deeqa, wax wanaagsana dareensiiya, macna inooma lahan kuwa ina xumeeya, dareen xuna na dareensiiya.
Mmusa

6-Waxaa tahay waxaad qarsato.

Waxa aad rabto waad muujin karta dadkana waa u ahaan karta waxa aad u muujisay, balse dhabta waxay tahay in mar walba aad tahay waxa aad gudaha ku qarsato Allena uu kuu yaqaano.
Si dhab ah waxaa mar walba kuu garanaya Alle, sababtana waa isaga kaliya kan garan kara waxa aad qarsanayso ee aadan umadda u muujin, sidaa darteed, ma tihid waxa aad muujiso ee waxaa tahay waxa aad qarsato.
Mmusa

                                                  7-Ruuxdeena

Sida aan u hubno in ruuxdeena ay ka timid meel aan ahayn dunidan isla meeshaasna u laabanayso, waa in aan ku tala galnaa hagaajinta halka ay ruuxdeena ku dambayn doonto, ( Aakhiro)
Mmusa

8-Samayso sheekadaada

Ha ku qancin sheekooyinka wanaagsan ee dadkii kaa horeeyay sameysteen, samayso oo ku qanac sida aad u samaysan lahayd sheeko wanaagsan oo jiilka soo socda kaaga daydaan.
Mmusa

                                          9-Munaafaqnimo

Marka ay kuu jeedaan ama aad la joogtid waxay kuu muujiyaan in aad ayaga ka mid tahay oo wax walba la wadaagtid wax walbana idinka dhaxeeyaan, balse marka aad kasii jeesatid waxay badiyaan xantaada, xumaantaada ayey isku sheegaan, laabtooda xanuunsana faafinta ceebtaada ayey isaga nafisiyaan, astaanta dadka nuucaas ahna waa Munaafaqnimo.
Mmusa

10-Qalbi qoyan

Dunuubtaada oo badataa waxay ka dhigtaa qalbigaada mid qalalan oo adeeg badan kana adag dhagaxaanta.
Dambiga in aad gashid eed kuma lihid, balse eeddaada waa marka aad garan wayso in aad dambi gashay kana soo laaban waydo.
Dambigaada iyo towbaddaada oo isla socdaa waxay kaalmeeyaan in uu qalbigaada mar walba noqdo mid qushuuc badan, qushuuca qalbigaada oo batana wuxuu la mid yahay qalbi qoyan oo mar walba khayrka soo tufaya.
Mmusa

                                            11-Yaan la isku adkayn.

dhaga adayga Aadanaha waxaa ka mid ah marka wax samee la dhaho in uu su’aalo ka keeno qaabka uu u samayn lahaa waxa la amray.
Su’aasha mar walba waa iman kartaa ee midda laga hadlayo ayaa ah midda muujinaysa in uusan qofku u diyaaraasanayn fulinta waxa la amray sababtaas darteedna uu u su’aalo badsanayo.
Wax walba waa fudud yihiin marka ugu horeyso haddii si daacad ah loo qabanayo ama loo fahmayo, balse, marka la isku adkeeyo oo lugooyo iyo luqaafo lala yimaado markaas ayey dhab u adkaadaan, galaafadaana qarash iyo xoog aan abaal la isaga hayn.
Mmusa

12-Camal wanaagsan

Dunida waxaa wax la isku siiyaa Ehelnimo iyo eex kale oo ku dhisan dano gaar ah, Aakhira se waxaa wax lagu helaa camalka aad shaqaysato ama Naxariista Eebe.
Alle isaga oo tilmaamaya ayuu yiri ” nuuca aad rabto ama nasabka aad rabto ahow, qofkii Alle iyo maalinta Qiyaamaha rumeeyaa oo camal wanaagsan la yimaadaa wuxuu leeyahay ajarkiisa, Cabsi iyo murugana uma sugnaato maalinta mashqada badan (Qiyaamaha)
Mmusa

13-Waxaa jirto

Waxaa jiro Xaalado dhicitaankooda aan hurdada uga kacnay oo naga dhigay in dad waa cusub u baryay.
Waxaa jiri karto wax badan oo dadaal aan ku bixinay gaaritaankooda balse marka aan gaarnay sida aan ka filaynay aanan noqon, taasna niyaddeena ayey hoos u dhigtaa.
Waxaa jirto Casharo aanan xisaabta ku darsan in aan Qalin iyo Buug u qaadano barashadooda balse ay nolosha qasab inagu bartay.
Mmusa

                                           14-Geesinimada iyo Xikmadda 

Geesinimadaada aan xikmadda lahayn waa caqli aan ku jirin Jir nool, jirka nool ee xikmadda u saaxiibka ah balse Geesinimada ay ka maqantahay waa jir dhintay oo duugis mudan.
Xikmadda iyo Geesinimada waa in ay wada jiraan, waa hadal iyo fal celintiisa, ficilka haddii uusan sharaxaad wanaagsan wadan inta aan la samayn sida la rabo ayaa loo dhigi karaa.
Geesinimada iyo xikmaddaada waa in ay mar walba wada jiraan.
Mmusa

LA SOCO AXAD WALBA

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN