Home Curis GARBADUUB Q8AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q8AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

0
SHARE

 

GARBADUUB Q8AAD

Guhaad dhankiisa waa qabaa boholyoowga iyo xiisaha hilowga leh ee u haya aragtida iyo la kulanka Ubax, balse cadhada ayaa ka awood badisay waxa uuna weli goconaya hadalkii uu u arkay inay Ubax ku liidayso waana halka ismaandhaafku ka unkamay kana soo aloosmay keentayna inuu Guhaad ka fogaado widaaydiis iyo wehelkiisi Ubax.

Guhaad kuma dhaco inuu si badheedh ah u yidhaahdo ma kulmayno ama runtaba farta ka saaro, waayo isaguba ma jecla kumana dareensama inay kala maqnaadaan, waayo gadgadoonka maankiisa waxaa miranaya muuqaalka iyo xasuusta Ubax, sinaba ugama maqna goor iyo amminba arrinkooduna waa “ Laba kala bariday kala war la’” waa wadnayaal isu gooman balse aan is ogeyn isuna gudbinayn inay dareenkooda gacal wadaagaan.

Galabnimadii ayay Ubax goor hore intay si qurux iyo haaneed leh hu’ heemaal iyo bilicleh isku taagtay ayey tagtay gurigii reer Samatar oo intey u tagtay  Qadan ka codsatay inay  u raacdo  guriga Abti Deyr, Qadana waxay tidhi “ Waayahay ee bal Hooyo arrinkaas u sheegta si aan isu raacno”

Hooyo Dhudi kuma yaallo af diida arrin ay Ubax ka codsataye markii Ubax u sheegtay inay doonayso in Qadan raacdo si ay u soo tusto guriga Abti Deyr, iyadoo marmarsiinyona uga dhigtay iney buugaag uu leeyahay  Guhaad ay ka rabto iyo inuu ka kaalmeeyo arrimo ku saabsan Bilkaydyada iyo jirrab aqooneedka soo fool leh.

Hooyo Dhudina waxa ay tidhi: Gobeeyeey gacalo waxaad tahay gabadh danteeda taqaan oo aan loo tilmaameyne, Ordoo is raaca isaguna haydin soo raaco ayay hooyo  Dhudi warkii ku gebogebaysay.

Qadan ayaa si degdeg ah intay u qalab qaadatay oo iyaduna si aan ka liidan hubqaadka iyo heensaheeda u muujisay oo  biligeeda iyo bilicdeeda ilqabadka leh dhar  aad  ay sareeyo tolmadooduna oo soo jiidasho lehna gashatay, waa la  isa soo raaceen Ubax iyo Qadan iyadoo qofkii ka soo horbaxaaba uugsan daymada hore kaga dhergeyn ilaa uu dib u sii jaleeco.

Baarcad waa Magaalo weyn, balse inta badan looma kala raaco gaadiid, maxaa yeelay gaadiidka dadweynuhu aroornimada iyo ammino kooban ayuu hawlgalaa, waxa ay si quman labadii gabdhood sii  taxaashiyaanba waddooyinka waaweyn ee bilicda leh, dhinacyadana goobaha ganacsi kaga taxan yihiin, hadba waxay waddoba waddo u dhiibto, ugu dambeyn waxaa la soo gaadhay halkii majiiruhu ahaa.

Labadii gabdhood  kolkay tageen gurigii abti Deyr, haddii iridka la furayba waxaa isku dhacay indhihii Guhaad iyo Ubax, Guhaad kediso iyo filan waa ayaa kulankani ku noqday, garay in laga daba yimid, kuna riyaaq kulankiiye, waxaa is bariidin iyo is wareysi kaddib, loo sheegay in Ubax buug uu leeyahay ka rabtay, waxa kale oo loo sheegay farriintii hooyo Dhudi, isaguna si halhaleel ah ayuu agabkiisii oodhan usoo qaatay.

Jidkaa lagu soo dhacay kaftan goosgoos ah iyo sheeko madadaalo ah, kaddib waxaa socod dheer dabadeed la yimid gurigii, Qadan waxay ku weecatay gurigooda, isaguna wuxuu ku hadhay Ubax.

Ubax ayaa tidhi ” Guhaadoow waxaan ku moodayey inaad tahay widaaygeyga dadba iigu dhaw, balse in aad meel kale aado adiga oo aan ii sheegin, haddana dugsigii aad ka baaqato, waxaan dareemay in sida aan kuu ahay aadan ii ahayn, halka aad iga joogtana aanan kaa joogin, intay yara suurootey bay hadalkii ku goysay “ Dad iyo duurba waxa aadan fileyn ayaa kaa yimaad?

Guhaad ayaa galgalasho iyo marmarsiinyo badan dabadeed  isaguna dhankiisa ka qirey inuusan jirin jaal iyo widaay uga dhaw, balse, tani dhacday oo uu raaligelin ka bixinayo.

Ubax oo si kalsamaan ah uga heshay raali gelinta ayaa iyaduna dhankeeda iyadoo raad tiranaysa tidhi “Dee mindhaa kaftankii habeenkii baad ka xumaataye, haddaan waxaan kuu qalmin iyo hadal aan iga kaa qaban ku idhi raali ka noqo dhankayga”

Guhaad oo raaligelinta iyo garowshiiyaha isaguna la dhacay, haddana is adkaynayaa yidhi ” Mayee meeshii baan uga tegay, kamana xumaane maxaad dareentay?”

Ubax oo weydiin aysan filayn ku soo noqotaa intay kelyo iska baadhay tidhi” Dee markaan ku waayey, kuna arki waayey ayaan dib u raacay xasuustii, waxaana ila yara xumaaday, kaftankii oo waxaan is idhi eray rag lagu yidhaahdo ma ahayn.”

Guhaad oo raba bal inuu ka gun gaadho, ayaa  ugu halcelshay “Waxaasi waxba ma ahoo hore ayey soomaalidu ugu maahmaahday, Naagi nimey taqaan nin ma moode, taas waxba uma arag, ee maxaad ku soo xasuusatay?

Ubax oo markan hubta in arrinku sidaa ay u aragtay yahay ayaa iyadoo boor isku qarinaysa, dareenkeedana si dadban u muujinaysaa ugu warcelisay “ Walaaloow marka aanan adiga nin kuu aqoon, agteydana aadan milge iyo maamuus ka lahayn, tolow yaan nin iyo qof mudnaan leh u aqaana?

Guhaad oo is leh yeysan kaa libin helin ayaa ugu halcelshay “ In aan nin ahay waad ogtahay, waadna ii taqaan, balse  si gaar ah xil isagama kay saareysidoo, waxaa kuu caddeynaya adigoo aan garbasaar haysan, haddii labadeenna oo wada joogna, wiil kale oo cusubi inoo yimaad markaasaad is qarqaris iyo is mashashuur gelaysaa, marka kii kula joogay inaadan nin u aqoonin saw ma cadda? Guhaad oo hadalkiisa sii xoojinayaa yidhi “ Gabdhuhu waxay inta badan daneeyaan foolka cusub iyo qofka waageeniga ah, iyagoo aan waxba u arag qofka u dhaw ama jaalka la ah.

Ubax oo dareentay in ay geftay jaalkeeduna caddeyn aan meel looga dhuunta lahayn ku haysto, ayaa go’aansatay inay dhaahiso gacalkeeda, waxayna si dabacsan ugu tidhi “ Guhaadoow haddii rag oo dhan laysku soo daro mid aan kula simaa ma jireen, sidoo kale cid aan kugu doorsadaa ma jirteen, haddiiba rag lay kala dooransiin lahaa habdhaqankaaga, kartidaada, dadnimadaada iyo milgahaaga wiil aan kula jimeeya ma dhalan ma joogo cara edeg.

