Filan waa Q43AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q43AAD

 

 

 

Waxay bannaanka guriga ka maqlayn mushxarad iyo alaas, il bidhiqsiyo kaddibna waxaa u soo gashay hooyaddi, waxayna ugu hambalyaysay in wiilkeedi Cabdicade oo ah da’dii ka yarayd Maxamed oo adeerkii oo daganaa miyiga la joogay uu hadda guriga gabadh uu la soo baxay uu keenay.

Maxamed iyo Aabbihii ayaa halmar  si wada jira u yidhi: “hambalyo hambalyo” oday Diiriye oo wajigiisa farxad badani ka muuqato ayaa wuxuu yidhi : “aad ayaan ugu riyaaqsanahay  caawa  wiilkayga Cabdi cade iyo gabadha uu la soo baxay, waxaan siddookale ku farasxanahay  inantayda Nuura oo iyaddana shalay la soo doontay toddobaadka dambana arooskeedu dhici doona,waan ogaa Cabdi cade waa nin adag, waana hubaa inuu reerkiisa dhaqan karo xilka uu qaadayna ka soo dhalaalidoono.

Odaygii hadalkiisii sii wata ayaa wuxuu yidhi: “ Maxamedow adiguna jacaylbaa i haya iyo calaacal halkaa la fadhi, wiilyahow qayrkaa waad ka hadhay, markaad yarayd aad ayaan kuugu hanweynaa, lamood se’ noqonweyd! Waxaan ku dhihi lahaa caymo ayaad leedahee hadda is dabaqabo oo fadhiga ka kac”.

Maamo dahabo, oo hadalka kulul ee oday Diiriye ka yara cadhootay, ayaa waxay tidhi: “ee wiilka sidaa ha ula hadlin, Maxamed dadaal kuma yarayn ee wali calafkiisa ayaa dhiman, mida kale waxaad ogaata miyiga iyo magaaladu isku dhaqan ma haan, xilligan la joogo adDuunku wuu hormaray, waa laga baxay dhaqamadii hore ee jaahiliga ahaa, magaalada waxaa ka jira waxay dhahaan dookh iyo doorasho dhalLinyaraduna waxay isku guursadaan jacayl, iyo rabitaan, haddana waxaan rajaynayaa wiilkayga Maxamed inuu isna dhawaan guursan doono”.

Maxamed,  oo hadalka hooyadii aad ugu faraxsan, ayaa wuxuu yidhi: “hooyo waa sidaa aad sheegtay, aad ayaan kaaga mahad celinayaa waligaaba garabkayga ayaad taagnayd, sidoo kale runtii waan ku faraxsanahay aroosyada isku soo beegmay ee walaashay Nuura iyo walaalkay Cabdi cade, aabo adiguna waad mahadsantahay, hadalkaagu canaan ma haan ee waa dhiiri galin, , inshaa’alaah dhawaan waxaan rajaynayaa inay riyadaydu rumowdo, haddana waa xilli dambe barina howl ayaa ina sugaysa, anigu waan seexanayaa ee habeen wanaagsan.

Reerka culays badan ayaa soo wajahay oo laba aroos ayaa isku soo beegmay in kastoo howsha arooska Cabdi cade ayna sidaa u sii cuslayn, haddana arrin walba howsheeda ayay leedahay.

Balse walwal badan lagama qabo arooska Cabdi cade, sababtoo ah isaga iyo gabadha uu calmaday ee uu la soo baxay labadooduba waa reer guuraa, arooska reer miyiguna marka loo eego ama la barbar dhigo kan magaalada aad ayuu u fududyahay, dhaqaale baddana kuma baxo, guriga ama xaafadda ayaa intaa gole laga dhiso  habeenkii lagu soo galbiyaa arooska,  dhallinyaro gabdho iyo wiil isugu jira ayaa iyaguna  gaafka  ku soo bandhiga gabayo, hal xidhaale, heeso iyo ciyaar dhaqameed.

Laakiin arooska Nuura qoysku si weyn ayay u hadal hayaan,  waa mida koowaadee, reerku wax gabadha ama inan ah Nuura oo kaliya umbayba dhaleen, sidaa darteed reerku aad ayay u jecelyihiin Nuura,  arooskeedana loo kala hadhimaayo, midda labaad, waxaa soo doontay wiil ay ina abti yihiin oo qoyska ka mida, haddana qurbe ka yimid oo dhaqaale haystaa, sidaa owgeed arrintu waxay  u baahantahy wakhti, iyo diyaar garow dheeriya, qorshuhuna wuxuu yahay in Huteel la soo kireeyo, marti sharaf iyo fannaaniinba lagu martiqaado oo aroos aad u heer sareeya loo dhigo.

Markuu waagu baryay, Maxamed walaashii Nuura ayuu u yeedhay si uu uga la hadlo arrinta arooskeeda iyo sida ay u aragto ninkan soo doontay, wuxuu yidhi: “ walaalo go’aanka adigaa iska leh cidna kuma qasbi karto, xoog iyo jujuub wax la yidhaahdo ma jiraan, qof walba dookhiisa iyo rabitaankiisa isagaa u madax badanaan, anigu garabkaaga ayaan taaganahay, waxaad ogaataa guur aadan raali ka ahayn in aan lagugu qasbi karin, balse waxaan rabaa inaan  ku weydiiyo arrin aad hadda ka hor ii sheegtay, wiilkii aad is jecleydeen ee mudda dheer wada socoteen xidhiidhkiinii wali ma siddiibaa mise waad kala hadheen?.

Nuura oo wajigeeda fikir iyo murugo ka muuqato ayaa waxay tidhi: “Walaalo sheekadan guurka iyo ninkan isoo doontay saaka umbaan maqlay, cidna igalama tashan qofna waxba ima waydiin, aniguna waxaan ka yeeli doono kollay anigay iitaalaa, tan kale  wiilka aad sheegtay Hanad ayaa la dhahaa mudo dheer ayaan wada soconay walina waan is jecelnahay, hadda Jaamacada Camuud ayuu wax ka bartaa, nasiib wanaag maanta ayay dhacaysaa xafladii qalin jabintu, waxaana ku balansanahay todDobaadka soo socda inuu isoo doonto.

 La soco qaybaha dame.

W/Q: Yaasiin xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

SHEEKOOYIN