Xisbi siyaasadeed Q1AAD W/Q: Shaafici Macallin Axmed

Xisbi siyaasadeed Q1AAD

Dhaqdhqaaq kasta oo ay bulsho samayso, waxaa laga maarmaan u ah  hannaan iyo midoow,ha ahaanto waxa l aqabanayo samafal, wax barasho , siyaasad iwm.

Hannaanku (Nidaam) : Waxa uu isku duwaa dedaalada, iyo waxqabadka bulshada, si uu u mira dhalo. soomaalidu waxa ay ku maah maahdaa “

  • far kali ah fool madhaqdo
  • Iskaashatana ma kufto
  • Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan

 Dhammaan murtida iyo maahmaahyadani waxay muujinayaa in iskaashiga bulsho lagu gaari karo guul iyo libin kama dambeys ah, haddaba iskaashi kasta oo arrimeed wuxuu u baahan yahay hannaan (Nidaam) loo maro si loo maareeyo.

Haddaba siyaasadda oo ka mid ah arimaha ugu adag oo ay bulsho wadaagto, ayaa waxaa laga maarmaan u ah , nidaam iyo midoow ay bulshadu isku raacsan tahay.Weydiintu  waxay tahay, waa maxay xisbi siyaasadeed yaase loogu yeeri karaa ama u qalma in magacaas yeeshaan?

Xisbi siyaasadeed waxaa la oran karaa cidda ama kooxdii  leh tilmaamahaan hoos ku qoran:

  • Ururaysi joogto ah:

Ugu horrayn xisbi siyaasadeed waxaa laga maar maan u ah in uu yahay mid joogto ah aan ku xirnayn ammin gaar  ama qof gooni ah.

Waa in uu san ahayn mid la dhiso xilliga ololaha doorashadu socoto, marka ay dhammaatana burbura ama haddii hoggaamiyihii aasaasay meesha ka baxo asna meesha ka baxaya oo aragti qofeed ku tiirsan.

  • Dastuur iyo xeer:

 Waa in uu leeyahay dastuur iyo xeer qoran oo ay ku heshiiyeen dadka dhisay ama unkay ururkaasi  oo ay ku caddahay qaab dhismeedka xisbiga , Sida hoggaankiisu isugu xigaan, golayaashiisa, doorashada hogaamiyaashiisa, arrimaha lama huraanka u ah xubinimadiisa, xallinta ismaandhaafka,sidoo kale, miisaaniyada xisbiga sida lagu soo aruurinayo iyo sida loo maamulayo waa in lagu caddeeyaa.

  • Barnaamij siyaasadeed:

Xisbigu waa in uu leeyahay aragtiyo iyo maabaa di’ cad oo qoran oo kulmisa dadka ka tirsan xisbiga, sidoo kalana waa in ay diyaar u yihiin sidii ay u hirgalin lahaayeen aragtiyadooda.

  • Taageero dadweyne:

Xisbigu waa in uu ka shaqeeyaa sidii uu ku heli lahaa taageerada dadwaynaha qayb ka mid ah oo hirgelisa korna u qaada aragtida iyo maaminta xisbiga, si ay u suurta gasho in la hirgaliyo aragtiyada xisbiga hoggaankana iyo talada  uu u hanto.

  • Hanashada hoggaanka:

Xisbigu waa in uu yahay mid u taagan kana shaqeeyaa sidii uu hanan lahaa hoggaanka bulshada, si uu hir galiyo aragtiyada iyo maba di’diisa.Qodobkaan ayaa ah midka ka soocaya xisbiga midoowyada kale eysan ujeeddadooda ka mid ahayn raadinta hanashada hoggaanka

Hadaba intaas oo qodob ururkii laga helo ayaa lagu tilmaami karaa xisbi siyaasadeed.

Lasoco qaybaha kale

W/Q: Shaafici Macallin Axmed

SHEEKOOYIN