Laba Naxariis:- Rabadaan iyo Raxmo Q1AAD W/Q: Maxamed C. Kooliyoow

Laba Naxariis:- Rabadaan iyo Raxmo

Waxaan la noolaa hooyadey oo da’ ahayd, aabbaheyna waa horuu dunida dhaafay, walaal iyo qaraabbana aniga iyo hooyadey baa isku ahaa. Waxaan dhammeeyay dugsiyada; hoose/dhexe iyo sare, ka dibna sida xilligaaba caadada ahayd waxaan ku biiray dugsigii tabbabarka, Xalane. In door ah ka dib, waxaa la soo gaaray gebagebadii tabbabarka dugsigaa.

Waxa ay ahayd galab casarliiq ah, dabshidkii 1976, waxaan horjoogay dugsiga tabbabarka Xalane, oo uu gu’gaa ii ahaa midkii iigu danbeeyay ee aan wax ka korarsado. Waxaan ahaa nin yar (jir ahaan), balse da’ ah markii ay timaaddo difaacidda dalka. Waxa ay ardaydii igu loodka ahayd oo dhan isku diyaarineysaa in ay ka qeybqaadato wax uu taliska xilligaa jiray (kacaanka) ku sheegay “Soo celin dhul Soomaaliyeed” anna markii aan maqlay soo celin dhul soomaaliyeed, waan miirdaboolmay. Habeenno badan oo soo jeed ah waxaan is weyddiinayay, “sidee baa dhul soomaaliyeed lagu heysan karaa adigoo nool!?” ‘Maya’ bay ahayd falcelinta fiidka habeennadaa la heli karay, balse mayada laftirkeeda la la seexan waayay, oo waa lagu celcelinayay.

Waxaa la gaaray gu’gii xigay, wax badan baa is rogay, ciil iyo caro habeenna badan lagu seexday waxaa nafta loo sheegay in gu’gan uu ku ekaan doono, calooshana la dhuuqsado, dhabarkana loo rito dhib walba. Waxaan niyadda ku hayay in aan safka hore kaga jiro dagaalkaa, balse hal dhib baan wax la cuni waayay, la na hurdi waayay, waa hooyadeey oo waayeel ah, wax caawiya iyo carruurba ay aniga kaligey iga heysato, sidaan ka yeeli lahaa arrintaa.

Waxaan is baranay inan Raxmo lagu magacaabo oo deriskeenna ahayd. ‘Ma arag, mana maqal gabadh la mid ah Raxmo.’ Waayo, wanaag haddii la gu tilmaayo ilma aadan iyo xaawo, iyada waxa ay ahayd kuwa ugu horreeya, waa haddii aysanba noqon midda ugu horreysa, dhanka gabdhaha.

Maalmaan wada sheekeysannay, si hoose baan usii wada hadalnay, wixii rag dareen alle ku abuuray ku dhici jiray baa anna igu dhacay. Haddase arrinteyda way ka sii dartay, dhibaato labaad baa ii sii dheeraatay, xalna waa la iga sugayaa. Haddii aan xalka Raxmo ka dhigi lahaa inaan guursado, waxba jeebkeyga kuma jiro, haddii aan dagaalka cirroole iyo carruurba loo kala harin aadi lahaana, hooyadeey baan cadow kale kaga tagi karin, gaajo, mugdi iyo wehel la’aan.

La soco qaybaha kale

W/Q: Maxamed C. Kooliyoow

SHEEKOOYIN