Waa tuma Haweenta wax ku falaysaa ninka nuucan ah? Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Waa tuma Haweenta wax ku falaysaa ninka nuucan ah?

Marka aad qof dumar ah tahay waa in aad qiimayn kor iyo hoos ahba aad ku samaysaa ninka aad noloshaada u xulanaysa, maxaa yeelay, ma ahan mid sariirta kaliya kugu wehelin doona ee waa midka noqon doona ilmahaaga aabahood, sidoo kale waa muraayaddaada dibadda ee lagaa daawan doono, si kale waa noloshaada oo dhan astaanteeda, haddiiba tilmaamahaas aan soo sheegay aad igu waafaqsantahay maxaa diidaya marka in xulashadaada ay noqoto mid qoto dheer oo aan lagu qiimayn shilin, qaab muuqaaleed iyo dareen macaan oo daqiiqado ku kooban, waxa aan ka hadlayno waa inta aad nooshahay noloshaada jiritaankeeda.

Haddaba haddii intaa aan kor kusoo xariiqay aad ila fahamtay ujeedada aan ka leeyahay waxaan ku leeyahay waxaa jirto 8 nuuc oo aan ku dhihi lahaa haddii ninka aad noloshaada u xulan lahayd ku aragto uu leeyahay aad ogaataa in aad gacan qaldan ku jirto, nin aan noloshaada ku haboonayna aad wax la wadaagayso.

1. NIN AAN XUSHMAYN DUQOWDA IYO DADKABA.
haddii uusan xushmayn dadka waayeelada ah iyo dadka caadiga ahba sidee ayuu adiga kuu xushmaynayaa? Marka aan sidaa leeyahay qofka aad noloshaada u xulanayso waa in uu xushmad u hayaa labada waalid ee kiisa iyo kaagab sidoo kale dadka, qof aan intaa lahayn muxuu ku siiyaa? saa wax uu haysto maba lahan, waxaa dadka wax ugu deeqo qof wax haysta qof aan waxba haysan muxuu ku deeqaa?

2.NIN DUMARKA CAAYA AMA LA CAAYTAMA.
Haddiiba ay agtiisa caada ka tahay in uu dumarka la caaytamo ama ay la fududahay in uu iska caayo qof dumar ah ninkaas naftaada ha u xulan, maxaa yeelay, waa calaamad ku tusaysa in uusan dumarka wax xushmad ah u hayn, sidee marka adiga oo xaaskiisa ah oo gurigiisa ku jira uu kaaga xishoonayaa haddiiba uu ka xishoon waayay kuwa banaanka jooga?

Waa qalad uu nin rag ah Caayo ama la caaytamo Dumarka. Waa in dumarka xitaa hadduu ceebtooda ogyahay uu asturaa, waxay noqon kartaa qof kale xaaskiisa, walaashiis, hooyadiis ama gabadhiisa. Ninka nuucaas ahna noloshaada in uu qayb ka noqdo uma qalmo ee ka fogow fadlan.

3. HADUUBA IN DUMARKA LOO GACAN QAADO AAMINSAN YAHAY.
Raga qaar ayaaba aaminsan in dumarka in loo qaado ay canaanta qayb ka mid ah tahay oo waaba ka caadi ogtooda.

Waxay aaminsan yihiin marka ay u gacan qaadaan Dumarka in ay saxayaan ayaga oo ku andacoonaya in gacan qaadkoodu uu ka dhigan yahay in ay jecel yihiin ayaga oo kusii doodaya in qof la jecel yahay loo gacan qaado si qaladkeeda loo saxo haddii aan la rabin oo loo gacan qaadeena in la iska furo ay ka fududahay.

Raga nuucaas waa in aadan waxba la wadaagin, waa in aad inta aad ka fogaan karto ka fogaataa, waa haddii aad rabtid in aad sii noolaato oo sheeko sii sheegto, haddii kale nasiib uma yeelan doontid in aad afka sii kala qaado, isaga oo aaminsan in uu ku saxayo kuna jecel yahay ayuu nafta kaa qaadayaa, fadlan kaas waa qatar ka digtoonow.

4. NIN DUMAR KALE KULA BARBARDHIGA.
qof walba Alle si gooni ah ayuu u abuuray, qof walbana wax uu ku fiican yahay ayaa jira, sidaa darteed, ma jirto sabab laguula bar bardhigo dumar kale, waa in sida aad tahay uu kugu qaddariyaa kuguna qiimeeyaa, tusaale wanaagsan wuu kuu soo qaadan karaa balse waa in uusan barbardhig kugula samayn tusaalahaas.

Haddii ay taa dhacdo waa in aad ogaataa in uu dhaliilsan yahay qofnimadaada iyo kartidaada Dumarnimo, kaasna waa in aad si nabad qabto ku daysaa oo laabtaada uusan boos ku yeelan.

5. NIN U MALEEYA IN UU WAX WALBA XAQ KUUGU LEEYAHAY.
waligaa Wahel ha ka dhigan Nin aan ku faraxsanayn waxa aad u qabato kaagana mahad celin, raga nuucaas waa kuwa maleeya in wax walba oo u qabanaysa uu xaq kuugu leeyahay, dabcan waa jiraan wax xaq laguugu leeyahay iyo wax aad farxad galintiisa iyo naxariis aad isag u naxariisanayso u qabanayso, taas waa in uu kala gartaa, haddiise taas uusan kala fahamsanayn aaminsanyahayna in adiga aad u tahay Addoon oo wax walba aad u qabanaysid ay tahay waajib ku saaraan, ninka nuucaas ahna noloshaada waxba ha ku sii dhibin, maxaa yeelay, wuxa uu kaa aminsan yahay ayaaba ah wax aydan nolosha iskula fahmi karin.

Waa in ninka aad xulanayso noqdaa nin fahamsan xaqa lagu leeyahay iyo kan uu leeyahay, sidoo kale ay u kala saaran yihiin waxa lagu farxad galinayo looguna naxariisanayo.

6. WAA IN UUSAN KUGU CEEBAYN MUUQAALKAAGA.
Ninkaaga waa in uu kugu jeclaadaa muuqaalkaaga oo dhan, shalay isaga ayaa ku doortay cid kugu qasabtay ma jirin marka haddiiba ay sidaa tahay waa in uusan meesha keenin qaabka muuqaalkaaga, marba hadduu bilaabo in uu kugu ceebeeyo muuqaalkaaga ogow in shaqada idin ka dhaxayso ay gabagabo tahay, waqtigaada ha lumin ee ka danayso inta aad meel aad ka noqoto joogto.

7. NIN SHAKI BADAN AMARNA BADAN.
qofka shakiga badan la noolaantiisa waa hubaal in aad nabadgalyo iyo farxad aadan agtiisa ka helayn, waxa kaliya ee mar walba idin dhex yaal ayaa ah dood iyo dareen xumo, haddii uu kusii darsado amar bixin joogta ah iyana waa dhibaato kale oo baaxaddeeda leh, adiga qof Baniaadam ah ayaa tahay bal is waydii inta aad ku shaqayn karto qof amarkiisa iyada oo noloshaadan ay kuu sii dheertayay, qof amarkiisa marka aad ku shaqaynayso waxay ka dhigantahay in noloshaada aadan ku noolayn qofka aad dhab u tahayna aadan ahayn oo cabsi iyo ciil joogta ah aad la nooshahay.

8. NIN AAN GO’AAN LAHAYN.
Raga nuucan ah waa badan yihiin, calaamadahoodana waxaa ka mid ah aamusntaantooda ayaa badan, dhaqasana kuuguma jawaabi karaan, waa qof meel kale laga koontaroolo, naftiisa waxba uma go’aamin karo, waa in uu talo meel uun ka helaa, haddii aad is qabataan barito waa in uu talada xaaladdiina meel kale kasoo qaataa, ka waran haddii lagula soo talsho in aad kala dhamaataan?

Nin go’aan leh naftaada u xul, waliba nin aad is leedahay go’aan fiican oo dulqaad leh ayuu gaari karaa, ma ahan mid marka uu xanaaqo go’aan gaaro.

Gabadhaha maskaxda qaan gaarka ah leh ayaan la hadlaya, ma ila socotaan?

Qore : Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN