XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 96aad

 

1-Malada ha xumayn

Marnaba ha halayn mala xun qof kaa aamusan oo kula hadlayn, maxaa yeelay, waxaa laga yaabaa in aamusnaanta uu la aamusan yahay haddaad gudihiisa ka aqrin lahayd aad ogaan lahayd in uu wanaag kula jecelyahay in ka badan inta kuu sheegta in ay wanaag kula rabaan ee Munaafaqiinta ah.
Mmusa

                                   2-Isla ayaga ayaa is dhaawac!!!

Wax walba oo iska soo horjeeda ama caksi isku ah sida badan ayaga ayaa is dhalaan, tusaale.
Rafaad raaxo ayuu dhalaa.
Xanuun farxad ayuu dhalaa.
Dumarka rag ayey dhalaan
Raga dumar ayey dhalaan
Isla ayaga ayaana la isku diray oo midba midka kale dhaawaco!!!!
Mmuda

3-Dadka qaar waa u muhiim noloshaada

Waxaa jira dadka qaar naftaada muhiim u ah, ma ahan noloshaada oo kaliya in ay muhiim u yihiin ee mar walba waxaad ku raaxeesataa daganaana aad ku dareentaa la jirkooda, la hadalkooda, la dhamqmiddooda.
Marka ay kaa maqan yihiina ay naftaada dareento in ay cidlaysantahay oo baahi badan ay tabayso, taas oo mararka qaar saamayn ku yeelata waxqabadkaaga maalinlaha.
Mmusa

                                                 4-Waa dooqaada

Qaabka dhaqankaaga iyo muuqaalkaagaba qof walba ma farax galin karo, dadku afkooda wuu furan yahay, wax kale uma furna waa in ay wax ku laqaan waxna ku sheegaan, sidaa darteed, wax sheegiddooda yeysan kaa wasaqayn quruxdaada gudaha waa Qalbiga.
Qof walba oo hadlaa isaga ayaa hadlay, ma jiraan wax uu noloshaada ka dhimi karo ama kusoo korhdin karo waa haddaadan u ogolaan in uu wax kaa dhimo ama wax kugu kordhiyo.
Noloshaada iyada oo kaamilan ayuu Eebe ku siiyay, adiga ayaa wax iska hallayn kara waxna ka dhimi kara kuna kordhisan kara, taas waa dooqaada.
Mmusa

5-Rumaynta riyadaada

Ma arki karaan xanuunkaaga, mana dareemi karaan dhaawacaaga, tilmaamo ayey ku siinayaan ayaga oo ku dhahaya sidaa kuuma wanaagsan iyo sidaa ha yeelin, is waydiiintu waxay tahay, ma u dareemi karaan sida aad wax u dareemayso, ma u xanuunsanayaan sida aad u xanuunsanayso.
Waa daciifnaantooda in ay tilmaamao ka bixiyaan wax aysan aqoontooda lahayn dareemina qaraarkooda iyo macaankooda.
Noloshaada adiga ayaa xor u ah hagaajinteeda iyo halaynteeda.
Waa in aad adiga oo kaliya go’aansataa waxa aad doonayso iyo waxa aadan doonayn.
Warkooda maqal, balse yuusan laabtaada u daadagin haddiiba uu kaa horistaagayo rumaymta riyadaada.
Mmusa

                                                   6-Ha sidban 

In aad God ku dhacdo way fududahay balse in aad kasoo baxdo ayaa ah mar walba xaaladda ugu adag.
Nolosha sideedadaba mararka qaar waa sida adiga oo ku sidbanaya meel aadan doonayn balse awood la’aantaada darteed aad ugu dhacdo Hog aadan kasoo bixi karin, kaas oo saamayn dambe ku yeesha mustaqbalkaaga dambe.
Hadaba si aadan ugu sidban meel aadan jeclayn waxaa ila wanaagsan in aad tartiibsato talaaba qaadiddaada, si aadan uga shallaayin waqti aysan shallaayto haboonayn.
Mmusa

                                         7-Soomaaliya iyo Qabiil

Soomaaliya ayaa nabad ka dhacday rumayso haddaad maqasho.
Soomaaliya ayaa cirka u dirtay Dayax gacmeed rumayso haddaad maaasho.
Soomaaliya ayaa dagaalantay hadana heshiisay rumayso haddaad maqasho, balse ha rumaysan waligaa Soomaaliya ayaa Caddaalad ka dhacday qabiilna ka tagtay.
Mmusa

8-Sabarka 
قال تعالى :
﴿ وجزاهم بما صبروا ﴾
Alle wuxuu yiri” Dadka sabarka u saaxiibka ah waa la abaal marin”
Waxaad ogaataa in safarka sabarkaaga uu leeyahay dhamaad wanaagsan oo abaal marintiisu ay tahay wax aysan laab bani aadam waligeed ku fakarin kuna soo dhicin.
Mmus

9-Alle kuma hilmaamayo.

Waxaad ogaataa in Alle uusan hilmaami doonin khayr aad hormarsatay, dhibtaato aad xallisay, il ku dhawayd in ay ooyso oo aad ka farxisay!!
Noloshaada ku noolaanteeda ha ahaato mid leh Mabda’:
Noqo mid wanaagsan oo dadka u ixsaan falo, xitaa haddaadan la kulmin qof ku wanaajiya kuuna ixsaan falo.
Mmusa

                                      10-Intan samee fadlan

Qaddari waa lagu qaddarinayaa.
Saddaqayso irsaaqaddaadaa waasacayso, waana badbaadaysaa.
Dhoola caddee, waa laguu dhoola caddaynayaa.
Dabacsanow, waa laguu dabacsanaanayaa.
Rajadaada wanaagsan badi, farxaddaada ayaa badanayso.
Aqriska badi si wax ogaantaada ay u badato.
Cafiskaaga badi, si laguu cafiyo.
Wax bixi, si aad wax u hesho.
Wax beero, si aad wax u gurato.
Mmusa

                                      11-Lama baddalmi karo

Haddii aad maqasho Qof Faqri ah ayaa taajiray, rumayso.
Haddii aad maqashid qof hadda kula joogay ayaa dhintay, rumayso.
Haddaad maqasho Qof hadda Taajir ahaa ayaa faqriyayna rymayso, balse, haddaad maqashid qof Dabbaal ahaa ayaa caqli helay ha rumaysan.
Micnaha xikmadda ayaa ah in qofka sida lagu uumay uusan ka baddalmi karin, balse inta kale la noqon karo.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

SHEEKOOYIN