Ninkaaga aamin. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ninkaaga aamin.
Labada Jinsi ee Alle dunidan ku abuuray waa Lab iyo Dhidig, mid walba wuxuu leeyahay dhaqan gaar ah iyo fakar gaar ah, mid walbana kan kale wuu ka duwan yahay umana dhawa, balse waxaa la yaab leh in mid walba jecelyahay in kan kale u fahmo sida uu doonayo.

Xaqiiqiyan aad ayaa loo kala duwan yahay, Culimada Sayniska marka ay ka hadlayeen farqiga u dhaxeeyo labadaas jinsi aad ayey u kala fogeeyeen oo meeraha dhulka iyo kan la dhaho Maaris ayey la mid dhigeen kala fogaantooda xaga fakarka, dhaqanka, fahamkaba.

Sidaas ay tahay hadana aad ayaa la iskugu baahanyahay oo ma jiro mid noolaan karo kan kale la’aantiis, ma jiro mid farxad iyo murugo heli kara kan kale la’aantiis, ma jiro mid tarmi kara kan kale la’aantiis, hadana mid walba wuxuu kan kale uga baahan yahay is faham iyo aaminaad.

Aaminaadda oo ah mowduuceena qormadan ayaan jeclaa lahaa in aan dumarka diiradda ku saaro maadaama mar walba dumarka ay yihiin jinsiga shakiga badan ku jiro ee ay aaminaaddu ku yartahay.

Rag marka laga hadlayo wax walba ka filo, wax walba uu ninkaaga kuu sheegana waa in aad aamintaa, marka aan sidaa leeyahay ha igu xukmin in aan u xaklinayo dhanka raga, maxaa yeelay waxaan ogahay waxa qofka raga ah uu la kulmo iyo sida dhaqan ahaan iyo dabeecad ahaan uu u nool yahay, wax kaste oo macquul dumar ahaan aan kula noqon karin ayaa nolosha ninkaaga ka mid noqon kara, hadduu kuu sheegana waxaa ku qabanaysa beenta uu kuu sheegayo darteed inta ka yaq yaqsootid saliid karkaraysa ma ku shubtaa ama madaxa ma jabisaa?

Hala yaabin taas waa mas’uuliyadda Alle saaray ama waa midda ay qaadeen, tusaale waxaan kuu siinayaa Aayad quraan iyo mid ka mid ah qisooyinka Anbiyada Alle si laabtaada ay ugu xasisho una aaminto in ninkaaga wax walba uu kuu sheego aad aaminto, hubaal been in aysan caga badan lahayn oo aysan qarsoomi karin, laakin si aad uga fogaato is qabqabsi iyo aamin darro idin dhex marta adiga iyo ninkaaga aad marka hore aaminto waxa uu leeyahay, waan hubaa 80% in uusan been sheegayn.
Aan kuugu hormariyo hadalka Eebe ee dhahaya ” (إِنَّا عَرَضۡنَا ٱلۡأَمَانَةَ عَلَى ٱلسَّمَـٰوَ ٰ⁠تِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱلۡجِبَالِ فَأَبَیۡنَ أَن یَحۡمِلۡنَهَا وَأَشۡفَقۡنَ مِنۡهَا وَحَمَلَهَا ٱلۡإِنسَـٰنُۖ إِنَّهُۥ كَانَ ظَلُومࣰا جَهُولࣰا)”
Macnaha ayaadda haddaa taqaana waa taqaan, haddaadan aqoona waxay leedahay “waxaan u bandhigay Amaanada dhulka iyo cirka labadoodana gacanta ayey ka taageen oo waa iska diideen, waxaana qaatay markii dambe Dadka, dadkuna waa Juhalo dulmi u saaxiib ah”
Dadka laga hadlayo waa Raga, maxaa yeelay marka hore Alle wuxuu uumay rag, kadib ayuu dumarka ka jeexay laabtooda, marka masuuliyaddaas nin ayaa qaaday, nolosha dhan ayuu mas’uul ka noqday xitaa risaalada Alle rag ayaa loo soo dhiibay, marka ninkaaga marka uu saaka guriga ka baxo waxaad ogaataa in wax aan caadi ahayn oo macquul noqon karin uu la soo kulmi karo adigana in aad aamintaa ay kuu wanaagsantahay.

Qisada Anbiyada.

Waa run mararka qaar in ninkaaga uu soo daaho saq dhexe habeenkii jawaabta uu ku siiyana ay noqon karto mid buug walba haddaad baarto, cilmi walbana u bandhigto aadan mid la mid ah ka helayn. Aan kuu soo koobo waa jawaab aan macquil ahayn.

Wax kale ma dhihi lahayn ha guulaysto jacaylka aaminaadda ku dhisan oo marna aan dhulka ku dhicin.

Ka waran Nabi Yuunis wuxuu gurigiisa ka maqnaa 3 maalin, wax taleefon ah sooma dirin, ha isku dayin in aad i dhahdo ma jirin taleefon xilligaas, maxaa yeelay waqtigaas waxaa jiray wax ay dadka ku xiriii jireen waxay rabaan ha noqdeen, ka soco, farriin xitaa uma soo dirin Nabi yuunis xaaskiisa, markuu soo laabtay ay waydiisay halka uu ku maqnaana wuxuu ku yiri,” macaanto Nibiri ayaa i laqay wuuna isoo matagay 3 maalin kadib, kkkkk maka heshay, haddii aad xaaskaas ahaan lahayd aniga aan ninkaaga ahaan lahaa ma i aamini lahayd, Sidee kuugu dhadhami lahayd sheekadaas?
Hubaal in aad madax i jabin lahayd, inta saddex maalin kaa maqnaa hadana kuu sheegay wax aan caqligaada galayn oo macquul ahayn, hubaal in aad waxaad doonto igu samayn lahayd xanaaq dartiis.

Kusoo laabo Qisada, maxay ugu jawaabtay xaaskiisa?
Waxay tiri” iigu celi bal, ma caruur ayaa la hadlaysaa? Mallaay ayaa i laqay oo saddex maalin kadib isoo tufay aaa!!!! Maxaa i mooday markaad sidaas ii haro
wrsanayso, waxaaga waa Been, caay aad i caynayso waa ku darsatay, ma waxaad mooday in aanan maskax wax garato lahayn? Ii sheeg bal mallayga ku laqay nuucee ayuu ahaa?

Nabi Yuunis CSW isaga dhibkiisa ayaa haystay, qof aaminayso ma jirin, waxa uu sheegayana wax macquul ah ma ahayn, laakin isaga wuu ogaa in ay xaqiiq tahay, Alle oo kaliya ayaa la ogaa arrintan.

Qisada waan kuu sii wada doonaa, balse meeshaas waxaan ka fahami karnaa in xaalad walba oo macquul ahayn ay ninkaaga qabsan karto maadaama xil wayn saaran yahay, dunida oo dhan sharteeda iyo khayrkeedana ay isaga ka timaado kuna soo hormarto.

Nabi Yuunis CSW qisadiisa wuxuu la wadaagay Wadaad ka mid ahaa wadaadada markaas jiray, wadaadkiina jawaabta uu baxshay ayaa ahayd ” yuunisow maad Alle uga towbad keentid Beenta xooga badan ee aad iimaanka ku lifaaqayso?”

Xusuusnow in waagaaas Nabi Yuunis dadkiisa ay aamin waayeen, kadibna uu inta xanaaqay ku yiri sugta cadaabkiina saddex maalin kadib Alle oo u waxyoon, kadib markii ay saddexdii maalin dhamaatayna uu Alle cadaabin, nabigina uu is yiri kuwan ayaga oo awalba ku aamini waayay hadana Alle uusan cadaabkii aad u yaboohday u keenin fadhi kuuma yaalee ka haajir sidaasna isaga oo Doon saaran loo qori ritay doontii markii ay dhaqaqi waysay isagana badda lagu tuuray oo sidaas Nibiriga ku laqay.
Waan soo koobay Qisada, laga yaabee in sidii la rabay aanan u sheegin balse xikmadda ayaan ka soo qaatay oo kaliya, inta kale waad la socotaan ayaan filayaa.

Way dhacdaa in mararka qaar uu ninkaaga wax aan macquul ahayn kuu sheego, dariskaaga xitaa haddaad la wadaagto lagugu dhahayo waxa uu kuu sheegayo u qaado in ay Naag kale meesha ku jirto.

Laakin tusaala gaaban, Nabi Yuunis qisadiisa aniga iyo adigana way naga dhaadhacsantahay in uu run sheegayay xilligaas, inta uusan Alle umaddiisa u caddayn runnimada Nabi Yuunis, bal cabir sida xaalkiisa uu ahaa xaaskiisana ay ku fakaraysay.

Ninkaaga aamin wax walba uu kuu sheego, been meel dheer maba gaari karto oo socodkeeda ayaaba gaaban way soo baxaysaa, laakin aaminaadda ayaa abuurta Jacayl iyo Naxariis labadiina idinku dhex raagto, kalsooni darrada waxay abuurtaa Karaahsi iyo qalalaase qoyseed taasna ka digtoonow, nolosha qoyska waa mid caqabad badan, waxay mudantahay in dulqaad iyo mas’uulnimo loo guto, kuma dhahayo wax walba oo uu ninkaaga kuu sheego wuu ka run sheegayaa, laakin waxaan ku dhahayaa aamin wax walba uu kuu sheego si maslaxaddiina ay u noqoto mid bullaasha oo guul ku dhamaata.

Qore: mohamed Musa Sh. Noor

Xabuu8@gmail.com

Ekisyare@hotmail.com

SHEEKOOYIN