XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 93aad

1-Sirta kaliya

Sirta kaliya ee qof kaa ogaan kara uusan jirin waa xiriirka kaala dhaxeeya Alle, sidaa darteed, ha ku kadsoomin dhagarta iyo faanka beenta ee ay la wareegayaan, sidoo kale kuwa khayaanada badan.
Hubaal in Bani aadamka naftiisa uu cibra qaadasho isugu filan yahay.
Mmusa

 

                                      2-La tartan naftaada


Marna naftaada hala barbardhigin hana danayn in aad qof ka fiicnaato.
Naftaada ku qiimee sida ay ahayd sanad ka hor iskuna day in aad ka fiicnaato sanadkii hore sida ay ahayd.
Tartan naftaada qiimaynteeda ayaa kuugu filan ee dad la tartamiddooda muhiim maahan.
Mmusa

                                               3-Xanuunka fakarka

Marka uu xanuunkaagu Fakar noqdo oo mar walba aad fakarto, xanuunkaaga daawa ma lahan maxaa yeelay, xitaa haddaad seexato wali waa fakaraysaa.
Inta badan aad fakartaana waa inta badan oo aad gudaha iyo dibadda aad ka dhimatid
Mmusa

4-Naftaada ha xaqirin 

Marka aad dadka xumaanta ka reebto naftaadana aadan ka reebin, naftaada ayaa xaqirtay.
Marka aad dadka wanaaga farto adigana is farin, naftaada ayaa inkirtay.
Marka aad dadka samirsiiso tusaalaysana xaqiiqaha noloshanaftaadana sidaas oo kale aadan yeelin, naftaada uma wanaagsanaan.
Mmusa

                                               5-Culaysyada caqliga

Culausyada Nolosha ee nagu dhaco waxay siyaado u yihiin mar walba oo ay kobciyaan caqligeena, inta badan aad la kulantid caqabadaha waa cashar kuu suyaado,
Waxaa la yiri nimaan xanuunsan  wax ma garto, waxna ma siyaadsado.
Mmusa

                                        6-Wax ka xun ma jiro

Ma jiro qof ka xun kan marka uu kuu caroodo fashila sirtaada, inkirana karaamadaada, wax aadan ahayna kaa sheega ama kugu tilmaamo.
Mmusa

7-Iska illow

Qof adduunyo jacel ayaa Taqi Alle noqda ha aaminin.
Qof Bakhiil ah ayaa wanaagsan ha rumaysan.
Qof Xaasid ah ayaa amaan mudan ha yeelin
Qof asalkiisa tuugnimo kusoo barbaaray ayaa tuuganimada iska dhaafayo ha aamin, xitaa hadduusan wax xadin si kale ayuu wax u dhagrayaa.
Qof doonistiisa ay badantahay ayaa wax go’aansada ha yeelin.
Raga dumarka xulashadooda ku saleeya lacag iyo qurux iyo joogooda iyo qaab dhismeedka qalabkooda ayaa dhaqsa u guursada ha yeelin.
Dumarka ayagana haasaawidda badan ayaa dhaqsa u guursada iska illow.
Mmusa

8-Ficil raaci

Waad ku jiri kartaa dhibaato iyo xanuun ku daaliya, balse taas macnaheeda maahan in rajada nolosha ay halkaa ku egtahay.
Wax walba dhamaad ayey leeyihiin, sidaa darteed diiradda indhahaaga yeysan ku daalin eegidda  xariiqtimaha dhibaatada ama hareeraha ay dhibaatada ka muuqato, ee ha arkaan indhahaaga meesha ay ku dhamaato dhibaatada , adiga rajo wanaagsan isku dhiiri galinayo, ficilna raaci.
Mmusa

9-Waa qaali qiimaheeda la aasay!!!

Qiimaha uu qof walba leeyahay ma ahan mid uu isagu garan karo waa mid lagu beeray qof uu naftiusa qaali ku yahay.
Sida badan dadka qaaliga isku ah quud ma wadaagaan, haddii ay wadaagaana waa mar ay middi calool gashay micnaha waqti dambe oo qof walba meel kusoo daalay ayey daal iskula ag dhacaan.
Waxay lahayd Hammi sare iyo Han ay tiigsato ka hor inta aan lagala dul dhicin mid meel uu ka yimid aan la aqoon oo xitaa isaga naftiisa waligiis kuma riyoon gabadhan qaalida ah ee loo alkumay.
Nolosha nuurkeeda waa Naxariis, Jacayl iyo awlaad noqoto miraha labada kore waa naxariista iyo jacaylka.
Hadii mid ka mid ah la waayo waxaa meesha ka baxaya nuxurka Nolosha, mugdina wuxuu haraynayaa markaas gurigaas la alkuumay oo iftiin la’aan noqda.
Dadka qaar waa u qaadan karaan iftiin la’aanta iyo mugdiga aan ka hadlayo kii laga shidanayay Nalka ama s
Shumaca, balse diiraddayda halkaas kuma jeeddo ee waxay ku jeeddaa naxariista iyo jacaylka oo ah daawada mugdiga nolosha soo wajaho.
Dumarka mar walb waa halka loo jeediyo waa Masaajiin , waa Baariyad, waa Hooyo, waa Ubad, waa Ardayad, waa raaxada nafta nolosha dunida oo dhan ayaa ku dhan.
Raga qaar dumarka marka ay soo guursadaan hadafkoodu Waa ha kuu taruuraxiso inta ay ka dhamaanayso , micnaha Waa ilma ha kuu dhasho inta ay ka daasho ama ka dhalma dayso.
Fakarkaas isaga ah wuxuu ku shubaa qofka dumarka ah oo laga yaabo iyada oo aan farxad ku haysan naxariis iyo jacaylna warkooda daa aan lagu jirin in ay maskax ahaan inta u dilanto iska qaadato fakarkiisa ah in ay u taruurixiso Dhalmada .
Waxaa la yaab igu ah oo Mar walba is waydiiyaa sababta aan nolosha ula sii wado Karo qof aanan ku qanacsanayn, hadana Ubad ugu sii dhalo Karo maadaama aanan aaminsanay ba in qofkan uusan ii qalmin .
Qaali walba qiima ayuu leedahay, waxaasa Mar walba qiima tira kuwa ka xayuubiya xaqa dookheeda iyo kuwa loo xayuubiyo ee sida mashiinka camal uga dhaadhacsha in ay u dhal-dhasho.
Waa qaali qiimaheeda la aasay qumantaas la qushuuciyay oo waayaheed iyo qiimaheedaba Qod inta loo qaatay Qabri lagu aaasay.
Mmusa

10-Qalbi, Caqli, Damiir

Hadduu qalbiga dhinto, naxariistana way tagtay.
Hadduu caqligu dhintana, Xikmadda waa ku daysay oo maba jirto.
Hadduu damiirku dhintana wax walba waa ku daayeen oo wax nool ma jiraan.
Mmusa

11-Go’aan qaadasho dhab ah.

Qofka waxa ka go’an in uu sameeyo ama gaaro wuu samayn karaa wuuna gaari karaa marka uu go’aan dhab ah ka qaato xaaladdaas iyada ah, balse, marka uu qofku gadaal ka baqayo ama ay jirto xaalad xannibayso taas oo uu is leeyahay armey wax kaa halaysaa, markaas qofkaas waxaa la dhihi karaa wali ma uusan qaadan go’aan qaadasho dhab ah oo xaaladdaas uu uga baxo ama uu ku gaaro halka uu hiigsanayay.
Mmusa

LA SOCO AXAD WALBA

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN