Noloshaada maamulo. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Noloshaada maamulo
In aad tartan la gasho dad kale noloshaada waxba uma soo kordhiso aan ka ahayn niyad jab iyo hoos u dhac naftaada ku yimaada, noloshaada adiga ayuu Alle ku siiyay sida aad rabto ugu noolow ayuu ku yiri aniga ayaa ku xukminayo maalinta qiyaama khayr iyo shar waxa aad la timaado ayaadna xagiisa ka helaysaa, sidaas marka ay tahay waa maxay sababta maamulka noloshaada aad ugu dhiibayso qof kale oo isagaba tiisa la daalaa dhaacaya? Maxaysa tahay sababta qof aad uga amar qaadataa noloshaada sida ay u soconayso iyo sida ay noqonaysa? Taas waa in aad iska diidaa oo bilow wanaagsan u bilowdaa noloshaada inta aad daawan lahayd qof kale noloshiisa.

Dhamaanteen tartan ayaan kuwada jirnaa ah in aan wada gaarno heer sare oo nolol wanaagsana wada helno, marka ma ahan in aad noqotaa qof kale jaranjaradiisa uu ku gaari lahaa farxadda noloshiisa.

Safarka nolosha waa mid lagu kala duwan yahay, sidaas si la mid ah waddada safarkaas loo marayo, waxaa kula gudboon marka in aad diiradda saarto kana taxaddarto qaabka ay noloshaada u socoto, noloshaada adiga ku noolow yeyesan cid kale kuu yeerin kuuguna noolaan.

Qoyskaaga iyo asxaabtaada iyo inta kale ee qaaliga kugu ah hagayaal wanaagsan waa kuu noqon karaan, laakin waa adiga qofka go’aanka mar walba iska leh, waa isla adiga qofka marka uu xaalad adag la kulmo la doonayo in uu iska saaro, waa in aad garataa sida loo aamino naftaada, sidoo kale aad noqotaa qof geesinimo leh iskuna filan oo hadaf uu tiigsado leh.

Caajiska waa cadowga kowaad ee naftaada, wax walba oo wanaag ah oo noqon lahayd ayuu kaa hor istaagaa qaasatan cibaadada iyo horumarkaga shaqsiyadeed, waa in aad la timaadaa dadaal adag, dadaalka adag ayaa wax walba baddalo garashadaas waa in aad lahaataa.

Macna ma sameeyo sida caqligaada u badan, sida aad u xirfad badan tahay, haddii marba dadaalkaaga uu yaryahay caajiskaagana uu ka tan bato dadaal samayntaada waa hubaal in xalka noloshaada uu gacantaada ka baxsanayo meel dheerna aadan gaari doonin.

Hadaba waa in aad la timaadaa dadaal dheeri ah iyo taxaddar feejignaan ku dheehan, sidoo kale waa in aad garataa in qof walba uusan wanaag kula doonayn dadka qaarna ay u tagan yihiin qatarta noloshaada adiga oo laga yaabo in aad malayso in ay kuu yihiin dhawayaal dhaxanta kaa dugaaliya.

Dad waxaa jira jeclaan lahaa in aad hoostooda fadhiisato ayaga oo wajiyadooda marka aad eegto aad is leedahay nuucooda maba ku noola Dunida, garashada aad u leedahay dadka noloshaada ku xeeran qayb wayn ayey ka qaadan karta hagidda aad ku hagto noloshaada Hadaf wanaagsan.

Noloshaada ka jar kana saar qof walba oo dulsaar ku ah oo wax uu kugu soo kordhinayo aysan jirin. Qaladaadkaaga wax ka baro, waa hubaal in mar walba qalad kaa dhacayo taas macna ma lahan sida aad wax uga barato ayey ku xirantahay.

Qalad sidiisaba marka koowaad qalad lama dhihi karo, laakin marka aad wax ka baran wayso oo uu mar labaad isla qaladkii kaa dhaco ayuu qalad noqdaa waliba qalad nacasnimo ayaa la dhahaa kaas.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN