Muwaadinka habacsan W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

Muwaadinka habacsan
Etienne de la boetie oo ahaa philosopher faransiis ah waxa uu buugiisa (The Discourse on Voluntary Servitude) ku xusay:
“Kolkii ay waddan la soo daristo caburin ama takrifal daba dheeraada waxaa unkama jiilal aan wax baahi ah u qabin xorriyadda, kuwaasi oo la qabsada takrifalka, waxaa kolkaasi soo ifbaxa waxa loo yaqaanno (muwaadinka habacsan)”.
Waqtiyadan aan ku jirno waxa ay nolosha muwaadinka habacsani noqotay mid go’doon ah, muwaadinka habacsani waxa uu ahmiyadda ku koobayaa saddex waxyaabood oo kala ah:
1. Diinta
2. Quutka
3. Madadaallada
Diintu ma ahan mid uga dhigan in ay tahay xaq iyo cadaalad, balse waxaa kaliya ee uu u arkayaa in ay diintu tahay dhaqan la dhowrayo iyo habraac la gudanayo, waxa uu si caadi ah u sameeynayaa gefafka, beenta, munaafaqadda, laaluushka, IWM, balse waxa uu dareemayaa denbi aad u weyn markii ay seegto hal salaad, waxaa laga yaabaa in uu diinta u mudaharaado marki uu ogaado in ay jirto dhib isaga ku soo wajahan, balse uusan ka dhiidhin waxyaabaha ka soconaya hareerihiisa sida takrifalka, dulmiga, iyo tacadiyada kale ee taagan maalin walba.
Quutka nolosha ayaa ah arrinta labaad ee uu muwaadinka habacsani saarayo awoodda, isaga oo ay fekradiisu ku koobantahay sidii uu nolosha u dabaran lahaa, carruurta u korsan lahaa isaga oo aan ka fakarin xaquuqda siyaasadeed iyo midda bulsho ee ka maqan iyo xayiraadaha ku gadaaman noloshiisa.
Madadaallada iyo cayaaraha ayaa ah waxa uu muwaadinka habacsani u arko in ay ka dheereyneyso murugada iyo walwalka nolosha ee dhabta ah ee isaga ku xeeran si uu isu mootiyo waqtiga.
Muwaadinka habacsan ayaa ah caqabadda ku hor go’an horumar walba oo la gaari lahaa, Mana ahan isbadelku mid imaanaya tan iyo inta uu muwaadinkaasi ka soo baxayo fakraddaasi go’doonka ah isla markaana uu garoowsanayo in ka dhiidhinta takrifalku ay ka dhib yar tahay u dulqaadashada takrifalka.
W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

SHEEKOOYIN