Home Curis GARBADUUB Q7AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q7AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q7AAD 

Maalintii Sabtida ayaa qof weliba dhankiisa ka soo aaday Dugsiga, kaddibna Guhaad illeyn waa nin dan lehe, waa ka hor xerooday, isagoo doonaya in aysan dhicin inay kulmaan ama kansho wax laysku weydiiyaa aysan dhicin.

Markii la gaadhay biririftii ayaa si wed  la kulan ah, laysaga soo hor baxay, balse Ubax uma helin ammin iyo kansho ay ku wareysatee, waxay go’aansatay inay hadhoow intaan la bixin sugto.

Mar allaale iyo markii bannaanka loo soo baxay ayuu ka sii baaraandegay oo Afar arday oo xaafadda Abtigii deganaa lugta ku darsadey dhexdana u galay dhankay xaafaddooda u aadi jireen maahine dhankii guriga abtigii xigay Afka, Ubaxna way ka xishootay inay  wiilasha uu la socdo uga dhex yeedho.

Ubax dareen weyn ayaa galay markaan waxayna is weydiisay sida wax u jiraan, sidoo kale waxaa saameeyey maqnaanshiyihiisa, maskaxdeedii oodhanna waxaa ku dhex wareegaya Guhaad oo keliya waxayna u qaadan la’ dahay, hadduu xaafadda aadayo muxuu kuugu sheegi waayey, oo sawtii Qadan ku lahayd Jimcaha qudha ayuu maqnaanayaa? Maankeeda ayaa waxaa ku kulmay weydiimo iyo aan warcelintooda la helayn iyadoo Guhaad la arko maahine.

Ubax waxay gashay baaxaa deg jiif iyo joogba u diiday, waxa ayna noqotay maqane jooga. Xaalkeedu wuxuu marayaa, halkay ay hobollada Khadra daahir kaga xareedin jirtey:

  • Mahiigaan Jacaylbaan
  • Dhex muquurayaaye
  • Miiraalihiisi
  • midigta igu qaadyo
  • Mawjad baa i sidatee. 
  • Naftu kay u muhataye
  • Iga maqane waaye
  • Ma maqanahay
  • Ma joogaa
  • Ma miir kacay
  • Ma negi ahay
  • Allahayoow muraadkayga
  • Mar ii sahal

Ubax habeenkii hurdo aan negaadi iyo nasiino lahayn bay huruday, waagii markuu baryey ayay jarmaade ku jiiday si ay ula kulanto Guhaad inta aan degel aqooneedka la kala gelin.

Balse, markay timid maba arag, waxay sugtoba markii qof weliba degel aqooneedkiisa galay ayay noqotay qofkii ugu dambeeyey ee ay Bare Shaqale ku wada kulmaan albaabka.

Markan si dhab ah ayey wax isu weydiisay arrinta keentay kala fogaanshaha iyo iska war hayn la’aanta cusub, waxaana la qumanaatay inaysan intaas ka badan dulqaadane ay bal cid kale dareenkeeda la wadaagto.

Maalintan ma uusan iman dugsiga oo waa ka maqnaa Ubaxna baadigoob badan kaddib waxay oggaatey inuusan iman oo maqan yahay, arrintanina waa ka sii maajisay.

Markii biririftii loo soo baxay ayay kulmeen Habboon oo iyadu la ayni ah Guhaad kuna jirta heerkii ugu dambeeyey ee Afraad ee dugsiga sare, waxa ayna uga sheekaysay inay la’dahay Guhaad iyo qaabka xidhiidhkoodu ahaa ilaa Khamiisti.

Habboon oo  u aragtay in la galay widaaydeed ayna is ogeyn, ayaa weydiisay in ay jiraan wax ay ka qarinayso oo ku saabsan haasaawe iyo sheeko wadaag, balse, waa ka diiday heer ay dhaarato markay gaadhay, ayaa Habboon tidhi: Waa lagu daaray macaanto ee is deji!

Ubax intay qosol ilaa gawska dambe muuqdo, qososhay ayay tidhi, maxaa i daaray bisinka iyo burdahee?

Habboon ayaa iyadoo kajamaysa ugu warcelisay: Waxaa ku daaray kalgacal ugub ah oo weliba halis badan,waayo waa mid aadan isku ogeyn qofka aad dareenku kuu galayna aanu kuu ogeyn, waaba kii Cilmi Boodhari u dhintey.

Ubax ma garoowsan iyadoo sheekadii qabyo u tahay ayay kala tageen oo dawankii dugsiga ee ha la galo degelkaa yeedhay, qof weliba wuxuu afka saaray degelkiisi.?

Ubax baa mar qudha muruqyadu maskaxdu si majiire iyo kaynaan leh isu laba rogeen waxaana xasuusteedu mar qudha dib ugu laabatay, kulankii habeenkii Gallad iyo maalintii ka dambaysay doodi iyo kaftan dhablihii dhexmaray, eraygii ay ku tidhi iyo qaabkii uu uga dhaqaaqey ee aannu nabaaddiino dhihin, dhankeedana soo eegin.

Ubax waxaa halkaas uga soo baxay ismaandhaafkii dhexdooda iyo kaftankii inuu abuurey dareen markan waxa galay tuhun ah armuuba isagu ku jeclaa adna si qalloocan ula hadashay, haddana waxay soo xasuusatay iney waxaas iyo ka daran is odhan jireen aysanna dhici jirin in la kala xanaaqo.

