XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 92aad

                                                      1-Waxaa jirto

Waxaa jiro Xaalado dhicitaankooda aan hurdada uga kacnay oo naga dhigay dad waa cusub u baryay.
Waxaa jiri karto wax badan oo dadaal aan ku bixinay gaaritaankooda balse marka aan gaarnay sida aan ka filaynay aanan noqon, taasna niyaddeena ayey hoos u dhigtaa.
Waxaa jirto Casharo aanan xisaabta ku darsan in aan Qalin iyo Buug u qaadano barashadooda balse ay nolosha qasab inagu bartay.
Mmusa

                                             2-Ku niyad samow 


Ku niyad samow in sharta kuu muuqato uu khayr ku jiri karo.
Ku niyad samow dhibka kuu muuqda in uu xalku ku jiro.
Ku niyad samow in guuladarrada kuu muuqato ay guusha ka dhalan karto.
Ku niyad samow dhabta muujinayso xaaladaha aan la jeclaysan in ay abuuri karto rajo lagu doogsado.
Mmusa

3-YAAB!!!!

Waan yaabanahay!!!!!
Waxbaa iga maqan !!!.
Waxbaan sugayaa!!!!
Waxbaan hamminayaa!!!
Waxbaan ka quusan la’ahay !!!!!
Waxbaan heli la’ahay !!!!!!
Waxbaan u baahanahay !!!!!
Waxbaan u haraadsanahay !!!!!

4-Saddex hortaada ka fiiri

Nin geel leh wuu kaa horeeyaa mar walba
Nin sadaqo badan wuu kaa horeeyaa mar walba
Nin rag leh wuu kaa horeeyaa mar walba.

                                               5-Labana gadaalkaaga ka fiiri 

Nin lo’ leh gadaashaada ka fiiri marka uu abaaraysto.
nin dumar badan dhalay gadaashaada ka eeg marka Col iska celin iyo baahi Ciidan ay jirto.
Mmusa

6- Nina dhuuntuu kuugu soo dhacay!!!

Nina dhalashuu kuugu dhiidhiyay.
Dadka sidoodaba laba nuuc ayey kuugu kala yimaadaan, qaybna dantooda ayaa keenta oo wax bey kaa helayaan, sababtaas darteed ayeyna kuula joogaan, balse dadka qaar waxaa keena dhalasho oo dhiig iyo dhalasho ayey kugula joogaan xaalku sida uu raba ha ahaado waa kuwa mar walba kaa mid ah.
Soomaalidu war waa dhameysay!!
waxay dhaheen Nina dhalashuu kuugu  dhiidhiyaa, nina dhuuntoo kuugu soo dhacay.
Mmusa

                                            7-Sirta kaliya

Sirta kaliya ee qof kaa ogaan kara uusan jirin waa xiriirka kaala dhaxeeya Alle, sidaa darteed, ha ku kadsoomin dhagarta iyo faanka beenta ah ee dadka xagooda ka yimaada, sidoo kale kuwa khayaanada badan.
Hubaal in Bani aadamka naftiisa uu cibra qaadasho isugu filan yahay.
Mmusa

8-Ka digtoonow 

Siin lahaydaa jaanis laabaad iyo haddaadan siin lahaynba, qofka mar kuu quuraa in kuu dhagro ama ku qayaano ama si kale kuu xanuujiyo, waa hubaal in uusan mar labaad ka xishoonayn in uu isla falkaas kugu sameeyo.
Sidaa darteed, kuma dhahayo qofna jaanis labaad ha siin, balse, waxaan ku leeyahay qofka nuucaas ah mar walba ka digtoonow oo laabtaada marnaba si toosan ha ugu furin, adiga oo cafiyay, jaanis labaadna siiyay ayaa hadana iska karantiili kartaa.
Mmusa

                                           9-Ka fakar 
Hal kalimo ama eray oo dhahdid ayaa baddali karo qaabka nololeed ee qof dhan, sidaa darteed ka fakar erayada ka baxaya afkaaga oo miisaan saar inta aadan ku dhawaaqin.
Mmusa

10-Kala taga
Xiriirka saldhigiisu yahay qalbiga marnaba laguma kala tago ee wixii kasoo haraa ayaa kala tagiisu mar walba fududyahay.
Mmusa

11-Lagama dhargo

Waxaa jirta laba haddii la jeclaado uusan ka dhargin qofka jeclaado, waa dunida iyo Aqoonta.
Aqoon iyo adduunyo ninkii jeclaado in uu ka dhinto mooyee in uu ka dhargo ha sugin.
Mmusa

12- Naftaada la kali noqo

In aad kaligaa fadhiisato mararka qaar oo naftaada la kali noqoto way wanaagsantahay si aad uga dhex baxdo dhibka Aadanaha oo naftaada gooni ula faqdo.
Dadka waa laga yaabaa in ay u fakaraan in aad ku dhex jirto xaalad musiibo ah, balse dhabta dadka ay ula muuqato xaaladdaada iyo midda adiga kuu gaarka ah mar walba waa kala duwantahay, inkastoo dadku waxay kaa aaminsan yihiin ay ka saamayn badantahay waxa aad dhab u tahay ama aaminsantahay, xaqiiqdase waxay tahay in waxa aad dhab u tahay aad ahaanayso oo dadku waxa ay kaa aaminsan yihiin aadan ahaanayn.
Mmusa

                                    13-Dimoqoraadiyadda

Haddii dimoqoraadiyaddu ay tahay in inta badan ay wax xukunto maxaa xawaayanada qaar loogu dhiibi waayay xukunka.
Kkk in aad ila yaabtay ayaan filaa oo is leedahay muxuu ka wadaa warkan.
Waxaan uga dan leeyahay Baniaadamku mar walba wuxuu ku Awr kacsadaa waxa uu doonayo balse aan dhab ka ahayn.
Xaqiiqda ayaa ah in wax walba ay danta tahay, danta Aadanahana aysan meesha ka marnayn.
Bal aan tusaale yar ku siiyo, aqoon cilim kororsi ahna waa kuu noqon kartaa.
Ma aogtahay in Dalka New_zealand tirada dadkiisa lagu qayaaso ilaa 4milyan oo qof, balse tirada dadka waxaa ka badan tan Ariga dalkaas ku nool oo lagu qayaaso ilaa 70 milyan.
Haye, aan raacno qaaciddada dimoqoraadiyadda ee oranaysa inta badan ayaa wax hogaamisa maxay kula tahay ? Mise waxaa so wadda xayawaanada wax ma hogaamin karaan.
Dabcan dad xoolaha ka liito ayaa jira dhaqan ahaan iyo caqli ahaan,  midna xusuusonow in xooluhu issiradooda isku midka ah aysan isku galmoon , waxna kala dhicin iskuna xad gudbin .
Marka maadaama dhaqan ahaan iyo caqli ahaan xoolaha ay ka wanagsan yihiin dadka qaar, maxaa diidaya in hogaanka loo dhiibto, kkkkk.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN