Kulama jaan qaadi karaan!!. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Kulama jaan qaadi karaan.
Sababta dadka qaar ay kugu qilaafaan kadibna uga baxaan noloshaada ayaa ah mid aadan lug ku lahayn oo lagugu eedi karin.

Alle ayaa doortay in uu noloshaada ka saaro sababtana waxaa lagu macnayn karaa in ay tahay in aysan kula gaari karayn halka uu Alle noloshaada dhigayo.

Waxaa laga yaabaa in ay caqabad ku noqon lahaayeen heerka kale ee noloshaada u gudbayso, maxaa yeelay, noloshaada qaybtii ay ku lahaayeen iyo ujeedadii laga lahaa waa la gaaray, sidaa darteed waxba ha u xanuunsan uguna mashquulin tagiddooda, ha iska tagaan, horey u soco, qayb ka fiican qaybtooda ayaa iman doontee!

Adiga oo naftaada dhiiri galinaya ayaa la rabaa in aad ka soo qaado in ay la mid yihiin sida qof buug uusan aqrin karayn waxa ku qoran aadan ugu dhiibi lahayn aadan ugu dhiibin qalbigaada qof niyadjabkiisa iyo xanuujintiisa u taagan, sidoo kale aanan aqoon sida laguu jeclaado.

Daciifnimada Aadanaha ayaa ka mid ah in ay u ogolaadaan mararka qaar qof farxaddooda caqabad ku ah oo ay ahayd in ay noloshooda waa hore ka saaraan in ay u ogolaadaan in qofka nuucaas ah uu boos ku yeesho.

Waxaa laga yaabaa in uu jiro qof aad u jeceshahay si daran, balse Alle ogaalkiisa uu yahay in qofkaas uusan mustaqbalka noloshaada qayb ku lahayn, micnaha uusan guur idin dhex mari karin, hadana uu Alle qofkaas noloshaada ka saaro adiga oo aad ula xanuunsanaya sida qofkaas noloshaada uga baxay. Sida ay doontaba ha noqotee Alle marka uu kuu hayo mustaqbal wanaagsan kuuna qorsheeyay meel ka wanaagsan meesha aad jeceshahay ayuu kala jaraa xiriirka jacayl ee aad u qabto qofkaas aan kuu qalmin si uu u badbaadiyo wax ka wanaagsan waxa aad jeceshahay ee uu kuu hayo, maxaa yeelay, noloshaada ayaa uga qalmi og wax ka wanaagsan waxa aad markaas ku taamayso. Alle qorshiihiisa ayaa mar walba ka fiican riyooyinka wanaagsan iyo damcaaga nafsaaniga ah.
.
Hadaba iska hilmaan xiriirada dhintay iyo damac guur aan horey u socodka lahayn.

Iska illow doqomada iyo xaasidiinta Alle naftaada maslaxaddaada darteed uga saaro.

Iska illow kuwa aan wax qiima leh kusoo kordhin noloshaada.

Dhacdooyinka noloshaada ha qasban, u ogolow in wax walba si dabiiciyan ah kuugu dhacaan, balse, ha moogaan dadaalka rajada wanaagsan.

Dadka in aad noloshaada ka sii mid ahaanshahooda ku qasabto iska ilaali.

Ha ku qasbin dadka in ay waqti u helaan farxad galinta naftaada, ayaga ha ka timaado.

Qofna ha ku qasbin in uu ku fahmo, balse isku day ka dhaadhicinta dadka in ay si wanaagsan kuu fahmaan.

Waxaad u qalantaa qof ku fahmaya oo aysan u muuqan ceebtaada iyo daciifnaantaada, balse arki kara muuqaalkaaga qurxoon iyo waxtarkaada.

La noolow qof kuu ogol la noolaansho caafimaad qabta.

La noolow qof noloshaada qayb wanaagsan kusoo kordhin kara soona saari kara kartidaada iyo quruxdaada.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN