Maansada; Cibaaro! Curiye; Bashiir M. Xersi

mmmm

Maansada; Cibaaro!

 

I caleemo saaroo

Igu daadsha caanoo

Ii taaga calammoo

Ii luxa caleemmoo

Ha i dhigina ciiddoo

Cirka igu dawaafshaay!

 

Car i dhiga dhulkaan iyo

Ciidda iga dhawriyo

Carradiyo dhulkoo idil.

 

Wixii aan cantuugee

Aan cunaha mariyiyo

Cuudkii dhankay mara

Caddaan iyo madoowgiis

Ka buuxsado calooshey

Ceeb haw arkina abid

Marna haygu caayina!

 

Culimadu af yey furin

Caalimiintu yey hadal

Caaqil iyo waxgarad iyo

Cuqaashiyo yey i caasiyine

Ninna yuusan Ciil qabin

 

Nin kastoo cod maaliyo

Caynkeed mid tiriyiyo

Cabbirkeeda suugaan

Gabayaaga caankaa

Yey curinnin maansada.

 

Nin carooda yuu jirin

Ninkaan ciilay yuu garan

Cillad aan horow falay

Cudur yaan la soo fagin

Ceebtayda yey jirin

Cid xumaan ku sheegta

Ninna yuu cargaagtamin

Caaradinin waxaan wado

Is colaadsha gebigiin

Isku daarta cudurkoo

Cududdiinna kala jara

Caalamkana ka soo hara!

 

Caabuqa naftiinniyo

Caloolxuma dagaal iyo

Carruurtoo la dooxiyo

Cakir iyo xasarad baan

Cawadiinna weeyee

Colku yaanu naga damin.

 

Mar haddaan caqliba jirin

Cilmi lagu dhaqmaa jirin

Wax la ceebsadaa iyo

Caagganaani ay jirin

Dunidii la cirib tirey

Caynkeeda laga xiray

Cagta hoose iyo dhabar

Ninna lama cajaba’oo

Cimri raaga weeyoo

Casho weliba xaalkeed

Ninna yuu i caasiyin

Ha lay wada ciyaaroo

Caagadaha ii tuma.

 

Federaalku Caymiyo

Miyuu noqon cadliyo sharaf?

Cuqdad kala fogaanshiyo

Bulshadoo cadaawadi

Cunfi uu dhexdood galo

Amni iyo cisina jirin

Camaarado is diiddani

Mid ba gaar u cararaa

Waa cibaaro gaaree

Horta yaa cajabe dhigay

Curraafkeeda yaa faray

Ayaa Beerey cudurkaan?.

Dhammaad.

07/03/2014

Bashiir M. Xersi

SHEEKOOYIN