Maxaa ugu wacan in dad badan oo soomaali ah DIINTA ISLAAMKA ka baxaan?!

qormo

Maxaa ugu wacan in dad badan oo soomaali ah DIINTA ISLAAMKA ka baxaan?!

 

Sidaan wada ogsoon nahay, waxaa isa soo taraya dad badan oo soomaali ah, oo Diinta Islaamka ka baxay. Arrinkan oo ah mid ugubku ah/ku cusub bulsha weynta soomaaliyeed, ayaan is weyddiiyay; maxaa sababay ama ugu wacan in dad Islaam ah oo diinta macaan ab iyo isir u leh lagu dhalay, laguna dhaqay ay si fudud/sahlan uga baxaan diintooda suubban?

Su’aashan ayaan jawaabteeda ku saleeyay laba arrimood, waxaa dhici karta ama macquulba ah in dad badan iga fikir duwan yihiiin, kuwa ila qaba arrinkaan ama igu aragti iyo ra’yi ahna  in la helo.

TA KOOWAAD; Aan ku billaabee qodobka koobaad ayaa wuxuu yahay in dadka soomaaliyeed ay ku timid habacsanaan xagga ku dhaqanka diinta ah, taas oo loo keenay ayaguna aysan ka fiirsan, ee sidii baalkaa biyood dab arkay ay isku tureen. Waxyaabaha laga dhaxlay ayaa waxaa ka mid ah in wax badan oo xaaraam ahaa xalal looga dhigay, halka wax badan oo xalaal ahaana loo xaaraantimeeyay.

Fududeyskaas diinta la fududeystay ayaa dhalisay in ugu dambeyntii loo arko wax laga bixi karo lana soo galikaro, oo aan wax micna weyn ah ku fadhin, sidaasna ay dad badani ku tageen, kuna qaateen diimo kale.

TAN LABAAD; arrinka labaad ee aan u sababeeyay dhibaatadaan / u aaneeyay ayaa ah, markii dalkii soomaaliya burburku ku yimid, dadkiiina qaxeen, oo gaareen ama tageen waddammo kale oo aanan dhaqan, diin iyo luuqad  toona wadaagin, in ay billaabato in koow dhaqammadooda la qaato dadkii loo tagay, loogana daydo waxyaaba xun xun oo lid ku ah /ka hor imaanaya diinteenna suubban, sida in dumarkii is qaawiyaan, oo u labistaan sida dumarkii gaalada, in qamrigiii laga dhigto wax iska caadi ah iyo wax yaaba kaloo badan, taas oo kalliftay in diinta loo arko wax laga bixi akro, lana soo galikaro, oo iska caadi ah micna weynna aanku fadhin,  sidaasna DIINTA ISLAAMKA dad badani uga baxaan una qaataan diimo kale .

 

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA DHIBAATADAAN BADATAY?

 

Sid ay ila tahay waa in dadka soomaaliyeed qaasatan waalidiintu ku dadaalaan labo arrimoood, kuwaas oo aan isleeyahay waxbey ka baddali karaan dhibkaan;

KOOW; waa in dhammaan ummadda soomaaliyeed ogaadaan oo garaawsadaan in tani tahay cawaaqib xumo tii ugu liidatay, oo berri ay ka shalleyn doonaan, haddii aan maanta laysku xilqaamin!

LABO; waa in waalidka soomaaliyeed ogaadaan carruurahooda la socdaan kana warqabaan saacad waliba.

Si gaar ah labada arrimood oo aan u sababeynay dhibaatadaan waa in laga digtoonaadaa, ka warqab canugagaga, dugsiga uga warqab, waxa la baro iyo waxa loo dhigo la soco, schoolka uga warqab  meel kasta oo uu jooga la soco lana xariir xaalkiisa la sheekeyso, bar afkiisa hooyo diinta islaamkana kula dadaal.

Waxyaabaha wanaagsan ku ababi sida siirada rasuulka csw, cadaabka iyo xanuunkiisa uga sheekee jannada iyo macaankeedana uga sheekee.

Ilaahay waxaan ka baryeynaa in ummaddeenna soomaaliyeed xaqa tuso, kuna sugu diintooda suubban. Aamiin.

 

W. Q; Hodan Sheikh Cumar

Hodan2015@autlook.com

SHEEKOOYIN