XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 95aad

                                         1-Dhibkaaga dartiis

Waxaa jiro xaalado iyo duruufo adiga kuu qaas ah, balse in aad si edebsan u hadasho waa macaamilkaaga bulshanimo, waana mid xaq laguugy leeyahay.
Sidaa darteed, ha isku qasin dhibaatooyinkaaga qaaska iyo kuwa guud ee kaala dhaxeeya Umadda.
Dhibkaaga waa dhibkaaga adiga xalliso, balse dhibkaaga dartiis bulshada ha u qasin.
Mmusa

2-Naf huris 


Xornimada iyo macaanka nolosha si fudud kuma timaado waa in naf huris badan loo sameeyaa, naf huristaas qof walba ma samayn karo, qaarkeen oo kaliya ayaa sameeya inta kalana harka naf huristaas ayey harsadaan.
Mmusa

3-Badbaadada noloshaada


Dunida aan ku noolnahay ma ahan mid naga aqbalaysa in aan dib usoo laabano, ma jirto maalin maalin kale booskeeda dib ugu celinaysa, maalin walba horteeda ayey u socotaa iyada oo xaaladdeeda wadato.
Waa qasab mararka qaar in aad cagta mariso wax walba oo kaa horyimaadaa si aad u gudato maalmaha noloshaada.
In lagu dhaawaco waxna aad dhaawacdo, lagu dilo ama aad wax disho waa caynka ay nolosha u samaysan tahay.
Suura gal maaham in aad gaarto hadaf aad leedahay adiga oo iska hor leexin caqabadaha ku hortaan, kuwaas oo wax walba noqon kara.
Ma ahan mas”uuliyad in aad gacmaha ka laabto badbaadada noloshaada.
Mmusa

                                                 4-Xaaladaha Qalbiga

Inta badan oo uu caafimaad qabo qalbigaada afcaashaada iyo hadalkaagana waa caafimaad qabaan, balse maalinta uu qalbigaada sabab kale darteed u xanuunsado waad raadinaysaa daawadiisa halka ay rabto ha gasho,  xitaa haddii ay Naf go’ayso si qalbigaada uu u caafimaado.
Qof wanaagsan ayaa samayn kara wax aadan ka filayn.
Xaaladaha qalbiga ku saabsan ma ahan kuwa la maamuli kara, waa kuwa kaliya ee qofka u weecin kara meel uusan u weecan lahayn kana dhigi kara wax uusan noqon in uu waligiis noqdo.
Mmusa

5-Sirta qalbigaada

Sirta laabtaada ma ahan mid si fudud kusoo bixi karta oo uu qof walba ogaan karo waa haddii aadan adiga ku fashilin carabkaaga.
Waxay Dabaalnimo u sugnaatay qof sirtiisa inta carabkiisa laabtiisa uga soo saaray ku eedaynaya dadka sababtaas darteed.
Sirtaada waa suuradda qalbigaada, mar walba oo si aan mas’uuliyad ku jirin u feeddo xanuunkeeda waxaa dareemo qalbigaada.
Mmusa

6-Baahida qalbiga

 
Baahida naftaada iyo xanuunka ay dareento mararka qaar waa kan kugu kalifa in aad dhaawacdo qalbiyo dad kale adiga oo uga dan lahayn in aad sidaa samayso kuna faraxsanayn, balse, kallifka naftaada ayaa sababaya oo kugu riixaya in aad dhaawacdo laabta dad kale oo xitaa aqoon aydan isku lahayn.
Irsaaqadda qalbiga waxay ku wanaagsantahay in ay gasho meel uusan qofna ku dhaawacmayn.
Mararka qaar waxaad noqotaa dhiigyacab dhanka qalbiga ah, wax aadan waligaa jeclaa lahayn samayntooda ayuu kugu kalifaa qalbiga xanuunkiisa.
Mmusa

                                               7-Dareenka tabashada 

Dareenka ah in aad kali ahaato mar walba sababtiisa ayaa loo nisbeeyaa in qalbigaaga wax tabayo waxa uu tabayana meel uu ku ogyahay..
Mmusa

8-U dhawaanshiyahaaga

Inta badan uu qalbigaaga naxariis iyo niyad wanaagsan u hayo dadka, adigana waxaad ogaataa in ay sii dhawdahay u dhawaanshiyahaaga Alle.
Inta badan aad Alle camal wanaagsan ugu dhawaataana waa inta badan ay feedanto kurbadaada khayrkaagana bato.
Mmusa

                                                9-Saddex iska jir

Qofki kugu seexdaa hubaal in uu kaa seexanayo.
Qofka kuu soo wariyaana in uu kaa qaadayo ku seexo.
Qofka marka aad raali galisana aan abaal kaaga hayn, marka uu kaa caraysiiyana waa maxaa iga gakay warkiisa.
Mmusa

                                               10-Qofna ha eedin 

Ma ahan in aad qofna ku eeddo xaaaladaha aan ku raali galin, mar walba naftaada ku eed waxa ku dhacay, maalinta aad naftaada raali ka noqoto oo wax aad ku eeddaa aysan jirin waa maalintaa maalinta aad qof eedi karto.
Mmusa

11-Ceebta iyo xaaraanta

Ceebta marka aan samayno dadka ayaa naga carooda.
Xaaraanta marka aan samaynana waxaa naga carooda Alle.
Mmusa

                                               12-Ku kalsoonow 

Ku kalsoonow qofka shantan kaa fahmi kara adiga oo u sheegin.
1 ku kalsoonow Qofka fahmi kara xanuunkaaga adiga oo dhoola caddaynaya.
2 ku kalsoonow qofka fahmi kara niyad wanaagaaga marka uu ficil xun kaa dhaco.
3 ku kalsoonow qofka fahmi kara dulqaadkaaga marka ay carada kaa badato.
4 ku kalsoonow qofka aan u fahmin ilmayntaada in aad tahay Daciif.
5 ku kalsoonow marka aad aamusto qofka macnaha aamusnaantaada fahmi kara.
Mmusa

13-Saddex saaxiib

Waxaa jirta Saddex saaxiib oo uu qofku leeyahay kuwaas oo dhab ku ah noloshiisa.
Waxaa jira saaxiib kula jira oo marnaba aan kaaga harin dunida inta aad nooshahay, marka kaliya uu kaa harayana waa marka aad dhimato ( waa Maalkaaga).
Waxaa jira saaxiib waqti dhexe noloshaada kusoo biira, balse Qabriga kaaga hara, waa (caruurtaada).
Waxaa jira saaxiib aan Aakhira iyo adduunba kaaga harin waana (Camalka aad falato).
Mmusa

LA SOCO AXAD WALBA

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN