Home Curis GARBADUUB Q12AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q12AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q12AAD

Ubax oo markay heshay oo ogaatey waxay rabtay nabdiguna u qaboobay ayaa tidhi “ Haddii laabtayda laguu furi lahaa oo daawo lagu dhihi lahaa waxaad ogaan lahayd wax badan”

Guhaad oo dareen sakati ah galay oo is leh, ma waxay ku dhihi doontaa Qofna laba qof ma wada jeclaade, qof kale ayaan jeclahay” ayaa  isaga oo digtoon weydiiyey “ Oo tolow maxaan ku arki lahaa?”

Intey indho naxariis leh ku soo bacleeshay, jaleeco dareen gacalnimo huwana ku eegtay ayay tidhi “ Waxaad ogaan lahayd in magacaagu meel walba xidida halbowlayaasha iyo aroorayaasha uga xardhan yahay, aadna tahay qofka keliya ee aan cara edeg waxa eebbe rag uumay ka shansanayo”

Guhaad oo intuu kala badbatey riyaaqa iyo obsiga dartiis inuu dilaaco ku dhaw ayaa intuu gacan qaad u soo taagay wuxuu ku luuqeeyey heestii hobolkii caanka ahaa Maxamed Mooge:

  • Mudantii haweenkaay
  • Marwadii la sheegee
  • Dadku wada majeertee
  • Dumar lama maseeyee
  • Muxubada kalgacalkaay.
  • Laanyahay magooshee
  • Midhihiyo caleentiyo
  • Manka lagu tallaalee
  • Ubax lagu mariimayee
  • Qurux lagu manaystaay.
  • Muddo aan yarayn baan
  • Kugu soo maqnaayoo
  • Ma ogtahay habeenadan
  • Sida mayayga roobkoo
  • Hadba maayad keenaad
  • Ii muuqa taayoo oooo
  • Muxibada kalgacalka
  • Hadba soo mir kacayaa………….

Markay intaas maqashay ee weliba cod macaan oo debacsan uu ugu xareediyey ayey iyada oo iska jireysa inuu ka libin helo, dooneysana inay dareenkeeda muujiso, kaalinteedana qaato iyaduba kama cod yara oo weligoodba waa ku tartami jireen heesaha, caawase waa dhab u hees oo qof weliba dareenkiisa ayuu muujinayaa ayay ku dhufatay heestii ay hobollada caanka ah ee Xabiiba Xasan Tooxoow ku xareedin jirtey:

  • Uurkiyo qalbiga
  • Haddii aadan ku ool
  • Ubax iyo jacayl
  • Kulamaan sugeyn.
  • Eelkaad wadnaha
  • Ku abuurtey baan
  • Abid iga go’ayn
  • Naf ku aaminta
  • Sida eyri dhaban
  • Dayn weyday olol
  • Aragiisaan kaan
  • Ku il doogsadoow
  • Ammaaniyo ducaba
  • Ducaba ducaba
  • Waad istaahishaa
  • Inaan kuu tirshee
  • Aayatiin ku waar.
  • Amba maalintaan
  • Ku arkaa Jacayl
  • Unugyada jirkiyo
  • Oofaha degee 
  • Adduunyada dhammaan
  • Inta ragee ku nool
  • Waa adiga uun
  • Kaan ka alkuntee
  • Anna aawadaa
  • Anfacadii ka go’ay.
  • Quruxdii ifkiyo
  • Ilays waa baryee
  • Ammaantiyo ducada
  • Ducada ducada
  • Alla ha aqbalee
  • Aan aqal galnee
  • Ubax iga guddoon.

Markii qof weliba dareenkiisa muujiyey ee raynrayn iyo riyaaq lagu guddoomay gacalka cusub, qof welibana gaadhay libintii uu sugayey ayaa laysla meel dhigay in loo diyaar garoobo sidii gacmaha laysku qabsan lahaa,  kalgacalkoodana looga mira dhalin lahaa, inta ay dugsiga  ka dhammeynayaana ay iska dhursugaan.

Guhaad oo sheekadii sii wada ayaa yidhi “habeenkaasi wuxuu noo ahaa habeen barkhadeed, waxaa uuna ahaa habeenkii aannu gaadhnay go’aankii guusha”.

Waxaa aannu in door ah shuxshuxeynayba oo haasaawaha laba shubnaba waxaa aannu dhammeynay dugsigii, waxaan ka mid noqday ardeydii tababarka ciidanka labada gu’ ah loo direy, kaddib markii aan dhammeeyey ayaan doortey kuliyada ciidanka, waxaana laygu qaatay sarkaal xidigle ah, waxaa haddana sii watay hawlahaygii ciidanka ilaa aan noqday kabtan buuxa.

Ubaxna waxay ka mid noqotey ardeydii shaqada qaranka loo direy waxaana ugu dambeyn qaadatay wasaaradda maaliyada qaybta cashuuraha beriga oo ay isla magaaladayadii Baarcad waaxda ka hawlgasha.

Waxaa la gaadhay ammintii aan ballaney, waxaana arrintii la socodsiinay labada dhinac waalidiintii hooyaday Dhudi iyo adeeraday, iyaduna aabbaheed Carraale ayay u sheegtay, waana lagu taageeray aragtidayadii ahayd inaan qoys wada yagleelo.

Ubax iyo aniga waxaa aannu go’aansanay inaan marka hore is mehersano, kaddibna aan aqal galno.

Habeenkii meherkaygu dhacay ayaa Ubax gurigeeda naloogu sameeyey is tus saddex habeen ah, arrintaasna waxaa soo jeedisay hooyaday Dhudi maxaa yeelay waxay ahayd oori nin ciidan ah u dhaxday isla ciidanimada ku weyday, waxay ka codsatay reer Carraale in wax weliba dhici karaan ee layskaaya sii tuso, annagu arrintaas waxba kama aannu ogeyn ilaa naloo sheegay, waase u bogeyney oo laba bog oo isku baahi qaba ayaannu ahayn.

Maalintii aan ka soo noqday arooski iyo meherkii gaabnaa kuna soo noqday xeradii ciidanka ayaa waxaa aniga oo jooga xaruntaydii iyo rugtii maamulka ayaa ciidan dudaya iisoo galay, kaddibna waxaa laygu dul aqriyey warqad iyadoo lay faray.

Inaan dhammaan agabkaygii ciidanka wareejiyo iyo xog waraaqeedkii aan hayey laga bilaabo goortaasna aan ahay nin xidhan oo sugaya garsoorka ciidanka.

Maalintaas ayay ii bilaabatay kadeedka iyo dhibka aan maanta ku jiraa, waxaana ilaa hadda ogeyn meesha layga maagay.

Ragga isoo xidhay waxay ahaayeen rag aannu ka wada hawl galno xerada ciidanka waxaana madax u ahaa taliyihii guud ee Bile Dheere iyo wiilkii uu adeerka u ahaa ee Huruuse.

Waxaa kale oo isaguna sheegay inuu marag ka ahaa inaan fuliyey hawlgal ka dhan ah nabadgelyada dalka nin ku xigeen ii ahaa oo ila shaqeynayey iyo laba ka mid ah kuwii iigu dhawaa oo mid ahaa darawalkayga dhanka hawlgallada.

Ma garan karo wax igu jujuubi kara inaan dalkayga iyo dadkayga shisheeye u loogo, waxaanse hadda ahayn nin ku eedaysan wax aannu dooc iyo dareen midna ka haynin.

Oday Dirir oo arkay murugada iyo uur ku taallada ka muuqata ayaa isna markiisii bilaabay inuu u laab qaboojiyo, waxa uuna ku yidhi “ Midho nin aan cunin ma qabtaan, balse waxaan kuu sheegayaa godka aynu ku jirno, maaha mid dhayal looga baxo adigoo dhinta ama baxsada maahine.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

SHARE