Home Qoraallo Dabacsanaanta iyo dowrka dhallinyarada W/Q:- Jamaal Cabdinaasir

Dabacsanaanta iyo dowrka dhallinyarada W/Q:- Jamaal Cabdinaasir

0
SHARE

Dabacsanaanta iyo dowrka dhallinyarada

Nolosha qiimaheeda inaan garanno waxaa inoogu filan in awoodda dabacsanaanta aan adeegsanno oo aynu ka gudubno muranka dilaaga ah. Dabacsanaantu waa miciyaarka xilkasnimada, sidoo kale waa u halgamidda ujeedka uu qof aaminsan yahay. Gu’ kasta dadku waxa ay u dhimanayaan bilaa oogis la’aan, sababtoo ah nolosha ayaa xukuntay. Gu’ kasta jiil baa soo koraya, waxayna daneeyaan iney qeyb-libaax ka qaataan nolosha qiimaheeda. Ma badbaadin karno jiilka gu’ kasta soo baxaya, sababtoo ah waalidiintooda ayaa u arka ubax usoo baxay, balse, nolosha ay ku noolyihiin ma’aha nolol xasilan oo deeqo aqoon iyo waayo aragnimo ay ka heli karaan, waayo aragnimo waxaa sahal u hela ruuxa doontay nolosha kana quustay, kadibna falaad u arka nolosha bar-billowgeeda iyo bar-dhammaadkeedaba.

Lama jecla in si kadis ah loo dhinto, kolkaana goob dhan ay aas isu badasho. Meelaha uu buuqa iyo dhibaatadu hareeyaan way ka sahlan tahay in deegaan dhan uu noqdo goob aas. Halkaasna ay dadku maraan oo ay ku walaacaan ruux hebel baa ku duugan! Maxaa sidaas loo falayaa meey nolshii qiimaha laheyd oo weyne noo yagleelay? Wanaagga la inoo abuuray kaliya ma’aha in abuurkeenna uu ahaa falaad ciideysan, balse, wuxuu ku suntanaa in si macquul ah aynnu isugu bishaareyno wanaagga iyo qaddiyadihiisa. Xurmo joogteyntu way ka duushaa nolosha bilaa nidaamka ah. “Waxay odhanayaan nolosha iyadaa buuq miidhan ah. Cidna badbaadada dhabarka kuma sidato, gogosheenna innagoo jiifna ayey innaga qul-quli nolosha”! Aax, quruxda way kala cuddoon tahay, kala tilmaam badan tahay, kala qumman tahay, dooqa ayaana kala garta wax kasta iyo cabbirkooda.

Lama huraan waxaa ahaanaya ciddii hal-abuur ku kala wareejisa noloshan kacaakufka badan oo marka loo eego soomaalida. Qaayo kuuma lahaaneyso marka agtaada la isku dharbaaxo, la isku faquuqo oo qolo-qolo la iskugu fadli yeelo. waxaadna gareysan doontaa in xurmada iyo kala dabacsanaantu inay tahay wax daruuri ah oo badbaadada ku jirta.

Halganka waa wax nolosha ku lamaanan, doog iyo reyn-reyn ay ka dambeyso waa haddii laga dhabeeya e’, su’aalo la aaminsan yahayna la isku qeexo, jawaabo kala duwanna loogaga jawaabo. Markaasi hal-abuur qeexan oo nolosha la noolyahay wax ka tara baa la arki karayaa. Waxaa bilaabanaya in doonta ay quusto, cid kastana ay raadsato halka ay ku neefsan laheyd oo biyaha ay isaga badbaadin laheyd. Dad gaar ahna ay udaawasho tagayaan! Kuwa daawanaya shucuurta iyo caadifadda way iska miirayaan, muxuu horumar ba’ay uu daneysigu muuqdaa. Markasta fikraddu way kugu dhalaneysaa oo cid bilaa fikrad ah nolosha laguma soo fasaxin. Markasta waxay odhanayaan kuwaa way ka madhan yihiin fikradda iyo curinta, balse, mey dul istaagin axwaasha noloshooda, sababtoo ah doonta ay saaran yihiin baa quustay, waxayna raadinayaan badbaadadooda. Cidna kama wareysanayaan halka ay ku badbaadi lahaayeen oo daruufaha cakiran iyaga ayaaba kuu jiheynaya halka badbaadadaada ay kaa jirto. Way adagtahay in loogu yeedho dadkaas ma fikiraan oo dadkaas goonida ah ayaaba fikrad u saaxiib ah, taasi dabacsanaan aragti ma’aha ee waa sarreysiin “ideology” aragti.