Ubax maankeeda waxaa dhex miranaya is diiddooyin badan oo aysan aqoon dhan ay u qaado, waxaana ay aad ugu hammuun qabtaa aragtida iyo la kulanka Guhaad.

Galabnimadii ayaa iyadoo guriga hortiisa fadhida waxa ay aragtay gabadh ay deris ahaayeen oo xaafadda ilaa ammin gu’ ku dhaw degganayd oo wiil derikooda ahi soo guursaday oo iyaduna guriga hortiisa soo joogsatay.

Gabadhii ayay u tagtay is bariidin iyo kaftan dabadeed ayay si degan ugu tidhi, walaal Deeqaay waxaan ku weydiiyey, horta adigaa illeyn iga waayo aragsane, qof gu’ kaa weyne garaad kaa weyne jacaylku ma wax jiraa?

Deeqa oo aan la yaabin ogna in qofku markuu dhallinyarada yahay waxyaabo badan ka diimoon yihiin ayaa intey qososhay ugu warcelisay: Jacaylku waa wax jira waana kala duwan yahay, mid waxaa weeye Jacayl  dhalan, waa kan labadaada tawl iyo walaalaha aad u hayso, midna waxaa la yidhaahda Jacayl dhaqmaati, Jacaylka dhalanka ah qof walba waa la dhashaa, Jacayl dhaqmaatigase waa mid kugu dhasha waana dareenka u dhaxeeya labka iyo dheddigga ee keena inay dhisme aqal iyo nolol dhammeystiran wadaagaan.

Ubax oo aan si fiican u helin dulucda ayaa mar kale ugu halcelisay: Ma dhici kartaa inaad jeclaato  qof aan haasaawe iyo sheeko aydin wadaagin oo haba yaraatee wax wada hadal ah oo arrintaas ku saabsan dhexmarin?

Deeqa oo weydiintan dambe ay tuhun gelisay ayaa si degan ugu tidhi: Jacaylku isku si dadka uguma  dhaco, dad markay wada hadlaan ee wada sheekaystaan ayuu ka dhex dhashaa, dadna dushaas iyagoo iska yaqaan ayaa midkood dareenka kalgacal galaa, dad intey is guursadaan iyaga oo aan is aqoon ayuu dhaqankooda iyo wada noolaanshaha kaddib curtaa, dadna iyaga oo is yaqaan oo aan wada hadlin ayaa qofba qofka kale dareen kalgacal u galaa, kanise waa yaryahay waana dhib badan yahay, mararka qaarna waa mid qof keliyaata ku koobma.

Sheekadan oo Ubax si weyn u xiisaynaysay waxaa uga dhexbaxay wax badan, waxay tidhi: Waayahee sidee kan dambe qofku ku ogaan karaa inuu qofkaas jecelyahay?

Deeqa la soo booday, dee waad igu ciyaaraysaa, gabadh weyn baad tahay wax walba waad ogtahaye iga daa dheeldheesha, maxaadse ku keentay maanta weydiimahan?

Ubax weydiinta ayay ku mergatay markaasay waa haween iyo dhaqankoode, markiiba dhan kale u rogtay oo tidhi: Berri baa dugsiga layga rabaa inaan faallo iyo warbixin togan ka bixiyo, marka sidaas ayaan kuu weydiiyey maxaa yeelay qof dhallinyaro ah oo dhawaan guursaday baad tahay xog badanna waan kaa heli karaa.

Deeqa oo u riyaaqday in aqoon laga soo doontay runna u qaadatay ayaa sheekooyin badan uga sheekaysay una kala dhigdhigtay arrimaha lagu garto, waxayna u sheegtay, in qofku qofka uu jecelyahay u boholyoobo, maqnaanshiyihiisa tebo, hadalkiisa dhegta u raariciyo, araggiisa ku il doogsado, la jooggiisana quud ka dhigto.

Mar qudha ayaa waxaa is dhalanrogey dareenkii Ubax oo aad mooddo inay Deeqi ka warramayso dahnigeeda, waxaana u soo baxay dhammaan astaamaha ay Deeqi sheegtay inay iyada dhex dabaalanayso.

In ammin ah markay wada joogeen ayay Deeqi nabadgelyeysay oo u sheegtay inay dhinaca magaalada u baxayso oo dano yaryar ka leedahay, sidii ayaa lagu kala tegay, Ubax xogtay ka heshay Deeqa iyo kaftankii Habboon ayaa  maankeeda ku legdamaya, waxa ayna si dhab ah u oggolaatay in dareen jiro dhankeeda, arrintase is weydiinta mudan ayaa ah, Guhaad ma kula qabaa? Haddiise uusan kula qabin ma yahay mid dareemi kara? Mase tahay suurtagal inaad adigu u sheegato? Waa weydiimo maskaxda iyo maanka Ubax ka burqanaya mid qudhaata aysan u haynin warcelin sugan.

Ubaxna waxay go’aansatay in hadduu Guhaad berri iman waayo ay galabnimada kaxaysato Qadan oo ay guriga abtigeed geyso, halkaasna ay ku kulmaan iyada iyo Guhaad oo ay mar qudha indhaha uga qaado.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

SHARE