GARBADUUB Q14AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q14AAD 

Taliye Caddaawe haba yaraatee wuxuu waayey meel uu raadraac ka billaabo, kaddibna wuxuu go’aansaday inuu u cag dhigo oo tab kale adeegsado, aragyey inay awood badan ku leeyihiin Bille dheere iyo wiilka uu adeerka deegaankan iyo taliskan aysana jirin cid ku dhici karta inay wax ka sheegto.

Iyadoo xaalku sidaa u cakiran yahay oo aysan jirin cid xog buuxda ka haysa, geerida iyo nolosha Guhaad si dhab ahna u caddeyn karta  ayaa waxaa maalmo kaddib kormeer iyo indha indheyn kedis ah ku tgeay Qabir dadeedkii uu ku xidhnaa Guhaad xubno saraakiil iyo madax sare  ah oo nabadgelyada deegaankaas u xilsaarna uuna hoggaaminayo Taliye Shirwac.

Taliye Shirwac ayaa markuu dhammaan degel hawleedyada booqday oo warbixin mug leh la siiyey ayuu faray in bannaanka loo soo saaro, qabiranayaasha meesha ku xidhan, si uu u ogaado, noloshooda, gabboodfalyadooda iyo tiradoodaba.

Mar qudha ayaa laga dhex kacay oo meel laysugu keenay dhammaantood, waxaana la soo tubay daarada weyn ee Calanku ka lusho, qabir dadeedyada qololkeeda iyo degel hawleedkuna ku wareegsan yahay, dusha sarena  aysan gaadheyn indhahaagu darbiga dheer ee ku wareegsan weliba taarka qodxaha leh iyo dhallooyinka jajaban lagu wareejiyey Afarta geesna qowlooyinka samaysan qoryona ay askartu sii saarantahay kaga dhisan yihiin.

Markii meel laysugu keenay ayaa la yeedhiyay  Qabirane kasta magaciisa, tira sumadeedkiisa xilka ciidan  ama hawsha dowladeed uu hayey iyo inta uu meesha ku jiray.

Mar qudha ayey dhegihiisu maqleen, Guhaad Samatar Digaale, hore ayuu u soo dhaqaaqey, markaasuuTaliye Shirwac keliya gartay labadiisa indhood iyo Afkiisa, waayo timahaa ku baxay, Gadhkaa ku baxay diif iyo dacdarro badana waa ka muuqataa.

Taliye Shirwac ayaa istaagay oo intuu anfariirey u qaadan waayey ninkuu tusaaleha ku bixin jirey in lagu daydo qaabka uu u egyahay taliye Shirwac ayaa weydiiyey horjoogihii qabirka maxaa ninkan lagu soo xidhay?

Duubane: Waa  dhagarqabe la shaqeynayey kooxaha hubeysan iyo dabadhilifka xabashida.

Shirwac: Waan gartay, ma haysaa waraaqaha laga qorey falka uu geystay iyo arrinka lagu soo xidhay?

Duubane: Haa, wuxuu markii faray xogyihiisa inuu soo saaro  xaashiyaha eediisu ku dhantahay iyo xogta ku saabsan dhagarta uu maleegay ee loo soo gudbiyey.

Taliye Shirwac ayaa istaagay hadaljeedin dheerna galay, waxa uuna u sheegay in ay maanta kormeer yihiin, balse loo iman doono oo qof walba la weydiin doono, dibna loo wareysan doono, qofkii baadhitaankiisu soo dhammaadana la casaari doono, kuwii dhammeystayna la sii deyn doono, kuwa aan waxba ku caddaana la sii dayn doono.

Markuu hadalkii filashada ku abuurey dad quustay u jeediyey qabiranayaasha ayuu faray in maanta dhammaantood geel loo qalo, cunta wanaagsana la siiyo

Duubane: Farriintii la faray ayuu fulinteeda u dhaqaaqey.

Taliye Shirwac ayaa si gaar ah u codsaday in meel gooni ah loogu keeno Guhaad, kaddibna waa loo keenay, Taliye Shirwac waa raggii sida weyn u soo tabbobaray Guhaad waana nin aad u yaqaan habdhaqankiisa iyo qofnimadiisa weliba kalsooni weyn ku qabo.

Taliye Shirwac iyo Guhaad waxa ay ka wada qayb galeen hawlgalo badan, waxaana jirtey in hadda ka hor Shirwac oo ku go’doomey meel tuulo ah oo duulaan lama filaan ah ay ku soo qaaday xabashidu halako la geliyey oo ay gubeen magaaladii xabashidu, ciidankii joogay oo yaraa awgiisna la jebiyey.

 

Balse Taliye Shirwac iyo  unug la socotay aad ula dagaallameen markii dambena ay galeen meel xurfad ah oo barkad laga qodayey oo weliba qabyo ah dhufeys adagna ka galeen.

 

Waxaa soo gaadhay qaylodhaanta taarka ay soo direen, kaddib Guhaad  oo aan ka fogeyn ayaa urur uu wataa gurmad ugu yimid, si aan naxariis lahayna ula dagaallameen xabashidii, waxa ayna ka dhigeen, wax ay qabteen, wax ay dileen.

Maalintaas hal qudha kama uusan badbaadin ciidankii xabashida  ee weerarka soo qaaday, waxaana ku dhacay jab ka weyn kii ay markii hore geysteen, inkastoo ay gubeen guryihii dadweynaha iyo  degaanka, haddana iyagaa guuldaradu ku dambeysay.

Ciidankii uu hoggaaminayey Guhaad ayaa  la wareegay dhammaan agabkii iyo hubkii ay wateena , sidaasna uu ku soo badbaadiyey  Taliye Shirwac iyo ciidan toboneeyo ah oo qaar dhaawac yihiin oo ku jira godkii xorfada ahaa.

Taliye Shirwac weligiis ma uusan ilaawin maalintaas,  waxa uuna mar walba majeeran jirey sida haaneedka leh iyo habsamida uu xilkiisa u guto, geesinnimada iyo daljeclida Guhaad.

Taliye Shirwac intaanay wada hadlin ee loo keenin wuxuu faray in la siiyo dhar cusub timahana laga jaro, qubeys iyo maydhashana loo oggolaado isla saacad gudaheedna lagu dhammeeyo intaas.

Waa farid ciidan oo baryo maahe, hore ayaa looga dhaqaaqey, waxaa loo keenay mar kale markaas Guhaad oo sidii hore ka duwan, balse diifta iyo darxumada ka muuqata oogadiisu maaha mid is dhallan rogeysa.Shirwac oo si wanaagsan u aqristay uguna bogtay arrimaha lagu eedeeyey naftiisuna ka biyo diiday ayaa wareysi ugu dhaqaaqey Guhaad iyo sida wax u dhaceen.

Guhaad ayaa dul iyo hoos maalintii la qabtay ilaa maalinta la joogo si hufan ugu dulmaray.

Taliye Shirwac ayaa weydiiyey “Ma jiraa qof aad is qabateen ama dagaal hoose idinka dhaxeeyey oo aad is leedahay shirqoolkan wuu kuu dhigi karaa?

Guhaad “Maya  haddaanba ogahay miyaan ciil qabi lahaa”

Shirwac ayaa yidhi “ Arrintan dabagal ayaa ku sameynayaa, haddii eebbe oggolaadona waxaan la xidhiidhayaa Caddaawe, dhakhso ayaana kuugu soo noqonayaa, maanta wixii ka dambeeyana dil dambe iyo cadaadis dambe arki maysid, qaabka laguula dhaqmona sidii hore noqon maayo.

Ciidanka meeshan joogaa waa rag loo carbiyey cadaadiska iyo kadeedka dhagarqabayaasha, sida adigaba laguu carbiyey inaad colka shisheeyaha dalka uga dhawrto, iyagana waxaa loo carbiyey ciddii dhib lagu tuhmo inay dhibaan oo garaacaan, ogowna waa ciidan wixii la faro keliya samaynaya maahine ma jirto colaad adiga si gaar ah kaala dhaxaysa, aniga ayaana la hadlaya.

Taliye Shirwac waa nin hufan oo dal iyo dad jecel eebbana ku manaystay degani iyo garaad, waa ogyahay hawshu inay tahay mid ciidan, wuxuuse go’aansaday inuusan ku dhaqaaqin fal degdeg keena uuna si weyn u hubsado, halka sartu ka qudhunsan tahay.

Ninka nin ciidan ah sidaa u galay dadka iyo dalka oo dhan wanaag uma hayo ayuu nabdiga iska weydiiyey, sidaasoo kale wuu ogyahay inay jiraan kooxo gaashaanbuur ah oo olole ka dhan ah dalka iyo dadka wada, waxna aan ka duwanayn colka dibadda jira.

Taliye Shirwac maalintaas iyadoo raggii meesha ku xidhnaa dareen kale uu galay oo ay ogaadeen in ciidanku uusan wada xumeyn ayuu goor habeennimo ah ka baxay, waxa uuna si gaar ah ula dardaarmey Taliye Duubane una sheegay ninkani in uusan ahayn nin fudud ee uu xanaaneeyo si wanaagsana uu ula dhaqmo wuxuu u sheegay Guhaad inuu yahay geesi dal iyo dad jecel oo haysta “ Billad Geesi” uu isagu gacantiisa ugu xidhay.

Askartii iyo raggii la socday Taliye Shirwac ayaa weydiisay, hadduu sidaa ahaa laba gu’ ka horena uu jebiyey ciidankii shisheeyaha maxaa keenay inuu maanta dalka iyo dadka  ku soo hoggaamiye col iyo guluf shisheeye, hubkii ciidankana u gacan geliyo kooxaha jabhadaha ah.

Taliye Shirwac ugama warcelin waayo waa arrin ciidan wuxuu faray inay dhar wanaagsan, bustayaal iyo cunto wanaagsan siiyeen, arrinkaasna uu yahay arrin ciidan oo aysan ku foggaan si weyna loo tixgeliyo.

Taliye Duubane waa qaatay talada iyo faridaba waxaana habeenkaas loo geeyey isaga iyo jaalkiisa laba Dhinacdhig go’yaal iyo barkimooyin waxaana durtaba billowday dhaqan iyo qaab ka duwan kii hore.

Intii uu u yimid taliye Shirwac waxaa  ay ula dhaqmeen ciidankii ilaallada ka ahaa Qabir dadeedka si wanaagsan waxaa Guhaad ogaaday inuu ku jiro Qabir dadeedka God nacab(Xabsiga God nacab) ee duleedka Hoodaale.

La soco qaybaha kale….

W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

SHEEKOOYIN