Noloshu waxay doodo badan u qabatay dad ka adkaaday nafahooda oo il-dillaacsaday, ogaadeenna in waxtar wax la yidhaahdaa uu jiro, Jihada waxtarkooda uu ku habboon yahayna is tusiyeen. Farriinta suubbanaha baa ugu qaddiyad sarreyso waa la aqriyay, la soo wariyay wacdarihii uu ka dhigay dhulalkii uu xurmada iyo dabacsanaabta ka fidiyay. Way soo gudubtay fikraddaas waxayna usoo gudubtay dad waxtarkooda soo baadhay oo isna tusiyay halka ay joogaan inay ka fulin karaan howl gaar ah oo tilmaan sugan lagaga dayan karo. Way sii soctay ilaa ay soo gaadhay ilbaxnimo hor leh oo doonis kasta uu bini’aadam damco inuu xarfo u baddalo, nidaam iyo garashona u maro. Way socdaashay fikraddii una gudubtay aqoomeyn ugub ah oo bulshooyin badan ay qoondo u beegeen jiilka dhow, kan xiga, ku sii xiga.

Aragtiyadii loollanka iyo xaraaradda nolosha u sameeyay, waxay ka shidaal qaadanayeen daruufaha ka jira noloshooda iyo deegaannadooda, aragti bilaa daruuf ah usoo ifbaxday wali lama arag. Gabyaa, fikiraa, falsafadyahan, garyaqaan, siyaasi iwm, kuwaa oo idil iyo kuwa ka sii badan nolosha umey arkeynin dagganaan waa sababta ay usoo baxeen, gabay yaqaannadu way ku kala duwan yihiin warinta farriimahooda, balse, waxan abbaaraya kuwa baraarujinta u istaagay oo gabaygooda muc iyo milgo lahaa, is kama istaagin oo waxbaa usoo muuqday. Fikiraagu isna waxbaa usoo baxay oo nolosha uu noolyahay ayuu ka dareemay is riix-riix. falsafad yahanka isagana nolosha dhibta lagu arko ayuu daba-gal u galay si uu usoo ogaado waxa gubaya noloshan kolba dhinac isu gaddineyso. Garyaqaanka iyo siyaasiga waxbaa usoo baxay laftooda. Waxaan ujeednaa in fikrad bilaa daruuf iska soo if-baxday inaysan jirin. Tusaale dhig; suubbanaha iskama uusan soo bixin isagoo caddeyn la’aan ah oo la iskamaba soo saarin iyadoon mowjad qalafsan laheyn. Waan aragnaa sida fikraddii weyned ee islaaminta aheyd halka ay soo gaartay. Waa cajiib!

Maxay dhallintu saadaal u sameyn la’yihiin?

Hanashada dood qumman baa ka horreysa, xawaaro u fikirkana xarfo akhris baa ka horreysa. Dhallintu waa in ay fahmaan labadaa umuurood hanashada iyo xawaare u fikirka. Hanashada waxaa bidhaanteeda la fahmaa, marka ruuxu uu si dabacsan u akhris billaabo, akhriskaasna uu mintid ku noqdo. Iskuma xidhna akhriska iyo hanashadu, balse, waxaan tilmaamayaa marka nolol gadgaddoon ah lagu jiro waa in lamataaneeyaa hanashada iyo akhriska, sababtoo ah nolosha marka ay daruuf badantahay, waxaa shardi ah in ruuxa hankiisu ku qoondeeyaa aqris badan si uu ula tacaalo daruufihiisa iyo daruufaha deegaankiisu oo xal macquul ah ayuu kala imaan karaa.

Xawaaro u fikirka isna waa asaas toosh u ah hanashada. Isagu wuxuu furaa wax kasta oo ku saleysan ilbaxnimo iyo cuddoon nolol, in si fog oo xawaare ku bah ah aad u miisaantaa waayahaaga iyo waxa dib-udhac u ah waa adigoo adeegsada xawaaro u fikirka, kanshada uu leeyahay xawaaro u fikirka.

1) Jiritaanka ruuxa ayuu sii qaabeeya
2) Doonis sugan ayuu ruuxa ku baraarujiyaa
3) Is weydiimo badan ayuu ruuxa ku wanqalaa
4) Garasho iyo baraad hufan ayuu qofka ku abuuraa.
5) Waayaha iyo xifaaltanka ka oogan ayuu ruuxa ku baraarujiyaa.

Waa mahdin in si maan-gal ah aad u fikirto, fikirkaasna uu qaab-dhismeedyo badan uu daawo u lahaadaa. Nolosha iyadu mar doorasho ayey kuu sameydaa oo waxbey ku soo hordhigtaa si jawaab waafi ah lagagaa helo. Marna qofkeeda ayaa weydiin hordhigo si kalkeeda ay jawaab u bixiso. Waa intaas, balse, innaga waxa aan doorannay ma’aheyn kuwa waxtar u leh jiilasha u barakacay aqoonta oo is leh, ka gaar baad leedihiin, ma yara wacna in jiil dhan la dhibaateeyo cid kasta oo shaqo ku leh barbaarinta jiilasha amaba hormarinta iyo u qorsheynta nolol deggen waa iney badbaado u raadiyaan dhallinta soo ifbaxeyso.

W/Q: Jamaal Cabdinaasir
Email: jamaalabdinaser@gmail.com

SHARE