Qaado go’aan quman! W/Q: Cabdisalaan Macallin Xersi

 

Qaado go’aan quman!

Ma jirtaa arrin aad kari wayday maskaxdaaduna ka noogtay in ay go’aan cad oo wax tar leh ka qaadato?  ma leedahay habdhaqan aad neceb tahay  aadna tahli wayday in aad naftaada ka jarto? Ma ku wareertaa in aad arrimahaada go’aan degdeg ah ka gaarto? Mise kugu adag tahay in aad laba dooran midkood doorato? Ma dareentaa in aad go’aamo waaweyn qaadan Karin?

Weydiinta warcelintaa  sare kolkaan  dad badan warsaday oo  waydiiyay? Waxay ku wada warceliyeen  si isku mid ah, isku cayn ah, oo waxay yiraahdeen “Haa” adna akhristow in aad sidaas si la mid ah ku warcelisay kolkaad qoraalkan akhriday  waa suura gal, si taas la mid ah waxaa kula habboonaatay in aad hesho hab aad marto kolka aad go’aan gaaraysid.

Haddaba maqaalkaan waxaan ku furfuri doonaana kuna  falanqayn doonaa tallaabooyinka  ugu wanaagsan, ugu maan galsan uguna mudan in uu maro qofku marka uu rabo in uu go’aan wax ku ool ah arrin hor taala  ka gaaro.

 Waxaan ku jirnaa bishii soonqaad ee aan maalintiina af xirnayn  habeenkiina aan salaadda u istaagsanayn , waa bil ay fududahay in qofku qaato go’aamo waaweyn oo  waxtar adduun iyo mid aakhiriba u leh, inta bishaan lagu jiri qofku waxa uu  bislayn karaa naftiisa asaga oo u carbinaaya iney go’aamo togtogan  qaadato, waad ila wada qirsan tihiin in inta bishaan lagu guda jiro  ay fududahay in nafta la garba duubo, loona weeciyo wanaagga iyo waddada toosanah.

waxaa jirta oraah tiraahda”Halka aad maanta taagan tahay waxaa ku keenay oo kusoo xambaaray go’aamadii aad shalay soo qaadatay”  taasi waa marqaati ma doon aan cidna loo daba fadhiisanayn in go’aamadii aad shalay qaadatay maanta halkaan aad joogto ku keeneen, kuna soo jiideen.

Tusaale: haddii aad maanta tahay arday jaamaacad dhammaystay oo qalin bedeshay, aqoon yahana lagugu tilmaamo iyo nin wax bartay, sow lama oran karo ga’aankii aad qaadatay maalintii aad iskuulka(school) idlaysay  ayaa halkaan kusoo gaarsiiyay, ka warran  haddii aad maalintaas  go’aan ku gaari lahayd in aad noqoto ganacsade dukaan leh, maanta jaamacad ma ma dhamamayseen , ee waxaad noqon lahaynd ganacsade ku hawlan iibin iyo soo ibin waa haddii aad fursadaas heli lahayde.

Tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah go’aan qaadashada

Go’aan : Waa  arrin la gooyey ama la goostay; si laysku raacay oo talo ku dhammaatay ama ku go’day; guddoon; talo.

Qaadashada go’aan mira dhal ahi waxay timaadaa ka fiirsi, ka baaraan degid  iyo foojignaan badan kaddib, go’aanka waxaa lagu dhisaa tiirar iyo aasaasna  looga dhigaa xog ururin, tashi, iyo tallan fara badan, saadaalin aqoon  ku dhisan iyo garasho dheer oo ku saabsan  goorta  aad go’aanka gaaraysid iyo meesha aad ku gaaraysid, waxtarka ka dhalan kara iyo dhimaalaha iman kara.

Waxaa jira qaabab kala duwan oo loo maro kolka go’aan la qaadanaayo, qaababkaas dhammaantood tijaabo,  iyo isla arag ayay ku yimaadiin,  dad badan oo tijaabiyayna   waa ku liibaaneen, adna inaad ku liibaanto  ayaa laga yaabaa haddii aad raacdid  markaad go’aan qaadanaysid tallaabooyinkaan.

  1. Qeex go’aankaaga:tallaabada koowaad waa in aad caddaysid go’aan ee aad rabtid in aad qaadato, adiga oo tixgelinaaya ujeedka aad u goosanayso.
  2. Xog aruurin la xiriirta goosashadaadasamee:  inta aadan go’aan degdeg ah gaarin waa in aad ururisaa xog ku saabsan arrinkaaga ,  sidoo kale waa inaad ogaataa inta warbixin iyo war  ee aad u baahan tahay iyo halka aad warbixintaas ka heli karto, waqtiga aad heli kartidba,  in aad xuuraansi la timaado waa lagama maarmaan, soomaaliduna waata tiraahda:”war helaa tala hela”  taasoo ka dhigan ogaalkaagu inta uu gaarsiisan yahay ayaad xal u heli kartaa.
  3. Abuur/furo waddooyin  kala duwan oo aad u maraysid go’aankaaga:  kaddib marka aad hesho xog iyo warbixin kugu filan, waa in aad ka fikirtaa  waddooyinka kuu furan iyo kuwaan kuu furnaynba, isna waydiisaa jidadka aad awoodo in aad adigu samaysato ama aad bannaysataba.
  4. Halbeeg saar waxtarka aad helaysid haddii aad go’aankaan si quman u qaadato:si nafto kuugu riixdo in aad go’aan gaartid weliba mid waxtar leh, waa in aad jimeysaa waxa kasoo galaysa arrinkaan iyo  miraha ka dhallan doona.
  5. Jidadki aad abuurtay  hadda mid ka dooro:markaad halbeegto ee jimeyso  waxdheefka iyo waxtarka aad ka dhaansan doonto ayaatiinka dambe ama maanta go’aanka aad qaadaynaysid naftuna  aad u diyaariso, dooro waddada  ama isku gaynta laba waddo ee aad horay u dooratay, adiga oo dhinac walba arrinta ka istaagaaya foojignaan iyo hal adaygna isku daraaya.
  6. ku dhaqaaq go’aankaaga hadda:markaad soo marsiisid hab qaadasha go’aankaaga dhammaan tillaabiyinka sare, waxaad u baanhan tahay in aad fuliso falna la timaado arrintii aad lafa gurtay ee aad xogteeda heshay  ku dhaqaaq fullinteeda adoo rabbi kaalmo waydiisanaaya, iskuna kalsoon, qalbigana ku haya in alle  kaalmeeyo uusan kufin.
  7. Marwalba dib u eegis ku samee go’aankaad qaadatay: waa arrin biyo kama dhibcaan ah in aad si joogta ah u la socotid go’aankaaga, si joogta ahna aaad uga warqabtid heerka uu maraayo, waa inaad la socotaa dhanka uu dhaqaaqo muujiyaha go’aankaagu, haddii uu u dhaqaaqo dhanka saxda ah waa inaad joogtaysaa, haddiise dhan aadan rabbin uu kuula dhaqaaqo waa in aad barqo horaba ka degtaa gaariga ku sida, doorasho kalana samaysataa.

Gunnaad.

Maalin kasta waxaynu u baahanahay go’aan cusub in aan gaarno, waagii beryaba go’aamo waa waawayn ayuu nooga baahan yahay si aan go’aamadaas u wanaajisano waa inaan si fiican u naqaanaa habka go’aan toosan loo qaato, loogana digtoonaado go’aan taban oo aan nagu duwayn liibaanteena maanta iyo teena berito.

W/Q: Cabdisalaan Macallin Xersi

SHEEKOOYIN