Guhaad oo kala badbatey ammaanta iyo dhaahinta ay Ubax ugu laba lixaadsatay  ayaa is yidhi gabadha culayska iyo culaabta ka dulqaadoo yidhi “Innagu walaalo ayaan nahay widaaynimona waa noo dheertahay, marka dad kala xanaaqa iyo dad nuxnux hoose kala gasho ma nihine, haasaawe guud maahine mid gaar ahina inagama dhaxayn, dee wiilkii kuu yimaad ama gabdhii ii timaadna waxba uma dhibeyso xidhiidhkeenna iyo wadajirkeena sidaan filayo.”

Halkaas ayaa Ubax kansho ka heshay ayaa iyadoo dhoolacaddeynaysa tidhi “ Maxaa diidaya haddaynu dad jaal, widaay iyo wehel ahba nahay inaan wax kalena ku sii darsano oo intaa ka badan wadaagno, intii cid kale inoo iman lahaydna inagu isu nimaadno, mise midaas qorshahaba kuuguma jirto?”

Guhaad ayaa isagoo oo geesinnimona iska goobaya ku warceliyay: Haddii aan widaaynimo, jaalnimo iyo wehelba nahay, wax kalena inaan ku darsano, wax diidaya ma jiraan, balse maaha arrin aynu isla soo qaadnay, waxaan laga wada hadalna laguma heshiiyo, Guhaad ayaa sii raaciyey, haddii aan inta  aan wadaagno ku darsan lahayn inta ka dhiman waxay noqon lahayd cawo iyo ayaane, sawtii soomaalidu ku maahmaahi jirtey “Ilays aqalkaaga looga baahan yahay, aqal dadoow looma iftiinsho”.

Ubax ayaa tidhi “ Guhaadoow kolay, intaan qof kale baran lahaa, adigaan ku aqaan, haddaad arrin iila timaad ogol baan dhihi lahaa.”

Guhaad oo tin iyo cidhib xaaddu istaagtay, hadalkaasina dareen hor leh geliyey, ayaa si qaboow u yidhi “Waa dhab oo dadka kalsoonida badan ka dhaxayso horena isula jaanqaaday, wax badan ayay wadaagi karaan.”

Guhaad waa ka meermeeray inuu abbaaro dulucda hadalka, balse Ubax iyadu waxay rabtaa haddiiba ay ogaato dareenka dhankiisa inay iyaduna gacalka gubaya kasheeda la wadaagto oo ay noqdaan kuwo nolosha guul ka gaadha.

Guhaad baa isagoo sidii qof saxday  xiix xiix haya hadalkii sii raaciyey “ Ubaxeey Geedka midhihiisa la yaqaana la gurtaaye, dadkana midka aad alabkiisa taqaana arrin lala wadaagaaye, aniga waxaan qabaa inaan joogno heerkaan wax walba isu sheegan lahayn, ileyn dad waaweyn baan noqonaye.

Guhaad malaha mana hayo kelyo uu ku yidhaahdo: Rabitaan iyo kalgacalbaan kuu qabaa, aad buu uga hamranaya,  inuu ku dhiiradana wax walba waa ay kala culustahay, waase dareensan yahay inuu arageeda, la joogeeda, barbar socodkeeda iyo sheeko wadaageedu kala weyn yahay wax walba ayna ka mudan tahay qof walba.

Guhaad iyo Ubax habeenkaas sidaa ayay ku kala hoydeen, iyadoo uusan qofna si badheedh ah u sheegan dareenkiisa, balse, hadal waayeel iyo kaftan gobeed laysu dul xaadiyey, qaab ka duwan qaabkii loo sheekaysan jirayna loo sheekaystay, iyadoo weliba kala goob yaallayo  oo hadalka daaqsin geel laysu marsiinayo.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

SHARE